Su’aalo ka dhashay qaraar ay Soomaaliya taageertay oo ay isku hayeen Ruushka iyo USA
Waxa dhacay
40 ilbiriqsiSoomaaliya ayaa taageertay hindise qaraar uu Ruushku ka keenay arrinta Saxaraha Galbeed iyadoo ka aamustay hindise Mareykanka.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Soo-jeedinQaraarkaas ayaa qorshaha ismaamulka Morocco saldhig uga dhigay wada-hadallada, isagoo sidoo kale ku baaqay xal siyaasadeed oo labada dhinac aqbalaan, isla markaana xaqiijiya aayo-ka-tashiga dadka Saxaraha Galbeed.
- Labada codbixin oo dhacay Jimcihii, 30-kii Oktoobar, ayaa ku saabsanaa mustaqbalka howlgalka Qaramada Midoobay ee Saxaraha Galbeed, oo loo soo gaabiyo MINURSO.
- Soomaaliya, Shiinaha iyo Pakistan ayaa ka aamusay hindisihii Mareykanka.
- Hindisihii Ruushka ayaa isna helay saddex cod oo taageero ah, halka 11 dal ay ka aamuseen, Mareykankuna uu ka soo horjeestay.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay noqon doonaan cawaaqibka taageerada Soomaaliya ee hindisaha Ruushka?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Soomaaliya ayaa taageertay hindise qaraar uu Ruushku ka keenay arrinta Saxaraha Galbeed.
- Soomaaliya, Shiinaha iyo Pakistan ayaa ka aamusay hindisihii Mareykanka.
- Hindisihii Ruushka ayaa isna helay saddex cod oo taageero ah, halka 11 dal ay ka aamuseen, Mareykankuna uu ka soo horjeestay.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
New York (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa taageertay hindise qaraar uu Ruushku ka keenay arrinta Saxaraha Galbeed ee Morocco, iyadoo ka aamustay hindise kale oo Mareykanku horgeeyey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Labada codbixin oo dhacay Jimcihii, 30-kii Oktoobar, ayaa ku saabsanaa mustaqbalka howlgalka Qaramada Midoobay ee Saxaraha Galbeed, oo loo soo gaabiyo MINURSO.
Soomaaliya, Shiinaha iyo Pakistan ayaa ka aamusay hindisihii Mareykanka. Inkastoo uu helay taageerada 11 dal, haddana waxaa hor istaagay Ruushka oo adeegsaday awoodda diidmada qayaxan ee loo yaqaan veto.
Hindisihii Ruushka ayaa isna helay saddex cod oo taageero ah, halka 11 dal ay ka aamuseen, Mareykankuna uu ka soo horjeestay. Sidaas darteed, labada hindise midkoodna ma meelmarin, xilli muddada howlgalka MINURSO ay ku egtahay 31-ka Oktoobar 2026.
Hindisaha Mareykanka ayaa soo jeediyey in muddada howlgalka la gaarsiiyo 31-ka Oktoobar 2027, balse wax laga beddelo magaca iyo qaabka uu u shaqeeyo. Waxaa magaca laga saari lahaa erayga tilmaamaya aftida, oo markii hore udub-dhexaad u ahayd ujeeddada howlgalka.
Qoraalka ayaa sidoo kale qorshaha ismaamulka ee Morocco ka dhigayey saldhigga keliya ee wada-hadallada lagu sii wadi karo. Qorshahaasi wuxuu soo jeedinayaa ismaamul hoos yimaada madax-bannaanida Morocco.
Dhanka kale, hindisaha Ruushku wuxuu dalbanayey in howlgalka muddo sannad ah loo kordhiyo, iyadoo la ilaalinayo magaciisa iyo waajibaadkiisa hadda jira.
Is-beddelka Soomaaliya
Codbixintan ayaa ka duwan tii 31-kii Oktoobar 2025, markii Soomaaliya ay taageertay qaraarkii Golaha Ammaanka ee tirsigiisu ahaa 2797.
Qaraarkaas ayaa qorshaha ismaamulka Morocco saldhig uga dhigay wada-hadallada, isagoo sidoo kale ku baaqay xal siyaasadeed oo labada dhinac aqbalaan, isla markaana xaqiijiya aayo-ka-tashiga dadka Saxaraha Galbeed.
