Trump: Dadka gobolka Minnesota waa inay "iska caabiyaan" soogalootiga Soomaalida, dowladdu gacan ayay idinku siinaysaa"
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiDonald Trump ayaa si adag u weeraray bulshada Soomaalida ee Minnesota, isagoo ku baaqay dadka deegaanka inay iska caabiyaan soogalootiga Soomaalida iyo in dowladda federaalku ay gacan siin doonto haddii loo baahdo.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa weerar afka ah ku qaaday bulshada Soomaalida ah ee ku nool dalka Mareykanka gaarahaan gobolka Minnesota.
- Trump ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Truth Social ugu baaqay dadka gobolka Minnesota inay "iska caabiyaan" soogalootiga Soomaalida, isagoo ballanqaaday in dowladda federaalku ay caawin doonto haddii gobolku u baahdo.
- "Gobolka Minnesota oo mar ahaan jiray gobol weyn ayaa waxaa la wareegaya soogalootiga Soomaalida.
- Trump ayaa guddoomiyaha ku tilmaamay mid aan karti lahayn, isagoo ku eedeeyay inuusan doonayn inuu arrimahaas faraha la galo.
Sida ay sheegtay BBC Somali
- Sababta ay muhiim u tahay
- Maqaalku wuxuu muujinayaa xiisadaha socda ee ku saabsan arrimaha socdaalka iyo xiriirka bulshada ee Minnesota, gaar ahaan bulshada Soomaalida.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee Trump soo jeedinayo dadka Minnesota?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Donald Trump ayaa ku baaqay dadka Minnesota inay 'iska caabiyaan' soogalootiga Soomaalida, isagoo sheegay in dowladda federaalku ay gacan siin doonto haddii loo baahdo.
- Trump ayaa guddoomiyaha Minnesota, Tim Walz, ku eedeeyay inuu yahay mid aan karti lahayn, isagoo ku eedeeyay inuusan doonayn inuu arrimahaas faraha la galo.
- Trump marar badan ayuu Soomaalida weeraray, isagoo xiriiriyay rabshado iyo fowdo gobolka Minnesota.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Trump: Dadka gobolka Minnesota waa inay "iska caabiyaan" soogalootiga Soomaalida, dowladdu gacan ayay idinku siinaysaa"
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa weerar afka ah ku qaaday bulshada Soomaalida ah ee ku nool dalka Mareykanka gaarahaan gobolka Minnesota.
Trump ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Truth Social ugu baaqay dadka gobolka Minnesota inay "iska caabiyaan" soogalootiga Soomaalida, isagoo ballanqaaday in dowladda federaalku ay caawin doonto haddii gobolku u baahdo.
"Gobolka Minnesota oo mar ahaan jiray gobol weyn ayaa waxaa la wareegaya soogalootiga Soomaalida. Rabshado, dilal iyo fowdo ayaa ka jira guud ahaan gobolka. Dadka Minnesota waa inay iska caabiyaan. Dowladda gobolkiinna ayaa idin dhacay oo idin dayacay," ayuu Trump qoray, ka hor inta uusan dhaliilin guddoomiyaha gobolka, Tim Walz.
Trump ayaa guddoomiyaha ku tilmaamay mid aan karti lahayn, isagoo ku eedeeyay inuusan doonayn inuu arrimahaas faraha la galo.
"Wuxuu doonayaa oo keliya inuu gobolka ka tago isagoo xaday wixii uu awooday, kaddibna nolol deggan ku noolaado. Soomaalida waa inaan loo oggolaan inay ka baxsadaan waxa ay samaynayaan. Waxay idiin arkaan dad daciif ah oo aan waxba fahmin. Iska caabiya, dadka Minnesota, iska caabiya! Haddii aad u baahataan, dowladda federaalku way idiin iman doontaa si ay idiin caawiso," ayuu Trump yiri.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ugu baaqay guddoomiye Walz iyo duqa magaalada Minneapolis, Jacob Frey, inay si degdeg ah u codsadaan caawimaad dowladda federaalka, isagoo yiri: "Inta kale annaga noo daaya."
Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka waa gobolka Soomaalida ugu badan ay ku nooshay marka barbardhigo goboollada kale.
Marar badan ayuu Soomaalida weeraray Trump
Ma ahan markii ugu horreysay oo Trump uu weerar afka ah ku qaado Soomaalida dalkaasi ku dhaqan iyo dalka Soomaalliyaba, oo dhowr mar ayuu meelo fagaara ah iyo shirarba ku soo hadal qaaday isagoo mar walba xiriiriya Xildhibaanad Ilhaan iyo dowladnimada Soomaaliya.
Soomaalida Mareykanka wuxuu ku tilmaamay, in ay ka yimaadeen "Jahannama", waxaa kale oo uu ku sheegay in ay yihiin "qashin"
Mar kale waxaa uu ugu yeeray Soomaalida kuwa aan looga "baahneyn" gudaha Mareykanka, oo ma shaqeystayaal ah.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Donald Trump ayaa si adag u weeraray bulshada Soomaalida ee Minnesota, isagoo ku baaqay dadka deegaanka inay iska caabiyaan soogalootiga Soomaalida iyo in dowladda federaalku ay gacan siin doonto haddii loo baahdo.
Qodobada muhiimka ah
- Donald Trump ayaa ku baaqay dadka Minnesota inay 'iska caabiyaan' soogalootiga Soomaalida, isagoo sheegay in dowladda federaalku ay gacan siin doonto haddii loo baahdo.
- Trump ayaa guddoomiyaha Minnesota, Tim Walz, ku eedeeyay inuu yahay mid aan karti lahayn, isagoo ku eedeeyay inuusan doonayn inuu arrimahaas faraha la galo.
- Trump marar badan ayuu Soomaalida weeraray, isagoo xiriiriyay rabshado iyo fowdo gobolka Minnesota.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha guddoomiyaha Tim Walz ama duqa magaalada Minneapolis, Jacob Frey, ee ku saabsan hadallada Trump.
- Eedeymaha Trump ma ahan kuwo madax-bannaan oo la xaqiijiyay.
- Maqaalku ma bixinayo faahfaahin ku saabsan macnaha hadallada hore ee Trump ee ku saabsan bulshada Soomaalida.
Gunaanadka akhristaha
Hadallada Trump waxay muujinayaan diiradda uu saaray arrimaha socdaalka iyo bulshada Soomaalida ee Minnesota.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee Trump soo jeedinayo dadka Minnesota?
- Sidee ayay bulshada Soomaalida ee Minnesota uga jawaabtay hadallada Trump?
- Maxay yihiin tallaabooyinka, haddii ay jiraan, ee dowladda federaalku qaadi doonto si ay uga jawaabto eedeymahan?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku wuxuu muujinayaa xiisadaha socda ee ku saabsan arrimaha socdaalka iyo xiriirka bulshada ee Minnesota, gaar ahaan bulshada Soomaalida.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- BBC Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: world · general · trump · gacan · soomaalida
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada