Xamza oo ka hadlay wada-hadal la sheegay inuu dhex-maray DF iyo Al-Shabaab
Waxa dhacay
40 ilbiriqsiRa’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa beeniyey wararka sheegaya in dowladda federaalka ay wada-hadallo toos ah la gashay Al-Shabaab, isagoo sheegay in xiriir noocaas ah uusan hadda ka dhexeyn.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Xamza, oo wareysi siiyey barnaamijka Miizaan Podcast ee Dawan Media, ayaa sheegay in mowqifka dowladda uu yahay in dalka laga xoreeyo Al-Shabaab, balse ay diyaar u tahay inay wadahadal la yeelato cid kasta oo ka tanaasusha fikirka iyo dagaalka kooxda.
- “Wada-hadal lama gelin, xiriirna nagama dhaxeeyo.
- “Qofkii wada-hadal doonaya ee jidkaas ka soo baxa diyaar ayaan u nahay.
- Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in xubnaha Al-Shabaab ay dib uga mid noqon karaan bulshada Soomaaliyeed haddii ay joojiyaan dilalka, kana tanaasulaan dagaalka ay kula jiraan dowladda.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin caddeymaha gaarka ah ee taageeraya sheegashooyinka Xamza ee ku saabsan Al-Shabaab?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa beeniyey wararka sheegaya in dowladda federaalka ay wada-hadallo ama heshiis toos ah la gashay kooxda Al-Shabaab.
- Xamza ayaa sheegay in mowqifka dowladda uu yahay in dalka laga xoreeyo Al-Shabaab, balse ay diyaar u tahay inay wadahadal la yeelato cid kasta oo ka tanaasusha fikirka iyo dagaalka kooxda.
- Xamza ayaa carrabka ku adkeeyey in isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud midkoodna uusan wada-hadal toos ah la yeelan Al-Shabaab.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) — Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa beeniyey wararka sheegaya in dowladda federaalka ay wada-hadallo ama heshiis toos ah la gashay kooxda Al-Shabaab, isaga oo sheegay in xiriir noocaas ah uusan hadda ka dhexeyn labada dhinac.
Xamza, oo wareysi siiyey barnaamijka Miizaan Podcast ee Dawan Media, ayaa sheegay in mowqifka dowladda uu yahay in dalka laga xoreeyo Al-Shabaab, balse ay diyaar u tahay inay wadahadal la yeelato cid kasta oo ka tanaasusha fikirka iyo dagaalka kooxda.
“Wada-hadal lama gelin, xiriirna nagama dhaxeeyo. Waxa naga dhexeeya waa xoreynta dalka,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.
“Qofkii wada-hadal doonaya ee jidkaas ka soo baxa diyaar ayaan u nahay. Wada-hadal weligeen ma diidin, waan la hadleynaa, waana soo dhoweyneynaa,” ayuu raaciyey.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in xubnaha Al-Shabaab ay dib uga mid noqon karaan bulshada Soomaaliyeed haddii ay joojiyaan dilalka, kana tanaasulaan dagaalka ay kula jiraan dowladda.
“Maalinta ay dilka joojiyaan oo ay dowladdooda aqbalaan waxay noqonayaan walaalaheen,” ayuu yiri.
Xamza ayaa carrabka ku adkeeyey in isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud midkoodna uusan wada-hadal toos ah la yeelan Al-Shabaab.
Hadalladiisa ayaa jawaab u ah warar iyo eedo muddooyinkii dambe soo noqnoqday oo ku saabsan inay jiraan xiriirro ama is-afgaradyo qarsoodi ah oo dhex maray dowladda federaalka iyo kooxda.
Eedaha lacagaha amniga
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale ka hadlay eedo sheegaya in dowladda ay lacago bixisay ama laaluush adeegsatay si ay u hesho xasillooni amni.
Xamza ayaa beeniyey in dowladdiisu wax lacag ah siisay Al-Shabaab si loo yareeyo weerarrada ama loo gaaro heshiis dhinaca amniga ah.
