Shiinaha oo Cirbixiyeen Pakistani ah u Diray Saldhiggiisa Hawada Sare, Tallaabo Saamayn ku leh Hindiya
Waxa dhacay
Hal il · Hiiraanweyn
Shiinaha ayaa cirbixiyeen Pakistani ah u diray saldhiggiisa hawada sare, Muhammad Zeeshan Ali, isagoo noqday qofkii ugu horreeyay ee aan Shiine ahayn oo booqda saldhiggaas.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Zeeshan wuxuu muddo toddoba bilood ah tababar ku qaatay Shiinaha, isaga oo bartay luqadda Shiinaha ee Mandarin, farsamada hawada sare iyo sida loo maareeyo hawlaha ka socda meel ka baxsan dhulka.
- Wuxuu sheegay in safarkiisu aanu isaga oo keliya u ahayn guul, balse uu rajo gelinayo malaayiin qof oo reer Pakistan ah oo ku hamminaya inay maalin uun gaaraan hawada sare.
- Laakiin arrintani ma aha oo keliya in Pakistan ay cirbixiyeen hawada sare u dirtay.
- Shiinaha iyo Pakistan waxay si wadajir ah u soo saaraan diyaaradda dagaalka ee JF-17, waxayna muddo dheer iska kaashanayeen dhanka difaaca, tababarka ciidamada iyo qalabka milatari.

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Muhammad Zeeshan Ali wuxuu ku qaatay Shiinaha tababar toddoba bilood ah.
- Zeeshan wuxuu bartay luqadda Mandarin iyo farsamada hawada sare.
- Tallaabadan waxay muujinaysaa iskaashiga sii xoogeysanaya ee Shiinaha iyo Pakistan.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Arbaco 25 Nov 2026 {HMC} Shiinaha ayaa qaaday tallaabo taariikhi ah markii shalay uu hawada sare u diray cirbixiyeen u dhashay Pakistan oo lagu magacaabo Muhammad Zeeshan Ali. Wuxuu noqday qofkii ugu horreeyay ee aan Shiine ahayn ee loo oggolaado inuu booqdo saldhigga hawada sare ee Shiinaha.
Zeeshan wuxuu muddo toddoba bilood ah tababar ku qaatay Shiinaha, isaga oo bartay luqadda Shiinaha ee Mandarin, farsamada hawada sare iyo sida loo maareeyo hawlaha ka socda meel ka baxsan dhulka.
Wuxuu sheegay in safarkiisu aanu isaga oo keliya u ahayn guul, balse uu rajo gelinayo malaayiin qof oo reer Pakistan ah oo ku hamminaya inay maalin uun gaaraan hawada sare.
Laakiin arrintani ma aha oo keliya in Pakistan ay cirbixiyeen hawada sare u dirtay. Waxay sidoo kale muujinaysaa sida labada dal ay isaga kaashanayaan dhinacyo aad u kala duwan, laga bilaabo hubka iyo diyaaradaha dagaalka ilaa tiknoolajiyadda iyo cilmi-baarista hawada sare.
Shiinaha iyo Pakistan waxay si wadajir ah u soo saaraan diyaaradda dagaalka ee JF-17, waxayna muddo dheer iska kaashanayeen dhanka difaaca, tababarka ciidamada iyo qalabka milatari.
Hadda Shiinuhu wuxuu Pakistan u furay albaab ay dalal tiro yar heli karaan, isagoo cirbixiyeenkeeda u oggolaaday inuu ka mid noqdo hawlgalka saldhiggiisa hawada sare. Tani waxay dunida tusaysaa in Pakistan aysan Shiinaha u ahayn oo keliya dal uu hub ka iibiyo, balse ay tahay saaxiib uu la wadaagayo tiknoolajiyad iyo mashaariic heer caalami ah.
Tallaabadani waxay sidoo kale xambaarsan tahay farriin siyaasadeed oo ay si gaar ah u dareemi karto Hindiya, oo Shiinaha ay muddo dheer ku loollamayeen xuduudaha, awoodda milatari iyo saamaynta gobolka. Hindiya ma haysato iskaashi difaac oo Shiinaha la mid ah kan uu la leeyahay Pakistan.
Sidaas darteed, tallaabadan waxaa loo arki karaa dhirbaaxo diblomaasiyadeed oo kale oo ku dhacaysa Hindiya, maadaama Shiinuhu uu Pakistan la wadaagayo fursado tiknoolajiyadeed iyo kuwo istaraatiiji ah oo aanay labada dal ee deriska ahi isku heer ku ahayn, taasoo ugu dambeyn dhalin karta Pakistan inay ku hormarto hubka iyo tiknoolajiyad aysan si fudud ku heli karin Hindiya.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Hiiraanweyn
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · shiinaha · cirbixiyeen · diray
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada