Wararkii ugu dambeeyey dagaalka ka qarxay Itoobiya oo gaaray saddex gobool
Addis Ababa (Caasimada Online) — Dagaal culus ayaa dib uga qarxay waqooyiga Itoobiya, iyadoo ciidamada Tigray ay la wareegeen garoomo diyaaradeed oo muhiim ah, isla markaana ay dagaallo la galeen ciidamada dowladda federaalka ee gobollada deriska la ah Tigray.
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Addis Ababa (Caasimada Online) — Dagaal culus ayaa dib uga qarxay waqooyiga Itoobiya, iyadoo ciidamada Tigray ay la wareegeen garoomo diyaaradeed oo muhiim ah, isla markaana ay dagaallo la galeen ciidamada dowladda federaalka ee gobollada deriska la ah Tigray.
Dagaalladan ayaa si weyn u kordhiyay cabsida laga qabo in Itoobiya ay dib ugu laabato colaad baaxad leh, afar sano kadib heshiiskii nabadeed ee soo afjaray dagaalkii dhiigga badan ku daatay ee dowladda federaalka iyo Tigray.
Ilo kala duwan ayaa wakaaladda wararka AFP u sheegay in ciidamada Tigray People’s Liberation Front (TPLF) ay weerarro ka fuliyeen gobolka Afar, halkaas oo ay dagaallo kula galeen ciidamada dowladda Itoobiya.
Maamulka gobolka Afar ayaa xaqiijiyay in weerar lagu qaaday magaalada Abala oo ku taalla dhulka buuraleyda ah ee xadka Tigray, halka shaqaale samafal ay sheegeen in dagaallo sidoo kale ka dhaceen Erebti, oo qiyaastii 100 kiiloomitir gudaha Afar u jirta Abala.
Mid ka mid ah shaqaalaha samafalka ayaa sheegay in laga cabsi qabo in dagaalku ku sii fido deegaanno kale, islamarkaana gargaar cunto ah loo diray dad hor leh oo colaadda awgeed barakacay.
Ilo dhinaca ammaanka ah oo ajaanib ah ayaa AFP u sheegay in ciidamada Tigray ay la wareegeen Abala. Sarkaal hore oo sare oo ka tirsanaa TPLF ayaa isna sheegay in xoogagga Tigray ay gacanta ku dhigeen dhowr magaalo oo kale oo Afar ku yaalla, inkastoo sheegashadaas aan si madax-bannaan loo xaqiijin.
Sarkaalkaasi wuxuu sheegay in ciidamada federaalka ay si degdeg ah uga baxayaan qaar ka mid ah goobaha uu dagaalku ka socdo.
Dagaalka oo fiday
Dagaalka ayaa sidoo kale gaaray dhinaca gobolka Amxaarada. Hay’adda ACLED oo la socota colaadaha caalamka ayaa sheegtay in ciidamada Tigray ay weerareen fariisimo ku yaalla gobolkaas, iyagoo meelo ka mid ah dagaalka kala shaqeynaya xoogagga Fano.
TPLF iyo Fano, oo dhinacyo iska soo horjeeday dagaalkii hore ee Tigray, ayaa hadda ka mid ah isbahaysi cusub oo ay sameysteen toddoba urur oo hubeysan oo ka kala socda qaybo kala duwan oo Itoobiya ah.
ACLED ayaa sheegtay in iskaashiga cusub iyo dagaallada ka socda dhowr jiho ay abuuri karaan walaac ah in kooxaha kale ee isbahaysiga ku jira ay iyaguna dhaqdhaqaaqyo ka bilaabaan gobollada ay ka howlgalaan.
Dhanka kale, dowladda federaalka Itoobiya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin dagaalladii ugu dambeeyay.
Maamulka Tigray ayaa sheegay in howlgallada ciidamadiisu ay jawaab u yihiin duqeymo xooggan oo uu sheegay in ciidamada federaalka ay Talaadadii ku qaadeen Tigray, iyagoo adeegsanaya diyaarado, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo madaafiic.
AFP ma aysan awoodin inay si madax-bannaan u xaqiijiso sheegashada duqeymahaas.
