Soomaaliya iyo Azerbaijan oo Wareejiyay Hoggaanka Kooxda Caalamiga ah ee Horumarinta Guryeynta Ku Filan
Waxa dhacay
Hal il · Shabelle Media
Soomaaliya iyo Azerbaijan ayaa si rasmi ah u soo gabagabeeyay hoggaamintii ay si wadajir ah u hayeen Kooxda Khubarada Dowladaha ee Horumarinta Guryeynta Ku Filan (OEWG-H) kaddib kalfadhigii saddexaad ee ka dhacay Nairobi muddo laba maalmood ah.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Danjiraha Soomaaliya ee Kenya ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya UN-Habitat, Mudane Danjire Jabril Ibrahim Cabdulle, oo ku hadlayay magaca labada dal ee guddoonka hayay, ayaa khudbaddii xiritaanka shirka uga mahadceliyay dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay, khubarada iyo dhammaan dhinacyadii ka qayb qaatay dadaallada lagu horumarinayo qorshaha guryeynta ku filan dhammaan.
- Danjiraha ayaa xusay in muddadii ay hoggaaminayeen kooxda laga shaqeeyay siyaasadaha isku dhafan ee guryeynta, qeexidda dadka hoyla’aanta ah, iyo adkeysiga iyo waarta guryeynta.
- Waxa uu sidoo kale tilmaamay in dadaallada kooxdu ay sii ballaaranayaan, iyadoo 106 dal iyo in ka badan 267 xiriiriye qaran (National Focal Points) ay hadda qayb ka yihiin hannaankan caalamiga ah, taasoo muujinaysa muhiimadda ay guryeyntu u leedahay dhammaan dalalka iyo baahida loo qabo iskaashi caalami ah.
- Danjire jabril ayaa uga mahadceliyay Azerbaijan wada-shaqeyntii iyo iskaashigii miro-dhalka ahaa ee ay wada sameeyeen muddadii ay guddoonka hayeen, isagoo sidoo kale bogaadiyay dalalka Kenya iyo Faransiiska oo aasaaska u dhigay kooxda, isla markaana soo dhoweeyay dalalka Canada iyo Costa Rica oo la wareegaya hoggaanka xiga.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin natiijooyinka gaarka ah ee la gaaray intii lagu jiray kalfadhiga saddexaad?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Soomaaliya iyo Azerbaijan ayaa si rasmi ah u soo gabagabeeyay hoggaamintii ay si wadajir ah u hayeen Kooxda Khubarada Dowladaha ee ka shaqeysa horumarinta guryeynta ku filan (OEWG-H).
- Kalfadhigii saddexaad ee kooxda oo muddo laba maalmood ah ka socday magaalada Nairobi.
- Kooxdu waxay sii ballaaranayaan, iyadoo 106 dal iyo in ka badan 267 xiriiriye qaran (National Focal Points) ay hadda qayb ka yihiin hannaankan caalamiga ah.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Nairobi – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dalka Azerbaijan ayaa si rasmi ah u soo gabagabeeyay hoggaamintii ay si wadajir ah u hayeen Kooxda Khubarada Dowladaha ee ka shaqeysa horumarinta guryeynta ku filan dhammaan (OEWG-H), kaddib markii la soo xiray kalfadhigii saddexaad ee kooxda oo muddo laba maalmood ah ka socday magaalada Nairobi.
Danjiraha Soomaaliya ee Kenya ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya UN-Habitat, Mudane Danjire Jabril Ibrahim Cabdulle, oo ku hadlayay magaca labada dal ee guddoonka hayay, ayaa khudbaddii xiritaanka shirka uga mahadceliyay dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay, khubarada iyo dhammaan dhinacyadii ka qayb qaatay dadaallada lagu horumarinayo qorshaha guryeynta ku filan dhammaan.
Danjiraha ayaa xusay in muddadii ay hoggaaminayeen kooxda laga shaqeeyay siyaasadaha isku dhafan ee guryeynta, qeexidda dadka hoyla’aanta ah, iyo adkeysiga iyo waarta guryeynta. Sidoo kale, waxaa la daahfuray Madasha Aqoonta Guryeynta (Housing Knowledge Platform), waxaana laga wada hadlay qorshaha dhaqaale-ururinta ee lagu sii ambaqaadayo howlaha kooxda illaa sannadka 2029.
