Soomaaliya iyo Pakistan oo xoojinaya iskaashiga difaaca iyo tayeynta Ciidanka Cirka
Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa qaabilay wafdi sare oo ka socda Ciidanka Cirka Pakistan, kaas oo uu hoggaaminayay Taliyaha Difaaca Cirka ahna Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Cirka Pakistan, Air Marshal Muhammad Sarfraz.
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa qaabilay wafdi sare oo ka socda Ciidanka Cirka Pakistan, kaas oo uu hoggaaminayay Taliyaha Difaaca Cirka ahna Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Cirka Pakistan, Air Marshal Muhammad Sarfraz.
Kulanka waxaa qeyb ka ahaa Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, S/Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji, waxaana looga hadlay xoojinta iskaashiga dhinaca difaaca ee Soomaaliya iyo Pakistan, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray dib-u-dhiska iyo tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay muhiimadda tababarka ciidamada, horumarinta aqoonta iyo xirfadaha saraakiisha Soomaaliyeed, iyo sidii loo xoojin lahaa awoodda Ciidanka Cirka Soomaaliya si uu uga qeyb qaato waajibaadka difaaca qaranka. Booqashada wafdiga Pakistan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay sii xoogeysanayaan xiriirka iyo iskaashiga amni ee labada dal.
Waxay sidoo kale daba socotaa booqasho uu Wasiir Axmed Macallin Fiqi 4-tii Agoosto 2026 ku tagay Pakistan, markaas oo Soomaaliya iyo Pakistan ay kala saxiixdeen Heshiis Is-afgarad (MoU) oo ku saabsan iskaashiga difaaca iyo amniga.
Wasiir Fiqi ayaa xusay muhiimadda xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Pakistan, isaga oo adkeeyay in iskaashiga labada dal uu si gaar ah uga qeyb qaato mudnaanta Soomaaliya ee ku aaddan dhismaha, tayeynta iyo xoojinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed .
Kulankan ayaa sidoo kale muujinaya dadaallada Soomaaliya ay waddo ee lagu horumarinayo awoodda ciidamadeeda, iyadoo iskaashiga dalalka saaxiibka ah looga faa’iideysanayo tababar, khibrad iyo dhisidda awoodaha hay’adaha amniga iyo difaaca.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · pakistan · ciidanka · cirka
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada