Wasiir Fiqi oo dood cajiib ah ka keenay xadgudubka indho la’aanta ee Imaaraadka
Waxa dhacay
Hal il · Caasimada Online
Wasiir Fiqi wuxuu dhaleeceeyay heshiisyada ay Imaaraadka Carabta la galaan qaar ka mid ah maamul-goboleedyada Soomaaliya, isagoo ku dooday in heshiisyadani ay ka hor imaanayaan mabda’a nidaamka federaalka.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Soo-jeedinFariinta uu wasiirku gudbiyay waxay sidoo kale ku saabsanayd dib-u-habeyn federaalka, isagoo ku baaqay in dib loogu noqdo nidaamka si loo hubiyo inuu si dhab ah u fulinayo ujeeddooyinkii loo aas-aasay.
- Fiqi ayaa tan u daliishaday in heshiisyada Imaaraadka Carabta uu la galo qaar kamid ah maamul-goboleedyada Soomaaliya ay ka hor imaanayaan mabda’a nidaamka federaalka, maadaama awoodda heshiisyada caalamiga ah ay leedahay dowladda federaalka, sidaas darteed ahna ay tahay xadgudub.
- “Maxay Soomaaliya uga duwan tahay?
- Doodda wasiirka ayaa salka ku haysay awoodaha dastuuriga ah, iyadoo uu sheegay in dastuurka Soomaaliya uu qeexayo xiriirka iyo awoodaha dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada.
- Sababta ay muhiim u tahay
- Maqaalku wuxuu muujinayaa khilaafaadka socda ee ku saabsan qaab-dhismeedka federaalka Soomaaliya iyo saameynta ka imaan karta ka qaybgalka shisheeye ee maamulka goboleedyada.
- Waxa weli aan caddayn
- Heshiisyada gaarka ah ee u dhexeeya Imaaraadka iyo maamul-goboleedyada maxay yihiin?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Wasiir Fiqi wuxuu dhaleeceeyay heshiisyada ay Imaaraadka Carabta la galaan qaar ka mid ah maamul-goboleedyada Soomaaliya.
- Fiqi wuxuu sheegay in dowlad shisheeye aysan heshiis milatari ula geli karin maamul-goboleed ka tirsan dalkaas, iyadoo aan oggolaansho laga helin dowladda dhexe.
- Wuxuu sheegay in aan dekedahaas loo arki karin hanti u gaar ah maamul gaar ah, maadaama ay yihiin kaabayaal qaran.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ee haatan xilka kasii degaya, Axmed Macallin Fiqi ayaa si adag uga hadlay heshiisyada ay Imaaraadka Carabta la galaan qaar ka mid ah maamul-goboleedyada, isaga oo tusaale u soo qaatay nidaamka federaalka Imaaraadka iyo sida dowlad shisheeye aysan heshiis milatari ula geli karin maamul-goboleed ka tirsan dalkaas, iyadoo aan oggolaansho laga helin dowladda dhexe ee Abu Dhabi.
Fiqi ayaa tan u daliishaday in heshiisyada Imaaraadka Carabta uu la galo qaar kamid ah maamul-goboleedyada Soomaaliya ay ka hor imaanayaan mabda’a nidaamka federaalka, maadaama awoodda heshiisyada caalamiga ah ay leedahay dowladda federaalka, sidaas darteed ahna ay tahay xadgudub.
“Maxay Soomaaliya uga duwan tahay? Dowlad shisheeye heshiis milatari lama geli karto Ajman ama Fujairah iyadoo aan oggolaansho laga helin dowladda federaalka ee xarunteedu tahay Abu Dhabi,” ayuu yiri Fiqi.
Doodda wasiirka ayaa salka ku haysay awoodaha dastuuriga ah, iyadoo uu sheegay in dastuurka Soomaaliya uu qeexayo xiriirka iyo awoodaha dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada. Sida uu xusay, maamul-goboleedyadu waxay u xilsaaran yihiin adeegyada bulshada, balse aysan ahayn hay’ado si madax-bannaan u geli kara heshiisyo caalami ah.