Wuxuu sheegay in dadka faafinaya eedahaas ay ku jiraan shaqsiyaad ay dowladdu ka shakisan tahay inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab, inkastoo uusan soo bandhigin caddeymo faahfaahsan oo arrintaas ku saabsan.
Siyaasiyiin ayaa marar qaar sheegay in ay jiraann xiriirro u dhexeeya dowladda iyo Al-Shabaab, taas oo sababtay in ay yaraadaan qaraxyada Muqdisho.
Si kastaba, sheegashooyinkaas ayaa badankood waxaa sameeyey dad xiriir la leh ama ka tirsanaa dowladdii madaxweyne Farmaajo, taasi oo loo arkay mid ay isaga leexinayaan sidii ay ugu fashilmeen sugidda amniga caasimadda.
Dowladda federaalka ayaa si joogto ah u beenisay eedahaas, iyadoo ku adkeysaneysa in dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab uu weli yahay mid ka mid ah mudnaanta ugu weyn ee dhinaca amniga.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa beeniyey wararka sheegaya in dowladda federaalka ay wada-hadallo toos ah la gashay Al-Shabaab, isagoo sheegay in xiriir noocaas ah uusan hadda ka dhexeyn. Wuxuu sheegay in mowqifka dowladda uu yahay in dalka laga xoreeyo Al-Shabaab, balse ay diyaar u yihiin inay wadahadal la yeelato cid kasta oo ka tanaasusha fikirka iyo dagaalka.
Qodobada muhiimka ah
- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa beeniyey wararka sheegaya in dowladda federaalka ay wada-hadallo ama heshiis toos ah la gashay kooxda Al-Shabaab.
- Xamza ayaa sheegay in mowqifka dowladda uu yahay in dalka laga xoreeyo Al-Shabaab, balse ay diyaar u tahay inay wadahadal la yeelato cid kasta oo ka tanaasusha fikirka iyo dagaalka kooxda.
- Xamza ayaa carrabka ku adkeeyey in isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud midkoodna uusan wada-hadal toos ah la yeelan Al-Shabaab.
- Xamza ayaa beeniyey in dowladdiisu wax lacag ah siisay Al-Shabaab si loo yareeyo weerarrada ama loo gaaro heshiis dhinaca amniga ah.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha Al-Shabaab ama dhinacyada kale ee ku lugta leh.
- Sheegashooyinka ayaa si weyn ugu tiirsan hadallada Ra’iisul Wasaaraha Xamza Cabdi Barre.
- Ma jiraan xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan eedaha dowladda ee ku aaddan bixinta lacagaha Al-Shabaab.
Gunaanadka akhristaha
Hadallada Ra’iisul Wasaaraha Xamza Cabdi Barre ayaa caddeynaya mowqifka dowladda ee ku aaddan Al-Shabaab iyo beeninta eedaha ku saabsan wada-hadallada ama bixinta lacagaha.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin caddeymaha gaarka ah ee taageeraya sheegashooyinka Xamza ee ku saabsan Al-Shabaab?
- Ma jiraan wada-hadallo ama heshiisyo socda oo aan la shaacin?
- Maxay yihiin saameynta hadalladan ee istaraatiijiyadda dowladda ee mustaqbalka ka dhanka ah Al-Shabaab?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · security · security · wada · xamza
Sii akhri
- Soomaaliya oo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ku ballaarinaysa dhinacyada fikirka, dhaqaalaha iyo bulshada
Goobjoog Somali
- Saddex qof oo ka soo jeeda Minnesota ayaa lagu soo celiyay Soomaaliya ka dib bil ka dib Guantánamo Bay
Hiiraan Online
- Dawladda Soomaaliya iyo Hay’adda OHCHR oo kala Wad-hadlay Xoojinta iskaasgiga arrimaha Xuquuqul Insaanka
Goobjoog Somali