Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee Dalka Aljeeriya
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cali Yuusuf Cali(Xoosh) ayaa xarunta Wasaaradda ee Muqdisho ku qaabilay Safiirka cusub ee dalka Aljeeriya u qaabilsan Soomaaliya mudane Maxamed Caalim. Kulanka oo ay Wasiirku ku wehliyeen Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta mudane Cabdulxakiim Xasan Ashkir iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musii
Waxa muhiimka ah
- Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee Dalka Aljeeriya
- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cali Yuusuf Cali(Xoosh) ayaa xarunta Wasaaradda ee Muqdisho ku qaabilay Safiirka cusub ee dalka Aljeeriya u qaabilsan Soomaaliya mudane Maxamed Caalim. Kulanka oo ay Wasiirku ku wehliyeen Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta mudane Cabdulxakiim Xasan Ashkir iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musii
- Waxaa qoray Somali National TV

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cali Yuusuf Cali(Xoosh) ayaa xarunta Wasaaradda ee Muqdisho ku qaabilay Safiirka cusub ee dalka Aljeeriya u qaabilsan Soomaaliya mudane Maxamed Caalim.
Kulanka oo ay Wasiirku ku wehliyeen Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta mudane Cabdulxakiim Xasan Ashkir iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqeynta labada dhinac, adkeynta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya iyo dabagalka dhinacyada iskaashiga ee lagu heshiiyey bishii May ee sanadkan intii uu Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Mudane Cali Xoosh booqashada ku joogay Aljeeriya sida howlaha; dib-u-heshiisiinta, xasilinta, amniga, dowladaha hoose, dhismaha iyo tayeynta hay’adaha, adkeysiga, diiwaangelinta madaniga ah iyo aqoonsiga qaranka.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo horumarin lahaa iskaashi hay’adeed ee wax-ku-ool ah iyo is-weydaarsiga farsamo ee u dhexeeya hay’adaha ay khusayso ee Soomaaliya iyo Aljeeriya.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Somali National TV
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.