Siisi oo soo faro-geliyey khilaafka siyaasadda Soomaaliya
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiMadaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi ayaa ka hadlay khilaafka siyaasadda Soomaaliya, isagoo ku baaqay in la xoojiyo heshiisyada qaran ee u dhexeeya dhinacyada kala duwan.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Sisi ayaa hadalkan jeediyey Sabtidii intii uu kulan la lahaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo ka dhacay magaalada cusub ee Al-Calamayn, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saartay madaxtooyada Masar.
- Madaxtooyada Masar ayaa sheegtay in labada madaxweyne ay ka wada hadleen xaaladaha gudaha Soomaaliya, iyadoo Sisi uu carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo “is-afgaradka qaran” ee u dhexeeya dhinacyada iyo qeybaha kala duwan ee Soomaalida.
- Sisi ayaa sheegay in is-afgaradkaasi uu gacan ka geysan karo ilaalinta midnimada dowladda, xasilloonida dalka iyo sidii Soomaaliya isaga difaaci lahayd caqabadaha dhinaca amniga.
- Madaxtooyada Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay in labada madaxweyne ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Masar, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, maalgashiga iyo horumarinta iskaashiga labada dal.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee la soo jeedinayo si loo xoojiyo heshiisyada qaran ee Soomaaliya?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi ayaa ku baaqay in la xoojiyo heshiiska qaran ee u dhexeeya dhinacyada kala duwan ee Soomaaliya.
- Sisi ayaa sheegay in arrintaasi muhiim u tahay midnimada iyo xasilloonida dalka.
- Kulanka madaxweynaha Masar iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dhacay magaalada cusub ee Al-Calamayn.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Qaahira (Caasimada Online) — Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi ayaa markii ugu horreysay ka hadlay khilaafa siyaaasadda Soomaaliya, isaga oo ku baaqay in la xoojiyo heshiiska iyo is-afgaradka qaran ee u dhexeeya dhinacyada kala duwan ee dalka isku haya, isaga oo sheegay in arrintaasi muhiim u tahay midnimada iyo xasilloonida dalka.
Sisi ayaa hadalkan jeediyey Sabtidii intii uu kulan la lahaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo ka dhacay magaalada cusub ee Al-Calamayn, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saartay madaxtooyada Masar.
Madaxtooyada Masar ayaa sheegtay in labada madaxweyne ay ka wada hadleen xaaladaha gudaha Soomaaliya, iyadoo Sisi uu carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo “is-afgaradka qaran” ee u dhexeeya dhinacyada iyo qeybaha kala duwan ee Soomaalida.
Sisi ayaa sheegay in is-afgaradkaasi uu gacan ka geysan karo ilaalinta midnimada dowladda, xasilloonida dalka iyo sidii Soomaaliya isaga difaaci lahayd caqabadaha dhinaca amniga.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay in labada madaxweyne ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Masar, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, maalgashiga iyo horumarinta iskaashiga labada dal.
Taageerada Soomaaliya
Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale ku celiyey mowqifka Qaahira ee taageerada madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in Masar ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, oo ay ku jiraan dhinacyada siyaasadda, amniga iyo horumarinta, si loo xoojiyo awoodda hay’adaha dowladda iyo xasilloonida dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhankiisa uga mahadceliyey Masar taageerada ay siiso Soomaaliya, isaga oo ammaanay xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo wada-shaqeynta sii ballaaraneysa.
Xiriirka Soomaaliya iyo Masar ayaa sare loo qaaday Janaayo 2025, markaas oo labada dal ay ku dhawaaqeen iskaashi istiraatiiji ah oo ballaaran, kaas oo ay qeyb ka yihiin siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo maalgashiga.
Amniga gobolka
Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay xaaladaha amni ee gobolka, gaar ahaan Geeska Afrika, Gacanka Cadmeed, marin-biyoodka Bab al-Mandab iyo Badda Cas.
Madaxtooyada Masar ayaa sheegtay in Xasan Sheekh iyo Sisi ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in Masar, Soomaaliya iyo dalalka gobolka ay sii wadaan wada-tashiga iyo isku-duwidda arrimaha la xiriira amniga iyo xasilloonida goobahaas.
Masar ayaa sanadihii dambe kordhisay xiriirka siyaasadeed iyo kan amni ee ay la leedahay Soomaaliya, iyadoo marar badan ku celisay taageerada ay u hayso midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dalka.
Kulanka Sabtida ayaa dhacay xilli Xasan Sheekh uu ka qeyb-galayo shirar ka socda Al-Calamayn, halka Axadda la filayo inuu ka qeyb-galo kulan afar geesood ah oo ay yeeshaan madaxda Soomaaliya, Masar, Eritrea iyo Sudan, kaas oo diiradda lagu saari doono arrimaha gobolka.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi ayaa ka hadlay khilaafka siyaasadda Soomaaliya, isagoo ku baaqay in la xoojiyo heshiisyada qaran ee u dhexeeya dhinacyada kala duwan. Hadalkan ayaa lagu sheegay kulanka uu la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee ka dhacay Al-Calamayn.
Qodobada muhiimka ah
- Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi ayaa ku baaqay in la xoojiyo heshiiska qaran ee u dhexeeya dhinacyada kala duwan ee Soomaaliya.
- Sisi ayaa sheegay in arrintaasi muhiim u tahay midnimada iyo xasilloonida dalka.
- Kulanka madaxweynaha Masar iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dhacay magaalada cusub ee Al-Calamayn.
- Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale ku celiyey mowqifka Qaahira ee taageerada madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha dhinacyada kale ee ku lugta leh khilaafka siyaasadeed.
- Eedeymaha ku saabsan muhiimadda is-afgaradka qaran waxaa kaliya ku xusan Madaxweynaha Sisi.
- Ma jiro xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan faahfaahinta kulanka ama eedeymaha la soo bandhigay.
Gunaanadka akhristaha
Kulanka ayaa muujinaya sida Masar ay uga qayb qaadanayso arrimaha siyaasadda Soomaaliya iyo taageerada midnimada qaran.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee la soo jeedinayo si loo xoojiyo heshiisyada qaran ee Soomaaliya?
- Sidee ayay taageerada Masar u muuqan doontaa si ay u caawiso Soomaaliya?
- Maxay yihiin jawaabaha dhinacyada kale ee siyaasadda Soomaaliya ee ku saabsan hadallada Sisi?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · soomaaliya · faro · siyaasadda