Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Radio Dalsangeneral

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka Cammaan, Urdun – 13 Juun 2026 – Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya, oo uu ka mid yahay Agaasimaha Waaxda Qorsheynta, Marwo Kaafiyo Cabdullaahi Naaleeye, ayaa maanta ka qayb-qaatay aqoon-isweydaarsi heer goboleed oo lagu qabtay magaalada Cammaan ee dalka Urdun, kaas oo diiradda lagu saaray [&#8

SO
Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka
Sawir / xog muuqaal ah · Radio Dalsan

Soomaaliya ayaa Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka, iyadoo ka qayb-gashay aqoon-isweydaarsi lagu qabtay Cammaan.

Maxaa la shaaciyey

  1. Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Cadaaladda Soomaaliya ayaa ka qayb qaatay aqoon-isweydaarsigan.
  2. Aqoon-isweydaarsigu wuxuu diiradda saaray caddaaladda xilliyada kala-guurka, xaqiiqo-raadinta, iyo taageerada qoysaska dadka la la’yahay.
  3. Marwo Kaafiyo Cabdullaahi Naaleeye ayaa sheegtay in dowladda federaalka ay ka go'an tahay la shaqaynta daneeyayaasha gudaha iyo bah-wadaagta caalamiga ah.

Macnaha guud

Soomaaliya waxay ku jirtaa marxalad kala-guur ah oo looga gudbayo colaadda una gudbayay nabadda iyo dib-u-dhiska.

“Waxaan soo bandhignay dadaallada Soomaaliya ee ku aaddan dib-u-heshiisiinta qaran, xoojinta ku dhaqanka sarreynta sharciga iyo horumarinta hannaan qaran oo ku saleysan caddaaladda xilliyada kala-guurka.”

Marwo Kaafiyo Cabdullaahi Naaleeye
Cammaan, Urdun
2026-06-13

Sababta ay muhiim u tahay: Soomaaliya waxay ku dadaaleysaa heshiisiinta qaran iyo xoojinta cadaaladda, taasoo muhiim u ah mustaqbalka dalka.

Soo koobiddu miyaa kuu adeegtay?

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali

Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Radio Dalsan

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka

Cammaan, Urdun – 13 Juun 2026 – Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya, oo uu ka mid yahay Agaasimaha Waaxda Qorsheynta, Marwo Kaafiyo Cabdullaahi Naaleeye, ayaa maanta ka qayb-qaatay aqoon-isweydaarsi heer goboleed oo lagu qabtay magaalada Cammaan ee dalka Urdun, kaas oo diiradda lagu saaray caddaaladda xilliyada kala-guurka, xaqiiqo-raadinta, isla xisaabtanka, magdhowga dhibbanayaasha, iyo taageerada qoysaska dadka la la’yahay.

Aqoon-isweydaarsigan ayaa muhiimad weyn u leh Soomaaliya, oo ka soo gudubtay sanado dhaawac iyo colaado sokeeye. Dalku wuxuu ku jiraa marxalad kala-guur ah oo looga gudbayay colaadda una gudbayay nabadda iyo dib-u-dhiska, taasoo ka dhigaysa caddaaladda kala-guurka mid muhiim u ah xoojinta heshiisiinta qaran iyo kalsoonida bulshada.

“Waxaan soo bandhignay dadaallada Soomaaliya ee ku aaddan dib-u-heshiisiinta qaran, xoojinta ku dhaqanka sarreynta sharciga iyo horumarinta hannaan qaran oo ku saleysan caddaaladda xilliyada kala-guurka,” ayay tiri Marwo Kaafiyo Cabdullaahi Naaleeye. “Ujeeddadu waa in la adkeeyo nabadda, xasilloonida iyo midnimada dalka.”

Isha: Radio Dalsan. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Radio Dalsan
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralguurkawadaurdun
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.

La socodsii

Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.