Su’aalo ka dhashay sii-daynta markabka MTT-SIBU 1 iyo sheegashada koox Ciraaqiyiin ah
Warka oo kooban
50 ilbiriqsiWarar cusub ayaa su’aalo ka keenay cidda hoggaamisay howlgalkii lagu sii daayay markabka ganacsi ee MTT-SIBU 1 , kaas oo la sheegay in burcad-badeed Soomaali ah ay ku qabsadeen xeebaha gobolka Mudug.
Qodobbada muhiimka ah
- Ciidanka Booliska Badda Puntland (PMPF) ayaa maalin ka hor ku dhawaaqay in ay gacanta ku dhigeen markabka iyo kooxdii burcad-badeedda ee haysatay, balse warbaahin Carabta ayaa markii dambe baahisay sheegasho ah in koox rag ah oo ka tirsan qabiil Ciraaqi ah ay door ku lahaayeen hawlgalka lagu sii daayay markabka.
- Ilo dhinaca amniga badda ah oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shaqaale si madax-bannaan ugu shaqeynayay shirkadda leh markabka ay ka qeyb qaateen howlgalka, iyagoo garab siinayay ciidamada badda Puntland.
- Sawirro iyo muuqaallo ay faafiyeen ilo Ciraaqi ah ayaa u muuqda inay muujinayaan markabka SIBU 1 , burcad-badeedda la qabtay iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya oo goobta ku sugan.
- Arrintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan cidda si dhab ah u hoggaamisay howlgalka iyo kaalinta ay kala qaateen ciidamada Puntland iyo shaqaalaha dhinaca markabka.
Sida ay sheegtay Goobjoog Somali
Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Warar cusub ayaa su’aalo ka keenay cidda hoggaamisay howlgalkii lagu sii daayay markabka ganacsi ee MTT-SIBU 1 , kaas oo la sheegay in burcad-badeed Soomaali ah ay ku qabsadeen xeebaha gobolka Mudug.
Ciidanka Booliska Badda Puntland (PMPF) ayaa maalin ka hor ku dhawaaqay in ay gacanta ku dhigeen markabka iyo kooxdii burcad-badeedda ee haysatay, balse warbaahin Carabta ayaa markii dambe baahisay sheegasho ah in koox rag ah oo ka tirsan qabiil Ciraaqi ah ay door ku lahaayeen hawlgalka lagu sii daayay markabka.
Ilo dhinaca amniga badda ah oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shaqaale si madax-bannaan ugu shaqeynayay shirkadda leh markabka ay ka qeyb qaateen howlgalka, iyagoo garab siinayay ciidamada badda Puntland.
Sawirro iyo muuqaallo ay faafiyeen ilo Ciraaqi ah ayaa u muuqda inay muujinayaan markabka SIBU 1 , burcad-badeedda la qabtay iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya oo goobta ku sugan.
Arrintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan cidda si dhab ah u hoggaamisay howlgalka iyo kaalinta ay kala qaateen ciidamada Puntland iyo shaqaalaha dhinaca markabka.
Maamulka Puntland ayaa Axaddii kooxdii burcad-badeedda ahayd geeyay dekedda Garacad ee gobolka Mudug, waxaana sidoo kale dekedda la geeyay hub laga qabtay burcad-badeedda, dad dhaawacmay iyo meydadka dad ku dhintay iska horimaadkii dhacay intii uu socday howlgalka.
Ilaa hadda ma cadda aqoonsiga dadka Ciraaqiyiinta ah ee lagu sheegay inay ka qeyb qaateen hawlgalka iyo nooca saxda ah ee doorkooda, Sidoo kalena, faahfaahin buuxda lagama bixin sida ay ciidamada Puntland iyo shaqaalaha shirkadda markabka u wada shaqeeyeen.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · aalo · sii · markabka
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada