Soomaaliya iyo Midowga Afrika oo xoojinaya iskaashiga amniga + Sawirro
Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyaha Amniga Qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo gaba-gabeeyay kulamo u dhexeeyay hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xarunta la-dagaallanka argagixisada ee Midowga Afrika.
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyaha Amniga Qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo gaba-gabeeyay kulamo u dhexeeyay hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xarunta la-dagaallanka argagixisada ee Midowga Afrika.
Kulanka maanta ayaa lagu soo koobay wada-tashiyadii iyo kulamadii labada maalmood ee lasoo dhaafay, iyadoo dhinacyadu ay dib u eegis ku sameeyeen arrimihii lagu falanqeeyay kulamadaas.
Xarunta la-dagaallanka argagixisada ee Midowga Afrika ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Xafiiska Amniga Qaranka uga mahadcelisay soo dhaweynta iyo fududeynta kulamadii ay la yeelatay hay’adaha kala duwan ee dowladda.
Wafdiga Xarunta ayaa sidoo kale bogaadiyay horumarka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka sameysay dhinaca la-dagaallanka argagixisada.
Kulamada ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta dhinacyada amniga iyo la-dagaallanka argagixisada, iyadoo la is dhaafsaday aragtiyo iyo khibrado la xiriira wax-ka-qabashada khataraha amni ee ka jira gobolka.
Dhinaca Midowga Afrika ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga kala dhexeeya Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada la xiriira ka-hortagga iyo la-dagaallanka argagixisada.
Xafiiska Amniga Qaranka ayaa kulamada la yeeshay hay’adaha kala duwan ee dowladda, iyadoo ujeeddadu ahayd in la xoojiyo isku-duwidda dadaallada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee la xiriira amniga.
Wafdiga xarunta la-dagaallanka argagixisada ee Midowga Afrika ayaa ugu dambeyn sheegay in sii wadista wada-shaqeynta iyo iskaashiga ay muhiim u yihiin horumarinta dadaallada looga hortagayo argagixisada iyo khataraha amni ee gobolka.
The post Soomaaliya iyo Midowga Afrika oo xoojinaya iskaashiga amniga + Sawirro appeared first on Caasimada Online .
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · afrika · midowga · soomaaliya
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada- Soomaaliya iyo Midowga Afrika oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Amniga Xuduudaha iyo La-dagaallanka Argagixisada
Goobjoog Somali
- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo ka qaybgalay Madasha 13-aad ee Beijing Xiangshan
Goobjoog Somali
- Muxuu yahay muuqaalka Hadal-haynta dhaliyay ee laga duubay Safiirka Suudaan ee Soomaaliya?
Goobjoog Somali