Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Soomaaliya oo Soo Dhaweysay Heshiiska Is-fahamka ee Mareykanka iyo Iiraan ay wada gaareen
Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo dhaweysay Heshiiska Is-fahamka ee ay wada gaareen Dowladda Mareykanka iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, iyadoo ku tilmaantay tallaabo muhiim ah oo lagu dejinayo xiisadaha laguna xoojinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka. War-saxaafadeed ay dowladda Soomaaliya soo saartay ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay […]
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo dhaweysay Heshiiska Is-fahamka ee ay wada gaareen Dowladda Mareykanka iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.
Maxaa la shaaciyey
- Soomaaliya ayaa ku ammaanay labada dhinac doorashadooda ku aaddan diblomaasiyadda iyo wadahadalka.
- Dowladda Soomaaliya ayaa bogaadisay doorka ay ka qaateen dalalka Pakistan, Qatar, Masar, Sacuudi Carabiya iyo Turkiga.
- Soomaaliya ayaa muujisay rajada ay ka qabto in heshiiska lagu fuliyo si daacadnimo iyo niyad-wanaag ku jirto.
Macnaha guud
Heshiiskan ayaa la sheegay inuu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu dejinayo xiisadaha laguna xoojinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka.
“Soomaaliya ayaa mar kale xaqiijisay mowqifkeeda ku aaddan taageeridda diblomaasiyadda, ixtiraamka shuruucda caalamiga ah iyo xallinta khilaafaadka si nabad ah.”
Sababta ay muhiim u tahay: Soomaaliya ayaa muujinaysa taageerada ay u hayso heshiisyada nabadda ee gobolka, taasoo muhiim u ah xasilloonida Geeska Afrika.

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo dhaweysay Heshiiska Is-fahamka ee ay wada gaareen Dowladda Mareykanka iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, iyadoo ku tilmaantay tallaabo muhiim ah oo lagu dejinayo xiisadaha laguna xoojinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka.
War-saxaafadeed ay dowladda Soomaaliya soo saartay ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay ku ammaanayso labada dhinac doorashadooda ku aaddan diblomaasiyadda iyo wadahadalka, kuwaas oo gacan ka geysan kara yareynta xiisadaha iyo horumarinta nabadda waarta.
Soomaaliya ayaa sidoo kale bogaadisay doorka ay ka qaateen dalalka Pakistan, Qatar, Masar, Sacuudi Carabiya iyo Turkiga dadaallada lagu taageerayay horumarka diblomaasiyadeed ee horseeday heshiiskan.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay doorka uu Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ku lahaa dhiirrigelinta dadaallada nabadda iyo wada-hadallada u dhexeeya dhinacyada ay khusayso.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.