Dhanka kale, Fiqi wuxuu soo hadal qaaday dekedaha waaweyn ee Soomaaliya, isagoo ku dooday in dekedaha ay dhistay dowladda Soomaaliya, laguna maalgeliyay canshuurta shacabka ay yihiin hanti qaran oo ay wada leeyihiin shacabka Soomaaliyeed.
Wuxuu sheegay in aan dekedahaas loo arki karin hanti u gaar ah maamul gaar ah, maadaama ay yihiin kaabayaal qaran oo laga hirgeliyay dhaqaalaha iyo canshuuraha shacabka Soomaaliyeed.
Fariinta uu wasiirku gudbiyay waxay sidoo kale ku saabsanayd dib-u-habeyn federaalka, isagoo ku baaqay in dib loogu noqdo nidaamka si loo hubiyo inuu si dhab ah u fulinayo ujeeddooyinkii loo aas-aasay.
Ujeeddooyinkaas ayuu ku sheegay horumarinta waxbarashada, caafimaadka, waddooyinka iyo adeegyada kale ee bulshada, kuwaas oo uu sheegay inay muhiim u yihiin nidaam federaal oo si hufan u shaqeeya.
Hadallada wasiir Fiqi ayaa kusoo beegmaya xilli uu Soomaaliya ka jiro muran siyaasadeed oo xooggan oo ku saabsan awoodaha dowladda federaalka, xiriirka maamul-goboleedyada iyo dalalka shisheeye iyo sidoo kale maamulka kheyraadka istiraatiijiga ah ee dalka.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Wasiir Fiqi wuxuu dhaleeceeyay heshiisyada ay Imaaraadka Carabta la galaan qaar ka mid ah maamul-goboleedyada Soomaaliya, isagoo ku dooday in heshiisyadani ay ka hor imaanayaan mabda’a nidaamka federaalka.
Qodobada muhiimka ah
- Wasiir Fiqi wuxuu dhaleeceeyay heshiisyada ay Imaaraadka Carabta la galaan qaar ka mid ah maamul-goboleedyada Soomaaliya.
- Fiqi wuxuu sheegay in dowlad shisheeye aysan heshiis milatari ula geli karin maamul-goboleed ka tirsan dalkaas, iyadoo aan oggolaansho laga helin dowladda dhexe.
- Wuxuu sheegay in aan dekedahaas loo arki karin hanti u gaar ah maamul gaar ah, maadaama ay yihiin kaabayaal qaran.
- Wuxuu ku baaqay in dib loogu noqdo nidaamka si loo hubiyo inuu si dhab ah u fulinayo ujeeddooyinkii loo aas-aasay.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha Imaaraadka ama maamul-goboleedyada la xusay.
- Eedeymaha Wasiir Fiqi ma ahan kuwo madax-bannaan oo la xaqiijiyay.
- Maqaalku ma bixinayo faahfaahin ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee ku xeeran heshiisyadan.
Gunaanadka akhristaha
Hadallada Wasiir Fiqi waxay muujinayaan walaacyo muhiim ah oo ku saabsan xasiloonida nidaamka federaalka Soomaaliya.
Waxa weli aan caddayn
- Heshiisyada gaarka ah ee u dhexeeya Imaaraadka iyo maamul-goboleedyada maxay yihiin?
- Sidee ayey heshiisyadani u saameynayaan qaab-dhismeedka federaalka Soomaaliya?
- Maxay noqon doonaan tallaabooyinka dowladda federaalka ee ka dhanka ah heshiisyadan?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku wuxuu muujinayaa khilaafaadka socda ee ku saabsan qaab-dhismeedka federaalka Soomaaliya iyo saameynta ka imaan karta ka qaybgalka shisheeye ee maamulka goboleedyada.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · imaaraadka · fiqi · wasiir