Waxa uu sidoo kale tilmaamay in dadaallada kooxdu ay sii ballaaranayaan, iyadoo 106 dal iyo in ka badan 267 xiriiriye qaran (National Focal Points) ay hadda qayb ka yihiin hannaankan caalamiga ah, taasoo muujinaysa muhiimadda ay guryeyntu u leedahay dhammaan dalalka iyo baahida loo qabo iskaashi caalami ah.
Danjire jabril ayaa uga mahadceliyay Azerbaijan wada-shaqeyntii iyo iskaashigii miro-dhalka ahaa ee ay wada sameeyeen muddadii ay guddoonka hayeen, isagoo sidoo kale bogaadiyay dalalka Kenya iyo Faransiiska oo aasaaska u dhigay kooxda, isla markaana soo dhoweeyay dalalka Canada iyo Costa Rica oo la wareegaya hoggaanka xiga.
Ugu dambeyn, Danjiruhu wuxuu u mahadceliyay Agaasimaha Fulinta ee UN-Habitat, Marwo Anacláudia Rossbach, Xoghaynta UN-Habitat iyo dhammaan bahda Qaramada Midoobay ee taageeray howlaha kooxda, isagoo adkeeyay in guryeynta ku filan ay si dhow ula xiriirto karaamada aadanaha, amniga, fursadaha nololeed iyo horumarka bulshada.
Soomaaliya ayaa muddadii ay wada-guddoomiyaha ka ahayd kooxda door muuqda ka qaadatay hoggaaminta dadaallada caalamiga ah ee lagu horumarinayo helitaanka guryo ku filan, waara, ammaan ah oo loo siman yahay.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Soomaaliya iyo Azerbaijan ayaa si rasmi ah u soo gabagabeeyay hoggaamintii ay si wadajir ah u hayeen Kooxda Khubarada Dowladaha ee Horumarinta Guryeynta Ku Filan (OEWG-H) kaddib kalfadhigii saddexaad ee ka dhacay Nairobi muddo laba maalmood ah.
Qodobada muhiimka ah
- Soomaaliya iyo Azerbaijan ayaa si rasmi ah u soo gabagabeeyay hoggaamintii ay si wadajir ah u hayeen Kooxda Khubarada Dowladaha ee ka shaqeysa horumarinta guryeynta ku filan (OEWG-H).
- Kalfadhigii saddexaad ee kooxda oo muddo laba maalmood ah ka socday magaalada Nairobi.
- Kooxdu waxay sii ballaaranayaan, iyadoo 106 dal iyo in ka badan 267 xiriiriye qaran (National Focal Points) ay hadda qayb ka yihiin hannaankan caalamiga ah.
- Danjire Jabril ayaa uga mahadceliyay Azerbaijan wada-shaqeyntii iyo iskaashigii miro-dhalka ahaa ee ay wada sameeyeen muddadii ay guddoonka hayeen.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha dhinacyada kale ee ku lug leh.
- Ma jiraan xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan tirada dalalka iyo xiriiriyeyaasha la bixiyay.
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay bayaanno ka yimid mas'uuliyiin iyada oo aan la xaqiijin dibadda.
Gunaanadka akhristaha
Soomaaliya iyo Azerbaijan waxay dhameystireen doorkooda hoggaamineed ee mashruuc caalami ah oo muhiim ah oo ku saabsan guryeynta.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin natiijooyinka gaarka ah ee la gaaray intii lagu jiray kalfadhiga saddexaad?
- Sidee ayey isbeddelka hoggaaminta u saameyn doontaa hawlaha kooxda mustaqbalka?
- Maxay yihiin tallaabooyinka xiga ee kooxda ee socda?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku wuxuu muujinayaa muhiimadda iskaashiga caalamiga ah ee wax ka qabashada arrimaha guryeynta, laakiin ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · soomaaliya · azerbaijan · horumarinta
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada