Soomaaliya iyo Masar oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah
MUQDISHO – Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ee Arrimaha Afrika Danjire Maxamed Kariim Sherif. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Masar ee dhinacyada kheyraadka badda, kalluumeysiga, ganacsiga iyo horumarinta dha

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya, Axmed Xasan Aadan, ayaa Muqdisho ku qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Maxamed Kariim Sherif, si ay uga wada hadlaan xoojinta iskaashiga labada dal.
Maxaa la shaaciyey
- Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada kheyraadka badda iyo kalluumeysiga.
- Soomaaliya ayaa laga wada hadlay sidii ay uga faa'iideysan lahayd khibradda Masar ee maareynta kheyraadka badda.
- Wasiir Axmed Xasan Aadan ayaa adkeeyay muhiimadda dhisidda iskaashi istiraatiiji ah oo kor u qaada maal-gashiga wadajirka ah.
“Wasiir Axmed Xasan Aadan ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay dhisidda iskaashi istiraatiiji ah.”
Sababta ay muhiim u tahay: Iskaashiga Soomaaliya iyo Masar ee kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah ayaa muhiim u ah horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
MUQDISHO – Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ee Arrimaha Afrika Danjire Maxamed Kariim Sherif.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Masar ee dhinacyada kheyraadka badda, kalluumeysiga, ganacsiga iyo horumarinta dhaqaalaha buluugga ah. Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay sidii Soomaaliya uga faa’iideysan lahayd khibradda Masar ee horumarinta iyo maareynta kheyraadka badda.
Wasiir Axmed Xasan Aadan ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay dhisidda iskaashi istiraatiiji ah oo kor u qaada maal-gashiga wadajirka ah iyo horumarinta aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha Soomaaliyeed.
Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Safiirka Masar ee Soomaaliya, Danjire Maxamed Saalax iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan labada dhinac.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.