Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliya oo Mareykanka kala hadlay arrimo xasaasi ah
Muqdisho (Caasimada Online) — Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay u-qaybsanaha difaaca Mareykanka ee Soomaaliya, Colonel Egan O’Reilly, iyagoo ka wada-hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda…
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) — Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay u-qaybsanaha difaaca Mareykanka ee Soomaaliya, Colonel Egan O’Reilly, iyagoo ka wada-hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda dalka.
Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa si gaar ah diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada difaaca ee Soomaaliya iyo Mareykanka, gaar ahaan dib-u-dhiska, tayeynta iyo horumarinta ciidanka Cirka Soomaaliyeed.
Sareeye Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji ayaa dowladda Mareykanka uga mahadceliyay taageerada ay marwalba la garab taagan yihiin ciidamada qalabka sida, gaar ahaan ciidanka cirka Soomaaliyeed oo haatan dib usoo kabasho sameynaya, maadaama ay heleen taageero gudaha iyo dibadda ah.
Dhankiisa, Colonel Egan O’Reilly ayaa ballan qaaday in dowladdiisu ay sii wadi doonto taageerada, wuxuuna taliska ciidanka cirka uga mahadceliyay soo dhaweynta ballaaran ee manta loogu sameeyay magaalada Muqdisho.
Mareykanka ayaa kamid ah dalalka waa wayn ee taageerada siiya Soomaaliya, iyadoo kulanka lagu soo qaaday doorkiisa ku aadan la dagaallanka Al-Shabaab.
Waxaa kale oo uu Mareykanka tababaraa, isla markaana bixiyaa mushaharka ciidamada Danab ee Xoogga dalka Soomaaliya ee la dagaalama kooxda Al-Shabaab, lana rumeysan yahay inay yihiin ciidamada ugu waxtarka fiican kuwa Soomaaliya ay hadda leedahay.
Si kastaba, kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada ay dowladda Soomaaliya ku xoojineyso taageerade caalamiga ah, gaar ahaan dhanka difaaca iyo milatariga, maadaama lagu xilli xasaasi ah, uuna weli socdo dagaalka Al-Shabaab.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · arrimo · soomaaliya · cirka