Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Wasaaradda Gaashaandhigga oo war kasoo saartay duqaymo laga fuliyay Shabeellaha Dhexe
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa maalmihii la soo dhaafay fuliyay duqeymo is xigxigay oo lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanayay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalladan dhanka cirka ayaa ka dhacay deegaannada Gayfo, Ruun Idiris iyo Cali Gaduud, oo Khawaarijtu ka sameysatay xarumo abaabul, g
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa duqeymo ka fuliyay gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaadka Al-Shabaab, iyadoo lagu dilay ku dhowaad 30 dhagarqabe.
Maxaa la shaaciyey
- Duqeyntii ugu horreysay ayaa dhacday 24-kii bishan, iyadoo lagu beegsaday xarun abaabul oo Khawaarijtu ku lahayd deegaanka Gayfo.
- Saddex duqeyn oo is xigxigay ayaa la fuliyay 25-kii bishan, kuwaas oo lagu burburiyay xarun tababar oo ku taallay Ruun Idiris.
- Duqeyn kale ayaa lagu bartilmaameedsaday Cali Gaduud, halkaas oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad hubeysan.
“Duqeymahan ayaa lagu dilay ku dhowaad 30 dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab.”
Sababta ay muhiim u tahay: Warbixintani waxay muujineysaa dadaallada dowladda Soomaaliya ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo saameynta ay ku leeyihiin amniga dalka.

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa maalmihii la soo dhaafay fuliyay duqeymo is xigxigay oo lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanayay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.
Howlgalladan dhanka cirka ayaa ka dhacay deegaannada Gayfo, Ruun Idiris iyo Cali Gaduud, oo Khawaarijtu ka sameysatay xarumo abaabul, goobo tababar iyo meelo ay ku kaydsanayeen hub, rasaas iyo saanad ciidan.
Duqeyntii ugu horreysay, oo dhacday 24-kii bishan, ayaa lagu bartilmaameedsaday xarun abaabul oo Khawaarijtu ku lahayd deegaanka Gayfo, halkaas oo lagu beegsaday maleeshiyaadkii ku sugnaa goobta iyo hubkii ay halkaas ku kaydsanaayeen.
25-kii bishan ayaa sidoo kale la fuliyay saddex duqeyn oo is xigxigay, kuwaas oo lagu burburiyay xarun tababar oo Khawaarijtu ku lahayd deegaanka Ruun Idiris. Isla maalintaasna waxaa duqeyn kale lagu bartilmaameedsaday deegaanka Cali Gaduud, halkaas oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad hubeysan oo Khawaarijtu u diyaarisay fulinta falal argagixisanimo.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Somali National TV
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.