Soomaaliya oo Ka Qayb Gashay Kulanka 28-aad ee Ururka Wadamada Badweynta Hindiya
NEW DELHI, HINDIYA – Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya, Dr. Cabdullahi Maxamed Odowa, ayaa maanta ka qayb galay kulanka 28-aad ee Guddida Madaxda Sare ee Ururka Wadamada Dhaca Badweynta Hindiya (Indian Ocean Rim Association – IORA), isaga oo matalayay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray dib-u-eegista waxqabadkii ururka muddadii la

Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Soomaaliya ayaa ka qayb gashay kulanka 28-aad ee Ururka Wadamada Badweynta Hindiya (IORA) oo ka dhacay New Delhi, iyadoo uu matalayay Danjiraha Dr. Cabdullahi Maxamed Odowa.
Qodobada muhiimka ah
- Danjiraha Dr. Cabdullahi Maxamed Odowa ayaa matalayay Dowladda Federaalka Soomaaliya kulanka.
- Kulanka ayaa ka hadlay dib-u-eegista waxqabadka IORA iyo caqabadaha horyaalla dalalka xubnaha ka ah.
- Qorshayaal iyo ajandayaal ayaa la wadaagay si loo gudbiyo Golaha Wasiirrada IORA.
- IORA waxay ujeedadeedu tahay xoojinta iskaashiga gobolka, ganacsiga, iyo amniga badaha.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabo ka yimid dhinacyada kale ee ku saabsan wadahadalada.
- Ma jiraan xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan sheegashada natiijooyinka kulanka.
- Faahfaahinta qorshayaasha ama ajandayaasha la wadaagay ma cadda.
Gunaanadka akhristaha
Ka qaybgalka Soomaaliya ee kulanka IORA wuxuu muujinayaa ka go'naanshiyaha iskaashiga gobolka.
Waxa weli aan caddayn
- Caqabadaha gaarka ah ee kulanka lagu aqoonsaday maxay yihiin?
- Maxay yihiin qorshayaasha iyo ajandayaasha la soo jeediyay ee loo gudbinayo Golaha Wasiirrada IORA?
- Sidee ayay ka qaybgalka Soomaaliya u saameyn doontaa xiriirka ay la leedahay dalalka xubnaha ka ah IORA?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
NEW DELHI, HINDIYA – Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya, Dr. Cabdullahi Maxamed Odowa, ayaa maanta ka qayb galay kulanka 28-aad ee Guddida Madaxda Sare ee Ururka Wadamada Dhaca Badweynta Hindiya (Indian Ocean Rim Association – IORA), isaga oo matalayay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray dib-u-eegista waxqabadkii ururka muddadii la soo dhaafay, qiimeynta caqabadaha horyaalla dalalka xubnaha ka ah iyo xoojinta iskaashiga gobolka ee dhinacyada kala duwan.
Mas’uuliyiinta ka qaybgalay kulanka ayaa sidoo kale ka wada hadlay qorshayaal iyo ajandayaal muhiim ah oo loo gudbin doono Golaha Wasiirrada dalalka xubnaha ka ah IORA, si loo sii ambaqaado dadaallada lagu horumarinayo iskaashiga dhaqaale, amniga badaha iyo horumarinta bulshooyinka ku nool hareeraha Badweynta Hindiya.
Ururka IORA ayaa ah madal ay ku mideysan yihiin dalalka ku teedsan Badweynta Hindiya, waxaana uu ka shaqeeyaa xoojinta iskaashiga gobolka, kobcinta ganacsiga iyo ilaalinta amniga marin-biyoodka muhiimka ah ee Badweynta Hindiya.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.