WAR DEG DEG AH: Ciidanka Xooga Dalka oo Gacanta ku dhigay Xubno ka tirsan Kooxda AS
Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyey deegaanka Warmaxan ee Gobolka Shabeellaha Hoose kaas oo lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaadka Khawaarijta ee ku lug lahaa dhaqdhaqaaqyada maaliyadeed iyo amni darrada.
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Arbaco ,23 Sep 2026 {HMC} Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyey deegaanka Warmaxan ee Gobolka Shabeellaha Hoose kaas oo lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaadka Khawaarijta ee ku lug lahaa dhaqdhaqaaqyada maaliyadeed iyo amni darrada.
Intii uu howlgalka socday ciidamada Danab waxay burburiyeen laba xarumood oo loo adeegsan jiray ururinta canshuuraha sharci-darrada ah waxayna gacanta ku dhigeen 3 xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta.
Ciidamada Kumaandooska Danab waxay sii wadi doonaan howlgallada qorshaysan ee lagu xaqiijinayo amniga iyo ilaalinta shacabka Soomaaliyeed.
Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Hiiraanweyn
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · dalka · dhigay · war