Soomaaliya oo ku biirtay laba Urur oo caalami ah oo dhinaca amniga badaha ah
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiSoomaaliya ayaa ku biirtay laba shabakad oo caalami ah oo dhinaca amniga badaha ah intii lagu guda jiray shir ka dhacay Venice, Talyaaniga.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Go’aan la gaarayIntii uu ku sugnaa Talyaaniga, Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya wuxuu si rasmi ah u saxiixay heshiisyo Soomaaliya loogu daray laba shabakad oo caalami ah oo dhinaca iskaashiga iyo xog-wadaagga badaha ah, kuwaas oo kala ah V-RMTC iyo T-RMN .
- Shirkan oo ay ka qaybgaleen taliyeyaasha ciidamada badda ee dalal kala duwan ayaa looga hadlay xoojinta amniga badaha, la socodka maraakiibta iyo dhaqdhaqaaqyada badda, ilaalinta fiilooyinka mara badaha, horumarinta qalabka casriga ah iyo iskaashiga dalalka leh dhul-badeedka.
- Jeneraal Cabdiwahaab oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa sheegay in Soomaaliya, oo ku taalla goob istaraatiiji ah iyo marin muhiim u ah isu socodka ganacsiga caalamka, ay xoojinayso xiriirka iyo iskaashiga ay la leedahay dalalka kale ee dhinaca amniga badaha.
- Labadan shabakad ayaa fududeeya is-weydaarsiga xogta la xiriirta maraakiibta, dhaqdhaqaaqa gaadiidka badda iyo xaaladaha amni ee badaha, waxaana Soomaaliya ay sheegtay in ku biiristoodu ay sare u qaadi doonto iskaashiga ay la leedahay dalalka kale.
Sida ay sheegtay Shabelle Media
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin faa'iidooyinka gaarka ah ee Soomaaliya ka filan karto ku biirista shabakadaha V-RMTC iyo T-RMN?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Soomaaliya ayaa ku biirtay laba shabakad oo caalami ah oo dhinaca amniga badaha ah.
- Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya wuxuu si rasmi ah u saxiixay heshiisyo Soomaaliya loogu daray laba shabakad oo caalami ah oo dhinaca iskaashiga iyo xog-wadaagga badaha ah, kuwaas oo kala ah V-RMTC iyo T-RMN.
- Shirkan oo ay ka qaybgaleen taliyeyaasha ciidamada badda ee dalal kala duwan ayaa looga hadlay xoojinta amniga badaha, la socodka maraakiibta iyo dhaqdhaqaaqyada badda.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
VENICE, Talyaaniga — Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya, Jeneraal Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, ayaa magaalada Venice kaga qayb galay shirweynaha 15-aad ee Awoodda Ciidamada Badda Adduunka, kaas oo ay soo qabanqaabisay Ciidanka Badda Talyaaniga.
Shirkan oo ay ka qaybgaleen taliyeyaasha ciidamada badda ee dalal kala duwan ayaa looga hadlay xoojinta amniga badaha, la socodka maraakiibta iyo dhaqdhaqaaqyada badda, ilaalinta fiilooyinka mara badaha, horumarinta qalabka casriga ah iyo iskaashiga dalalka leh dhul-badeedka.
Jeneraal Cabdiwahaab oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa sheegay in Soomaaliya, oo ku taalla goob istaraatiiji ah iyo marin muhiim u ah isu socodka ganacsiga caalamka, ay xoojinayso xiriirka iyo iskaashiga ay la leedahay dalalka kale ee dhinaca amniga badaha.
Intii uu ku sugnaa Talyaaniga, Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya wuxuu si rasmi ah u saxiixay heshiisyo Soomaaliya loogu daray laba shabakad oo caalami ah oo dhinaca iskaashiga iyo xog-wadaagga badaha ah, kuwaas oo kala ah V-RMTC iyo T-RMN .
Labadan shabakad ayaa fududeeya is-weydaarsiga xogta la xiriirta maraakiibta, dhaqdhaqaaqa gaadiidka badda iyo xaaladaha amni ee badaha, waxaana Soomaaliya ay sheegtay in ku biiristoodu ay sare u qaadi doonto iskaashiga ay la leedahay dalalka kale.
Sidoo kale, Jeneraal Cabdiwahaab ayaa kulamo gaar ah la yeeshay Taliyaha Ciidanka Badda Qatar, Jeneraal Cabdullaahi Xasan Al-Sulaiti, iyo Taliyaha Ciidanka Badda Turkiga, Admiral Ercüment Tatlıoğlu, iyadoo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca badda iyo amniga ee Soomaaliya, Qatar iyo Turkiga.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Soomaaliya ayaa ku biirtay laba shabakad oo caalami ah oo dhinaca amniga badaha ah intii lagu guda jiray shir ka dhacay Venice, Talyaaniga.
Qodobada muhiimka ah
- Soomaaliya ayaa ku biirtay laba shabakad oo caalami ah oo dhinaca amniga badaha ah.
- Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya wuxuu si rasmi ah u saxiixay heshiisyo Soomaaliya loogu daray laba shabakad oo caalami ah oo dhinaca iskaashiga iyo xog-wadaagga badaha ah, kuwaas oo kala ah V-RMTC iyo T-RMN.
- Shirkan oo ay ka qaybgaleen taliyeyaasha ciidamada badda ee dalal kala duwan ayaa looga hadlay xoojinta amniga badaha, la socodka maraakiibta iyo dhaqdhaqaaqyada badda.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan heshiisyada la saxiixay.
- Ma jiraan wax jawaab ah oo ka yimid dalal ama ururo kale oo ku saabsan xubinnimada Soomaaliya.
- Faahfaahinta ku saabsan faa'iidooyinka gaarka ah ee ku biirista shabakadaha ma cadda.
Gunaanadka akhristaha
Ka qaybgalka Soomaaliya ee shabakadaha caalamiga ah ee amniga badaha ayaa laga yaabaa inay xoojiso iskaashiga ay la leedahay dalalka kale.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin faa'iidooyinka gaarka ah ee Soomaaliya ka filan karto ku biirista shabakadaha V-RMTC iyo T-RMN?
- Sidee ayay heshiisyadani u saameyn doonaan howlaha amniga badda ee Soomaaliya?
- Maxay yihiin jawaabaha ka imaanaya dalalka kale ee ku lugta leh amniga badda?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · badaha · amniga · soomaaliya
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada