Wafdi ka kooban labada Aqal ee BFS Kana qayb galaya Shirweynaha 2-aad Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika
Wafdi ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kana qayb galaya Shirweynaha 2-aad ee Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika ee ka socda magaalada Benghazi, Liibiya ayaa kulan gaar ah la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Liibiya ahna Guddoomiyaha Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika Caqiila Saalax Ciise. Wafdiga BJFS iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Liibiya ayaa ka [&

Wafdi ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka qayb galay Shirweynaha 2-aad ee Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika, halkaas oo ay kulan la yeesheen Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Liibiya Caqiila Saalax Ciise.
Maxaa la shaaciyey
- Wafdiga BJFS iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Liibiya ayaa ka wada hadlay arrinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiyada dowladda Liibiya.
- Wafdigu wuxuu adkeeyay in dhallinyaradaas ay ku sugan yihiin xaalado adag, laguna baahan yahay daryeel iyo xal degdeg ah.
- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Liibiya ayaa ballan qaaday inuu samaynayo guddi baarlamaani ah oo si gaar ah ula socda xaaladda dhallinyaradaas.
“Wafdigu waxaa kale ee uu adkeeyay in dhallinyaradaas Soomaaliyeed ah ay ku sugan yihiin xaalado adag.”
Sababta ay muhiim u tahay: Arrintani waxay muhiim u tahay akhristayaasha Soomaaliyeed maadaama ay taabaneyso xaaladda dhallinyarada Soomaaliyeed ee Liibiya.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Wafdi ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kana qayb galaya Shirweynaha 2-aad ee Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika ee ka socda magaalada Benghazi, Liibiya ayaa kulan gaar ah la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Liibiya ahna Guddoomiyaha Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika Caqiila Saalax Ciise.
Wafdiga BJFS iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Liibiya ayaa ka wada hadlay arrinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiyada dowladda Liibiya iyo xarumo sharci darro ah oo lagu hayo laguna dhibaateeyo dhallinyaradaas, iyagoo qaarkood loola dhaqmo qaab ka bacsan bini’aadannimada, Wafdigu waxaa kale ee uu adkeeyay in dhallinyaradaas Soomaaliyeed ah ay ku sugan yihiin xaalado adag, islamarkaana ay muhiim tahay in loo helaan daryeel iyo xal degdeg ah oo lagula tacaalaayo xaaladdooda, isla markaana dib loogu soo celiyo dalkooda.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Liibiya ayaa si diirran u soo dhaweeyay isla markaana ballan qaaday wax ka qabashada arrintaas, isagoo muujiyay inuu muhiimad gaar ah siinayo wax ka qabashada dhibaatooyinka Liibiya ku heysta dhallinyarada Soomaaliyeed, wuxuuna uu ballan qaaday inuu samaynayo guddi baarlamaani ah oo si gaar ah ula socda xaaladda dhallinyaradaas ku jirta xabsiyada iyo xarumaha lagu hayo,
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Baarlamaannada Soomaaliya iyo Liibiya, is-dhaafsiga khibradaha dhinacyada sharci-dejinta, kormeerka, iyo kor u qaadidda wada-shaqeynta baarlamaannada ee labada dal.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Somali National TV
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.