Puntland: Yaa fuliyay howlgalkii lagu qabtay markabka SIBU 1?
Warar soo baxaya sheegaya in howlgalkii shalay lagu furtay markabka SIBU 1 ay wada fuliyeen ciidan ay keentay shirkadda leh… Sii akhri

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Warar soo baxaya sheegaya in howlgalkii shalay lagu furtay markabka SIBU 1 ay wada fuliyeen ciidan ay keentay shirkadda leh markabka iyo ciidamada PMPF ee Puntland.
Howlgalka ayaa lagu fuliyay labo markab oo qoryo saaran yihiin, kuwaas oo ay keentay shirkadda leh markab oo lagu sheegay shirkad uu leeyahay nin Ciraaqi ah.
Muuqaallo iyo sawirro ay baahiyeen Ciraaqiyiinta ayaa muujinaya markabka, kooxdii haysatay ee Burcad-badeedda oo maxaabiis ah iyo ciidamo Soomaali ah. Puntland waxay hore u sheegtay in ay keligeed fulisay howlgalka.
Puntland ayaa saaka dekedda Garacad keentay maxaabiistii lagu qabtay howlgalka, kuwaas oo uu la wareegay taliyaha qaybta booliska gobolka Mudug Col. Maxamuud Muuse Bile Fardafuul.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Puntland Post
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · markabka · sibu · howlgalkii
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada