Taliyaha NISA Mahad Salad oo mar kale la shiray siyaasiyiinta mucaaradka ah
May 31(Jowhar) Xogo aan helnay ayaa sheegaya in Taliyaha NISA Mahad Salaad uu xalay mar kale kulamo kala duwan la yeeshay xubno ka tirsan Madasha Mustaqbalka, iyadoo laga wada hadlay ilaalinta amniga caasimadda iyo bannaanbaxa ay mucaaradku iclaamiyeen 4-ta bisha Juun. Ilo kala duwan ayaa xaqiijiyay in kulamadan ay daba socdeen kulankii habeen hore dhex […]

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
May 31(Jowhar) Xogo aan helnay ayaa sheegaya in Taliyaha NISA Mahad Salaad uu xalay mar kale kulamo kala duwan la yeeshay xubno ka tirsan Madasha Mustaqbalka, iyadoo laga wada hadlay ilaalinta amniga caasimadda iyo bannaanbaxa ay mucaaradku iclaamiyeen 4-ta bisha Juun.
Ilo kala duwan ayaa xaqiijiyay in kulamadan ay daba socdeen kulankii habeen hore dhex maray Taliyaha Sirdoonka iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed. Waxaa hadda muuqata in dadaal xooggan lagu bixinayo sidii loo xaqiijin lahaa in bannaanbaxyada mucaaradku qorsheynayaan aysan ka dhalan amni-darro, qalqal ama isku dhacyo hubeysan.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dhawaan bannaanbax ka dhacay magaalada Muqdisho ay Dowladda Federaalka Soomaaliya sheegtay inay ka qayb qaateen ciidamo hubeysan oo ka amar qaata xubno ka tirsan mucaaradka.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Jowhar
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan