Sudan oo ku gacan seyrtay codsi uu u diray codsi uu u diray rai’sul wasaaraha Itoobiya
Waxa dhacay
Hal il · Hiiraanweyn
Dowladda Suudaan ayaa diidday baaq uu Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, u jeediyay in la qabto wadahadallo dib-u-heshiisiin ah.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Suudaan ayaa diidmadeeda ku sababaysay shaki ay ka qabto madax-bannaanida Itoobiya iyo sida ay u ixtiraamayso madaxbannaanida Suudaan.
- Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa Talaadadii ugu baaqay dhammaan dhinacyada milatariga, siyaasadda iyo rayidka ee Suudaan inay ka qaybgalaan wadahadalka.
- Waxa uu sheegay in dowladda Itoobiya ay diyaar u tahay inay martigeliso oo isku dubbariddo wadahadallada, iyadoo kharashkooda iska bixinaysa, si loo helo nabad waarta oo soo afjarta dagaalka.
- War ay soo saartay dowladda Suudaan ayaa lagu sheegay inaysan ku qanacsanayn madax-bannaanida iyo ixtiraamka ay dowladda Itoobiya u hayso xuduudaha qarannimo ee Suudaan.

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Suudaan ayaa diidmadeeda ku sababaysay shaki ay ka qabto madax-bannaanida Itoobiya.
- Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa baaqay in dhammaan dhinacyada milatariga, siyaasadda iyo rayidka ee Suudaan ay ka qaybgalaan wadahadalka.
- Dowladda Suudaan ayaa sheegtay inaysan ku qanacsanayn ixtiraamka Itoobiya u hayso xuduudaha qarannimo ee Suudaan.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Arbaco 25 Nov 2026 {HMC} Dowladda Suudaan ee uu hoggaamiyo Jeneraal Cabdifitaax Al-Burhaan ayaa diidday baaq uu Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, u jeediyay dhinacyada ku dagaallamaya Suudaan, kaas oo ahaa in la qabto wadahadallo dib-u-heshiisiin ah.
Suudaan ayaa diidmadeeda ku sababaysay shaki ay ka qabto madax-bannaanida Itoobiya iyo sida ay u ixtiraamayso madaxbannaanida Suudaan.
Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa Talaadadii ugu baaqay dhammaan dhinacyada milatariga, siyaasadda iyo rayidka ee Suudaan inay ka qaybgalaan wadahadalka.
Waxa uu sheegay in dowladda Itoobiya ay diyaar u tahay inay martigeliso oo isku dubbariddo wadahadallada, iyadoo kharashkooda iska bixinaysa, si loo helo nabad waarta oo soo afjarta dagaalka.
War ay soo saartay dowladda Suudaan ayaa lagu sheegay inaysan ku qanacsanayn madax-bannaanida iyo ixtiraamka ay dowladda Itoobiya u hayso xuduudaha qarannimo ee Suudaan.
Waxay intaas ku dartay in arrimahaasi ay yihiin shuruudo muhiim u ah in Itoobiya ay door ku yeelato geeddi-socodka wadahadallada.
Dowladda Suudaan ee uu hoggaamiyo Al-Burhaan ayaa marar badan Itoobiya ku eedeysay inay taageerto ciidamada gurmadka degdegga ah ee RSF, isla markaana qaar ka mid ah weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lagu qaaday Suudaan ay ka soo duuleen gudaha Itoobiya.
Itoobiya ayaa si adag u beenisay eedeymahaas, iyadoo sheegtay inay doonayso xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo saaxiibtinimada ka dhexaysa shucuubta labada dal.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Hiiraanweyn
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · wasaaraha · itoobiya · sudan