Topic
Warkasta is tracking arrimaha across 11 reports from 3 sources. Recent coverage touches furay, wasaaradda, and aad, each linked to its original source with side-by-side comparison where outlets differ.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dowladda Soomaaliya, Mudane Abdisalaam Cabdi Cali (Dhaay), ayaa hoggaaminaya wafdiga Dowladda Soomaaliya ee ka qaybgalaya Kalfadhiga 49-aad ee Caadiga ah ee Golaha Fulinta Midowga Afrika, kaas oo halku-dhiggisu yahay“Sugidda Helitaanka Biyaha Joogtada ah.” Inta uu socdo kalfadhigu, Dowladda Soomaaliya waxay muujin doontaa dadaalla

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa maanta ka wada hadlay arrimaha socdaalka labada dal oo muddooyinkii dambe uu ka jiray isfahanwaa… Sii akhri

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga CaalimiganMudane Abdisalam Cali, ayaa gaaray Addis Ababa si uu uga qayb galo Kalfadhiga 49-aad ee Caadiga ah ee Golaha Fulinta Midowga Afrika. Kalfadhigaasi waxaa looga hadli doonaa nabadda gobolka, ammaanka, dib-u-habaynta hay’adaha iyo isku-xirka dhaqaalaha. Wasiirku wuxuu ka helay soo dhawayn diiran ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, taasoo muuj

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somaaliya, Mudane Kamaal Guutaale iyo Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xamza Aadan Haadow, ayaa maanta si wadajir ah u guddoomiyey shir ay isugu yimaadeen Agaasimayaasha Guud ee wasaaradaha XFS, kaas oo ka qabsoomay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda, si loo xoojiyo isku […]

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya, taasi oo qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo hay’adaha dowladda iyo tayeynta adeegyada Shacabka. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoogga saareyso hirgelinta qorsheyaal

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe), ayaa maanta Magaalada Baydhabo ka daahfuray Shirka Madasha Arrimaha Bini’aadannimada ee (CHF). Shirka waxaa soo qaban-qaabiyay Hay’adda SoDMA, waxaana ka qeybgalaya Wasiirrada wasaaradaha Gargaarka Dowlad goboleedyada,wakiillo ka socda beesha caalamka, hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah

Baydhabo – Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta si rasmi ah u furay Madasha Arrimaha Bini’aadannimada Soomaaliya, oo ay ka qeyb galeen Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), wasiirrada gargaarka dowlad-goboleedyada, iyo wakiillo ka socday hay’adaha ka shaqeeya arrimaha bini’aadannimada. Madasha ayaa diiradda l

Muqdisho – Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ayaa walaac iyo murugo xooggan ka muujisay dagaallo iyo falal beegsi ah oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ku dhex maray beelo walaalo ah degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo sababay khasaare naf iyo maalba leh. War-saxaafadeed ay soo saartay wasaaraddu ayay ku […]

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) waxay si dhow ula socotaa, kana muujinaysaa walaac iyo murugo qoto-dheer colaadda iyo beegsiga ka baxsan shareecada Islaamka iyo dhaqanka suubban ee Soomaaliyeed, taasi oo sababtay khasaare naf iyo maalba leh oo labadii maalmood ee u dambeeyey ku dhex maray beelo walaalo ah Degmada Jalalaqsi [̷

MUQDISHO – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan la qaatay U Qaybsanaha Arrimaha Difaaca ee Safaaradda Jamhuuriyadda Carabta ee Masar u fadhiya Soomaaliya, S/Guuto Ahmed Fathi Abdisitar. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada difaaca, tababarrada ciidamada, taageerada howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa si rasmi ah u daah-furay Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya. Wasiirka ayaa khudbad uu ka jeediyay furitaanka madasha ku muujiyay muhiimadda ay maayarradu iyo dowladaha hoose u leeyihiin adeegga bulshada iyo horumarka dalka. Wuxuu sheegay in maayarradu ay si joogto ah ula […]