Shirkadda Maersk oo ku dhowaaqday go’aan si weyn u saameynaya Soomaaliya
Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadda maraakiibta ee Maersk ayaa ku dhawaaqday inay lacag dheeraad ah ku soo rogeyso konteenarrada laga soo raro Waqooyiga Yurub iyo dalalka ku teedsan badda Mediterranean-ka ee loo soo wado Soomaaliya, tallaabadaas oo kordhin karta kharashka…
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadda maraakiibta ee Maersk ayaa ku dhawaaqday inay lacag dheeraad ah ku soo rogeyso konteenarrada laga soo raro Waqooyiga Yurub iyo dalalka ku teedsan badda Mediterranean-ka ee loo soo wado Soomaaliya, tallaabadaas oo kordhin karta kharashka soo dejinta badeecadaha.
Lacagtan cusub, oo loo yaqaan Peak Season Surcharge (PSS), ayaa dhaqan geli doonta 7-da October, waxayna noqon doontaa $200 konteenarka 20-foot ah iyo $300 konteenarrada 40-foot iyo 45-foot ah.
Maersk ayaa sheegtay in lacagta dheeraadka ah lagu dabaqi doono konteenarrada loo raro Soomaaliya iyo Tanzania, isla markaana ay sii jiri doonto ilaa amar dambe.
Shirkaddu waxay sheegtay in lacagta lagu dari doono kharashaadka kale ee ku xiran rarista, iyadoo lagu saleynayo habka lacag-bixinta ee shixnad kasta.
Taas waxay ka dhigan tahay in ganacsade konteenar 40-foot ah ka soo raraya suuqyada Yurub ee uu go’aankan khuseeyo uu bixin karo $300 oo dheeraad ah marka badeecaddiisa loo soo wado Soomaaliya.
Kharashkaas waxaa qaadi kara ganacsadaha, ama qayb ka mid ah waxaa loo gudbin karaa jumladleyda, tafaariiqleyda iyo ugu dambeyn macaamiisha, taas oo ku xirnaan doonta nooca iyo tirada badeecadaha ku jira konteenarka.
Waa maxay Peak Season Surcharge?
Peak Season Surcharge waa lacag dheeraad ah oo shirkadaha maraakiibtu ku daraan qiimaha caadiga ah ee xamuulka, gaar ahaan xilliyada baahida boosaska maraakiibta ay kororto ama awoodda gaadiidka iyo shabakadaha dekeduhu ay cadaadis la kulmaan.
Waxaa sidoo kale la isticmaali karaa marka ay jiraan ciriiri dekedeed, boos la’aan ama xaalado kale oo hawlgal oo sare u qaada kharashka ama cadaadiska saaran shabakadda shirkadda.
Magaca “Peak Season” macnaheedu ma aha in badeecadaha loo soo dhoofinayo Soomaaliya ay si lama filaan ah u bateen. Lacagta noocan ah mararka qaar waxay la xiriirtaa xaaladaha ka jira marin ganacsi oo dhan ama shabakadda caalamiga ah ee shirkadda.
Sidoo kale lacagtan ma aha canshuur ay dowladda Soomaaliya soo rogtay, canshuur kastam ama lacag deked. Waa kharash ganacsi oo Maersk ku darto qiimaha rarista konteenarka.
Maersk ma aysan faahfaahin sabab gaar ah oo ay lacagta cusub ugu soo rogeyso Soomaaliya iyo Tanzania, waxayna sheegtay in tallaabadu qeyb ka tahay dadaalkeeda ku aaddan sii wadista adeegyadeeda caalamiga ah.
Soomaaliya oo ka qaalisan Kenya
Maersk ayaa isla 7-da October lacag dheeraad ah ku soo rogeysa konteenarrada Yurub laga soo raro ee loo wado Kenya, balse qiimaha halkaas lagu dabaqayo ayaa ka hooseeya kan Soomaaliya.
Konteenarka 20-foot ah ee Kenya loo wado waxaa lagu dari doonaa $150, halka 40-foot iyo 45-foot lagu dari doono $200.
Soomaaliya iyo Tanzania, isla konteenarradaas waxaa lagu dari doonaa $200 iyo $300.
Shirkaddu ma aysan sheegin sababta Soomaaliya iyo Tanzania looga qaadayo lacag ka badan tan Kenya.
Go’aankan cusub wuxuu sidoo kale imanayaa kaddib markii Maersk ay bishan September dhaqan gelisay lacag kale oo $500 ah konteenarkiiba oo saaran xamuulka laga raro dalal dhowr ah oo Bariga Afrika ah, oo ay Soomaaliya ku jirto, loona qaado qaar ka mid ah dalalka Waqooyiga Yurub.
Xilligaas shirkaddu waxay sababta ku sheegtay xaaladaha suuqa iyo ciriiriga dhanka awoodda xamuulka ee marinada taga Waqooyiga Yurub.
Soomaaliya waxay si weyn ugu tiirsan tahay badeecadaha dibadda laga keeno, sidaas darteedna isbeddellada ku yimaada qiimaha maraakiibta iyo gaadiidka caalamiga ah waxay qeyb ka noqon karaan kharashka ugu dambeeya ee badeecadaha dalka soo gala.
Saameynta $200 ama $300 ee konteenarkiiba waxay ku kala duwanaan doontaa nooca iyo tirada badeecadaha la sido.
Haddii konteenarku sido badeecooyin badan, kharashka dheeraadka ah ee ku dhacaya shay kasta wuu yaraan karaa, balse kororka joogtada ah ee kharashaadka rarista wuxuu cadaadis dheeraad ah saari karaa ganacsatada wax soo dejisa.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · shirkadda · maersk · soomaaliya
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada