Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, H.E Dr. Ali Haji Adam, ayaa magaalada Daarusalaam ee dalka Tansaaniya uga qayb galay Shirweynaha 3-aad ee Caalamiga ah ee Istaraatiijiyadda Wax-ka-qabashada Cudurrada Aan Faafin ee Daran ee Afrika (ICPPA 2026), kaas oo ay kasoo qayb galeen Wasiirrada Caafimaadka Afrika, madax ka socotay hay’adaha caalamiga ah,
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, H.E Dr. Ali Haji Adam, ayaa ka qayb galay Shirweynaha 3-aad ee Caalamiga ah ee Istaraatiijiyadda Wax-ka-qabashada Cudurrada Aan Faafin ee Daran ee Afrika oo ka dhacay Daarusalaam, Tansaaniya.
Maxaa la shaaciyey
- Wasiirka ayaa ka qayb-galay dood ku saabsan abaabulka iyo helitaanka kheyraadka lagu taageerayo cudurrada aan faafin.
- Wasiirka ayaa soo bandhigay xaaladda Soomaaliya iyo caqabadaha ka jira.
- Wasiirku waxa uu adkeeyay in dalalka nugul ay u baahan yihiin taageero dheeraad ah si ay ula tacaalaan cudurrada aan faafin.
“dalalka wajahaya xaaladaha nuglaanta iyo bani’aadannimada ay u baahan yihiin taageero dheeraad ah si ay ula tacaalaan kororka cudurrada aan faafin.”
Sababta ay muhiim u tahay: Waa muhiim in akhristayaasha Soomaaliyeed ay ogaadaan sida Soomaaliya loogu baahan yahay taageero caalami ah si loo xoojiyo adeegyada caafimaadka.

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, H.E Dr. Ali Haji Adam, ayaa magaalada Daarusalaam ee dalka Tansaaniya uga qayb galay Shirweynaha 3-aad ee Caalamiga ah ee Istaraatiijiyadda Wax-ka-qabashada Cudurrada Aan Faafin ee Daran ee Afrika (ICPPA 2026), kaas oo ay kasoo qayb galeen Wasiirrada Caafimaadka Afrika, madax ka socotay hay’adaha caalamiga ah, khubaro caafimaad iyo daneeyayaal kale.
Intii uu shirku socday, Wasiirka wasiirka ayaa ka qayb-galay dood looga cinwaankeedu ahaa “Abaabulka iyo Helitaanka Kheyraadka lagu Taageerayo Cudurrada Aan Faafin ee ka jira Dalalka Nugul iyo Goobaha ay Saameeyeen Xaaladaha Bani’aadannimo”, isagoo soo bandhigay xaaladda Soomaaliya, caqabadaha jira iyo muhiimadda ay leedahay in la helo maalgelin waarta iyo iskaashi caalami ah si loo xoojiyo adeegyada la xiriira cudurrada aan faafin.
Wasiirku waxa uu carrabka ku adkeeyay in dalalka wajahaya xaaladaha nuglaanta iyo bani’aadannimada ay u baahan yihiin taageero dheeraad ah si ay ula tacaalaan kororka cudurrada aan faafin, isla markaana loo xaqiijiyo adeegyo caafimaad oo loo siman yahay dhammaan bulshada.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Somali National TV
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.