Soomaaliya oo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ku ballaarinaysa dhinacyada fikirka, dhaqaalaha iyo bulshada
Waxa dhacay
80 ilbiriqsiDowladda Soomaaliya ayaa ballaarinaysa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab meel ka baxsan howl-gallada milatari, iyadoo xoogga la saarayo dhinacyada fikirka, dhaqaalaha, warbaahinta, diinta iyo saameynta bulshada.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Cidda ay saamaysayDhinaca dhaqaalaha, dowladda ayaa sidoo kale bartilmaameedsanaysa ilaha dhaqaale ee Al-Shabaab, sida lagu sheegay qormada, kooxda Al-shabaab ayaa muddo dheer lacag ka ururinaysay ganacsatada, beeraleyda, gaadiidleyda iyo qaybaha kale ee bulshada, iyadoo dowladda ay sheegtay inay qaaday tallaabooyin lagu beegsanayo xisaabaadka, hababka isgaarsiinta iyo nidaamyada lacagaha ee lala xiriiriyo maalgelinta kooxda.
- Qormo ay baahisay Shabakadda TRT Afrika ayaa lagu sheegay in dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada uusan ku koobnaan karin goobta dagaalka, balse loo baahan yahay in wax laga qabto fikradaha, ilaha dhaqaale, dacaayadaha iyo saameynta bulsho ee u sahla kooxaha hubeysan inay sii wataan howlahooda.
- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad uu ka jeediyay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ku sheegay in dowladda ay la dagaallamayso argagixisada dhinacyada milatari, fikir iyo dhaqaale , taasoo muujinaysa in istaraatiijiyadda dowladda ay ka gudubtay dagaalka tooska ah ee goobaha howlgallada.
- Qormadu waxay tusaale u soo qaadatay isbeddelka laga dareemayo amniga Muqdisho, iyadoo saraakiisha dowladda ay tilmaameen in ay jiraan xaalado ay masuuliyiin sare si caadi ah ugu safraan magaalada, halka goobaha dadweynaha ay sidoo kale dib u bilaabeen inay noqdaan meelaha lagu qabto ciyaaro, munaasabado dhaqameed iyo kulamo ay bulshada si furan uga qaybqaadato.
Sida ay sheegtay Goobjoog Somali
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee dowladda ay qaadi doonto si ay uga hortagto fikradaha xagjirka ah?
Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad uu ka jeediyay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ku sheegay in dowladda ay la dagaallamayso argagixisada dhinacyada milatari, fikir iyo dhaqaale.
- Dowladda ayaa wadda qorshe ay ku diiwaangelinayso dugsiyada Qur’aanka iyo xarumaha waxbarashada diinta, iyadoo sidoo kale la doonayo in la xoojiyo isku-duwidda khudbadaha Jimcaha iyo wacyigelinta diimeed ee ka dhanka ah fasiraadaha xagjirka
- Dhinaca dhaqaalaha, dowladda ayaa sidoo kale bartilmaameedsanaysa ilaha dhaqaale ee Al-Shabaab, sida lagu sheegay qormada.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Dowladda Soomaaliya ayaa dadaallada ka dhanka ah Al-Shabaab ku ballaarinaysa meel ka baxsan howl-gallada milatari, iyadoo xoogga la saarayo dhinacyada fikirka, dhaqaalaha, warbaahinta, diinta iyo saameynta bulshada ee kooxdu ku sii jirto.
Qormo ay baahisay Shabakadda TRT Afrika ayaa lagu sheegay in dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada uusan ku koobnaan karin goobta dagaalka, balse loo baahan yahay in wax laga qabto fikradaha, ilaha dhaqaale, dacaayadaha iyo saameynta bulsho ee u sahla kooxaha hubeysan inay sii wataan howlahooda.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad uu ka jeediyay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ku sheegay in dowladda ay la dagaallamayso argagixisada dhinacyada milatari, fikir iyo dhaqaale , taasoo muujinaysa in istaraatiijiyadda dowladda ay ka gudubtay dagaalka tooska ah ee goobaha howlgallada.
Qormadu waxay tusaale u soo qaadatay isbeddelka laga dareemayo amniga Muqdisho, iyadoo saraakiisha dowladda ay tilmaameen in ay jiraan xaalado ay masuuliyiin sare si caadi ah ugu safraan magaalada, halka goobaha dadweynaha ay sidoo kale dib u bilaabeen inay noqdaan meelaha lagu qabto ciyaaro, munaasabado dhaqameed iyo kulamo ay bulshada si furan uga qaybqaadato.
Dhanka kale, dowladda ayaa xoogga saaraysa dagaalka fikirka , gaar ahaan sidii loo wiiqi lahaa adeegsiga diinta ee lagu marin habaabinayo bulshada.
Saraakiisha dowladda ayaa kooxda inta badan ugu yeera magaca “Khawaarij”, iyadoo loo marayo istaraatiijiyad lagu doonayo in kooxda laga sooco magaca iyo aqoonsiga dhalinyarada Soomaaliyeed.
Dowladda ayaa wadda qorshe ay ku diiwaangelinayso dugsiyada Qur’aanka iyo xarumaha waxbarashada diinta, iyadoo sidoo kale la doonayo in la xoojiyo isku-duwidda khudbadaha Jimcaha iyo wacyigelinta diimeed ee ka dhanka ah fasiraadaha xagjirka ah.
Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa sidoo kale taageertay hindise la xiriira dhismaha Golaha Culimada Soomaaliyeed , kaas oo loo qorsheeyay inuu mideeyo culimada, xoojiyo doorkooda bulshada, isla markaana gacan ka geysto wacyigelinta diimeed, nabadda iyo ka hortagga fikirrada xagjirka ah.
Dhinaca dhaqaalaha, dowladda ayaa sidoo kale bartilmaameedsanaysa ilaha dhaqaale ee Al-Shabaab, sida lagu sheegay qormada, kooxda Al-shabaab ayaa muddo dheer lacag ka ururinaysay ganacsatada, beeraleyda, gaadiidleyda iyo qaybaha kale ee bulshada, iyadoo dowladda ay sheegtay inay qaaday tallaabooyin lagu beegsanayo xisaabaadka, hababka isgaarsiinta iyo nidaamyada lacagaha ee lala xiriiriyo maalgelinta kooxda.
Dagaalka warbaahinta iyo baraha bulshada ayaa sidoo kale ka mid ah qorshaha, ayadoo Dowladdu ay kordhisay warbixinnada rasmiga ah ee ku saabsan xaaladaha amni, iyadoo la doonayo in laga hortago in kooxaha hubeysan ay si gaar ah u maamulaan sheekada iyo wararka ka dhasha weerarrada.
Qormadu waxay sidoo kale xustay muhiimadda ay leedahay dib-u-soo-celinta goobaha dadweynaha iyo nolol maalmeedka bulshada, waxaana Ciyaaraha, munaasabadaha dhaqanka iyo isu imaatinnada bulshada loo arkaa qayb ka mid ah soo celinta noloshii caadiga ahayd iyo yareynta saameynta ay cabsi iyo hanjabaad amni ku yeesheen bulshada.
Sidoo kale, dowladda ayaa isku dayaysa inay beddesho sawirka ku saabsan alle ubariga iyo geesinimada , iyadoo si weyn loo maamuuso ciidamada iyo saraakiisha ku dhinta dagaalka, isla markaana la qorsheynayo taageero waxbarasho iyo caafimaad oo loo fidiyo carruurta ay ka tageen askarta ku dhimatay howlgallada.
Marka la isku geeyo tallaabooyinkan, istaraatiijiyadda dowladda Soomaaliya waxay isku dayaysaa in dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab laga dhigo mid aan ku koobnaan xoogga milatari oo keliya, balse lagu daro wiiqidda ilaha dhaqaale, ka hortagga dacaayadda, xoojinta wacyigelinta diimeed, soo celinta adeegyada iyo goobaha bulshada, iyo xoojinta kalsoonida shacabka ee hay’adaha dowladda .
Qormada TRT Afrika waxay ku soo gabagabaynaysaa in awoodda ciidan oo keliya aysan ku filnayn in la wiiqo koox argagixiso oo muddo dheer ku tiirsanayd shabakad dhaqaale, fikradeed iyo bulsho; sidaas darteed, dagaalku wuxuu u baahan yahay in isku mar wax looga qabto awoodda dagaal iyo xaaladaha u sahla kooxda inay sii yeelato saameyn.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Dowladda Soomaaliya ayaa ballaarinaysa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab meel ka baxsan howl-gallada milatari, iyadoo xoogga la saarayo dhinacyada fikirka, dhaqaalaha, warbaahinta, diinta iyo saameynta bulshada.
Qodobada muhiimka ah
- Dowladda Soomaaliya ayaa ballaarinaysa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab meel ka baxsan howl-gallada milatari, iyadoo xoogga la saarayo dhinacyada fikirka, dhaqaalaha, warbaahinta, diinta iyo saameynta bulshada.
- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad uu ka jeediyay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ku sheegay in dowladda ay la dagaallamayso argagixisada dhinacyada milatari, fikir iyo dhaqaale.
- Dowladda ayaa wadda qorshe ay ku diiwaangelinayso dugsiyada Qur’aanka iyo xarumaha waxbarashada diinta, iyadoo sidoo kale la doonayo in la xoojiyo isku-duwidda khudbadaha Jimcaha iyo wacyigelinta diimeed ee ka dhanka ah fasiraadaha xagjirka
- Dhinaca dhaqaalaha, dowladda ayaa sidoo kale bartilmaameedsanaysa ilaha dhaqaale ee Al-Shabaab, sida lagu sheegay qormada.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan eedeymaha la soo bandhigay.
- Ma jiraan wax jawaab ah oo ka timid Al-Shabaab ama dhinacyada kale ee ku saabsan istaraatiijiyadda dowladda.
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay bayaanno ka yimid mas'uuliyiinta dowladda iyada oo aan la helin xaqiijin dibadda ah.
Gunaanadka akhristaha
Dowladda Soomaaliya ayaa qaadanaysa habka dhammaystiran ee lagu la dagaallamayo Al-Shabaab, iyadoo xoogga la saarayo istaraatiijiyadaha fikirka iyo dhaqaalaha oo ay weheliso howlgal milatari.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee dowladda ay qaadi doonto si ay uga hortagto fikradaha xagjirka ah?
- Sidee dowladda u xaqiijin doontaa waxtarka bartilmaameedka dhaqaale ee Al-Shabaab?
- Maxay yihiin natiijooyinka la filayo ee ka imaanaya hindisyada dib-u-soo-celinta goobaha dadweynaha iyo nolol maalmeedka bulshada?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · security · security · ballaarinaysa · dhaqaalaha