Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
๐๐โ๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐๐๐ฆ๐ฌ๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐๐ง ๐ฅ๐ ๐ช๐๐๐ญ๐๐ฒ ๐๐โ๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐ญ๐๐ซ
Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay Raโiisul Wasaare Ku-xigeenka Qatar, ahna Wasiirka Difaaca, Mudane Sheekh Sucuud Bin Cabdiraxmaan Bin Xasan Al Taani. Kulanka, oo qayb ka ahaa kulamadii rasmiga ahaa ee uu Raโiisul Wasaaruhu la qaadanayay madaxda ugu sarreysa dalka Qatar, ayaa looga wada hadlay xoojinta iskaashiga [
Raโiisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay Raโiisul Wasaare Ku-xigeenka Qatar, Mudane Sheekh Sucuud Bin Cabdiraxmaan Bin Xasan Al Taani.
Maxaa la shaaciyey
- Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga amniga iyo difaaca labada dal.
- Raโiisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa uga warbixiyay guulaha xasillinta amniga magaalooyinka waaweyn.
- Dowladda Qatar ayaa sheegtay inay diyaar u tahay in la sii ballaariyo iskaashiga labada dal.
โDowladda Qatar ay garab taagan tahay Soomaaliya, ayna diyaar u tahay in la sii ballaariyo iskaashiga labada dal.โ
Sababta ay muhiim u tahay: Waa muhiim in akhristayaasha Soomaaliyeed ay ogaadaan iskaashiga amniga iyo difaaca ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay Raโiisul Wasaare Ku-xigeenka Qatar, ahna Wasiirka Difaaca, Mudane Sheekh Sucuud Bin Cabdiraxmaan Bin Xasan Al Taani.
Kulanka, oo qayb ka ahaa kulamadii rasmiga ahaa ee uu Raโiisul Wasaaruhu la qaadanayay madaxda ugu sarreysa dalka Qatar, ayaa looga wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, difaaca iyo xasilloonida gobolka iyo dunida, gaar ahaan sidii si wadajir ah looga hortagi lahaa khataraha ka dhasha argagixisada xuduudaha ka tallaabta, kuwaas oo halis weyn ku haya Soomaaliya.
Raโiisul Wasaare Xamsa ayaa Mudane Sheekh Sucuud uga warbixiyay guulaha laga soo hoyiyay xasillinta amniga magaalooyinka waaweyn iyo hawlgallada lagu qaaday kooxaha Khawaarijta.
Dhankiisa, Raโiisul Wasaare Ku-xigeenka Qatar, Mudane Sheekh Sucuud Bin Cabdiraxmaan Bin Xasan Al Taani oo ugu yimid hoyga uu Dooxa ka degenyahay Raโiisul Wasaaraha Soomaaliya , ayaa sheegay in Dowladda Qatar ay garab taagan tahay Soomaaliya, ayna diyaar u tahay in la sii ballaariyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada kala duwan.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Somali National TV
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.