Diiwaanka kulankaas ayaa muujinaya in wakiilka Soomaaliya uu codka dalkiisa ku sababeeyey taageerada muddo-kordhinta howlgalka iyo dadaallada xal nabadeed lagu raadinayo, oo Qaramada Midoobay hoggaamineyso.
Warbaahinta Morocco ee Yabiladi ayaa ka-aamusidda Soomaaliya ee hindisaha Mareykanka iyo taageerada ay siisay kan Ruushka u fasirtay calaamad muujineysa isu-soo-dhawaansho sii kordhaya oo u dhexeeya Muqdisho iyo Aljeeriya.
Waxay sidoo kale sheegtay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, uu 28-kii Nofeembar 2025 mar kale taageeray sheegashada Morocco ee dhulkaas, kaddib kulan uu Rabat kula yeeshay dhiggiisa Nasser Bourita.
Hase yeeshee, bayaankii Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ee 6-dii Diseembar 2025, oo ka jawaabayey warar Soomaaliya loo nisbeeyey, ayaa caddeeyey in mowqifka dalka lagu muujiyo oo keliya bayaannada iyo farriimaha rasmiga ah ee dowladda.
Wasaaraddu waxay markaas labada dhinac ugu baaqday wada-hadallo dhab ah oo toos ah, si loo gaaro xal nabadeed oo kama dambeys ah, labada dhinacna ay aqbalaan, waafaqsanna qaraarrada Qaramada Midoobay.
Wasaaraddu waxay sidoo kale taageertay dadaallada xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay iyo ergaygiisa gaarka ah, iyadoo ku celisay sida Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta xiriirka Morocco iyo in labada dal ay ixtiraamaan midnimada iyo madax-bannaanida midba midka kale.
Muranka Saxaraha Galbeed ayaa u dhexeeya Morocco, oo maamusha inta badan dhulkaas, iyo Jabhadda Polisario, oo taageero ka hesha Aljeeriya, doonaysana in dhulkaasi noqdo dal madax-bannaan.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Soomaaliya ayaa taageertay hindise qaraar uu Ruushku ka keenay arrinta Saxaraha Galbeed iyadoo ka aamustay hindise Mareykanka. Labada codbixin ayaa la qaaday 30-kii Oktoobar 2026, laakiin midkoodna ma meelmarin.
Qodobada muhiimka ah
- Soomaaliya ayaa taageertay hindise qaraar uu Ruushku ka keenay arrinta Saxaraha Galbeed.
- Soomaaliya, Shiinaha iyo Pakistan ayaa ka aamusay hindisihii Mareykanka.
- Hindisihii Ruushka ayaa isna helay saddex cod oo taageero ah, halka 11 dal ay ka aamuseen, Mareykankuna uu ka soo horjeestay.
- xilli muddada howlgalka MINURSO ay ku egtahay 31-ka Oktoobar 2026.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan natiijooyinka codbixinta.
- Ma jiraan wax jawaab ah oo ka timid Mareykanka oo ku saabsan taageerada Soomaaliya ee hindisaha Ruushka.
- Maqaalku ma caddeynayo cawaaqibka ka dhalan kara isbeddelka Soomaaliya ee taageerada sanadkii hore.
Gunaanadka akhristaha
Taageerada Soomaaliya ee hindisaha Ruushka waxay muujinaysaa isbeddel muhiim ah oo ku saabsan mowqifkeeda diblomaasiyadeed ee arrimaha Saxaraha Galbeed.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay noqon doonaan cawaaqibka taageerada Soomaaliya ee hindisaha Ruushka?
- Sidee ayay Mareykanku uga jawaabi doonaan aamusta Soomaaliya ee hindisahooda?
- Maxay yihiin arrimaha saameeyay isbeddelka Soomaaliya ee mowqifkeeda sanadkan?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · taageertay · qaraar · soomaaliya
Sii akhri
- Qaramada Midoobay oo soo gabagabeyey howlgalkeedii UNTMIS ee Soomaaliya
Shabelle Media
- Qaramada Midoobay oo ballanqaadday inay sii wadi doonto taageerada Soomaaliya kaddib xiritaanka UNTMIS
Shabelle Media
- Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Madaxweynaha JFS ku Matelay Shir-madaxeedka Saddexaad ee Ruushka iyo Afrika
Shabelle Media