Wasiirka Gaashaandhigga oo Qaabilay Taliyaha TURKSOM iyo Saraakiil Turki ah
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi saraakiil Turki ah oo uu hoggaaminayay Taliyaha Dugsiga Tababarka Ciidamada ee TURKSOM, S/Gaas Sabahattin Kalkan. Kulanka…
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi saraakiil Turki ah oo uu hoggaaminayay Taliyaha Dugsiga Tababarka Ciidamada ee TURKSOM, S/Gaas Sabahattin Kalkan.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca difaaca iyo tababarka ciidamada, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen arrimo la xiriira horumarinta awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo doorka tababarrada ay bixiso TURKSOM.
Taliyaha TURKSOM iyo wafdiga uu hoggaaminayay ayaa kulanka ku muujiyay muhiimadda sii wadidda iskaashiga Soomaaliya iyo Türkiye, gaar ahaan dhinacyada tababarka, tayeynta iyo kobcinta awoodda ciidamada Soomaaliyeed.
Kulankan ayaa qeyb ka ah xiriirka iskaashi ee Soomaaliya iyo Türkiye ee dhinaca amniga iyo difaaca.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · turki · turksom · qaabilay
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada