Sheekh Shariif oo Dib Ugu Laabtay Hoygiisii Hore Kadib Wadahadallo Lagu Dejiyay Xiisad Ka Taagnayd Miraanyo
Muqdisho – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa ugu dambeyn oggolaaday inuu ka guuro xaafadda Miraanyo ee degmada Cabdicasiis, isla markaana dib ugu laabto hoygiisii hore ee ku dhow garoonka diyaaradaha ee Aden Adde International Airport, kadib dadaallo lagu doonayay in lagu dejiyo xiisad amni oo halkaas ka taagnayd. Go’aankan ayaa yimid […]

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa dib ugu laabtay hoygiisii hore kadib wada-hadallo lagu dejiyay xiisad ka taagnayd xaafadda Miraanyo.
Maxaa la shaaciyey
- Shariif Sheekh Axmed ayaa oggolaaday inuu ka guuro xaafadda Miraanyo.
- Kulanka dejinta xiisadda waxaa ka qayb qaatay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Taliyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.
- Ciidamo ka tirsan dowladda ayaa xireen waddada gasha guriga Sheekh Shariif.
Macnaha guud
Xaaladda amni ayaa cakiran kadib markii kolonyadii galbinaysay Sheekh Shariif laga hor istaagay waddada.
“ciidamada la socday madaxweynihii hore ayaa lagu amray inay dib u laabtaan.”
Sababta ay muhiim u tahay: Waa arrin muhiim ah maadaama ay muujineyso xiisadaha amni iyo siyaasadeed ee ka jira dalka.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa ugu dambeyn oggolaaday inuu ka guuro xaafadda Miraanyo ee degmada Cabdicasiis, isla markaana dib ugu laabto hoygiisii hore ee ku dhow garoonka diyaaradaha ee Aden Adde International Airport, kadib dadaallo lagu doonayay in lagu dejiyo xiisad amni oo halkaas ka taagnayd.
Go’aankan ayaa yimid kadib kulan ay garwadeen ka ahaayeen Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Taliyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, kuwaas oo la sheegay inay ku guuleysteen in la dejiyo xiisad dagaal oo ka aloosnayd xaafadda Miraanyo ee degmada Cabdicasiis.
Si kastaba ha ahaatee, xaaladda ayaa mar kale cakirantay kadib markii kolonyadii galbinaysay Sheekh Shariif laga hor istaagay waddada. Sida ay ilo ka tirsan Himilo Qaran u sheegeen warbaahinta Shabelle, ciidamada la socday madaxweynihii hore ayaa lagu amray inay dib u laabtaan, inkastoo ay wehlinayeen saraakiishii ku qancisay Sheekh Shariif inuu aqbalo dadaallada lagu dejinayay xiisadda.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamo ka tirsan dowladda ay xireen waddada gasha guriga Sheekh Shariif ee ku dhow garoonka diyaaradaha, halka gaadiid dagaal lagu daadiyay aaggaasi, arrintaas oo sare u qaaday walaaca laga qabo xaaladda amni ee goobta.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.