“Waa bilowga dagaalka,” ayuu madaxweyne ku-xigeenka TPLF Amanuel Assefa u sheegay AFP.
Wuxuu sheegay in ciidamada dowladda ay Tigray ka soo weerareen dhinacyada koonfurta iyo bariga, taasna ay keentay in ciidamada Tigray lagu amro inay iska difaacaan.
“Ma arko hadda suurta-galnimada in xiisadda la dejiyo,” ayuu yiri.
Ciidamada Tigray ayaa sidoo kale la wareegay garoomada diyaaradaha ee magaalooyinka Mekelle, Shire iyo Axum, sida ay sheegeen saraakiisha TPLF.
Shaqaale ka tirsan garoonka Alula Aba Nega ee Mekelle ayaa AFP u sheegay in isaga iyo shaqaale kale loo sheegay inay guryahooda ku laabtaan kadib markii la ogaaday in ciidamada Tigray ay qabsadeen garoonka.
Shirkadda Ethiopian Airlines ayaa hakisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay Mekelle, Shire iyo Axum, iyadoo xaaladda ammaanka ee waqooyiga dalka ay sii xumaaneyso.
Baaqa Midowga Afrika
Midowga Afrika ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo sii xumaanshaha xaaladda, lana ilaaliyo heshiiskii nabadda ee Pretoria ee sanadkii 2022 soo afjaray dagaalkii hore.
Dagaalka cusub ayaa yimid maalmo kadib markii TPLF iyo lix urur oo kale ay ku dhawaaqeen isbahaysi cusub oo ka dhan ah dowladda federaalka ee Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed.
Itoobiya ayaa durba wajahaysa kacdoonno iyo dagaallo ka socda gobollo kala duwan, gaar ahaan Amxaarada iyo Oromia, halka xiriirka dowladda federaalka iyo Tigray uu bilihii ugu dambeeyay si joogto ah u sii xumaanayay.
TPLF ayaa Itoobiya xukumaysay intii u dhaxeysay 1991 iyo 2018, balse awoodda siyaasadeed ka lumisay markii Abiy Ahmed uu noqday ra’iisul wasaare.
Khilaafkii labada dhinac ayaa November 2020 isu beddelay dagaal weyn oo socday laba sano. Qiyaasaha Midowga Afrika ayaa sheegaya in ilaa 600,000 oo qof ay ku dhinteen colaaddaas.
Heshiiskii Pretoria ee November 2022 ayaa joojiyay dagaalka, balse qodobo badan oo heshiiska ka mid ah ayaan weli si buuxda loo fulin.
Xiisadda ayaa mar kale xoogeysatay dhammaadkii 2025 iyo sanadkan 2026, iyadoo dagaallo goos-goos ah, duqeymo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah iyo ciidamo la geeyay xuduudaha Tigray ay sare u qaadeen cabsida laga qabo dagaal kale.
Tigray weli kama soo kaban dagaalkii hore. Qiyaastii hal milyan oo qof ayaa weli barakac ah, halka hay’adaha xuquuqda aadanaha ay sidoo kale TPLF ku eedeeyeen inay sanadkan sameysay qorista dad lagu khasbayo inay ku biiraan ciidamadeeda.
Dagaallada hadda ka socda Afar, Amxaarada iyo hareeraha Tigray ayaa sidaas darteed noqonaya tijaabadii ugu weynayd ee soo wajahda heshiiskii Pretoria tan iyo markii la saxiixay afar sano ka hor.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · itoobiya · qarxay · dagaalka
Sii akhri
- Dagaallo u dhexeeya ciidamada Itoobiya iyo xoogagga Tigray oo ka dhacay gobolka Canfarta
Goobjoog Somali
- TPLF la wareegtay garoonka diyaaradaha ee Mekelle iyo duulimaadyadii oo hakad galay
Goobjoog Somali
- ONLF Oo Xaqiijisay Ku Biirista Isbahaysiga Itoobiya, Diiddayna Bayaan Ka Soo Horjeeday
Goobjoog Somali