Wasiir Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi saraakiil Turki ah oo uu hoggaaminayey Taliyaha Dugsiga Tababarka Ciidamada ee TURKSOM, S/Gaas Sabahattin Kalkan. Wafdiga waxaa ka mid ahaa Captain Dr. Haldun S.
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
isniin 21 Sep 2026 {HMC} Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi saraakiil Turki ah oo uu hoggaaminayey Taliyaha Dugsiga Tababarka Ciidamada ee TURKSOM, S/Gaas Sabahattin Kalkan.
Wafdiga waxaa ka mid ahaa Captain Dr. Haldun S. Çetinarslan, U-qaybsanaha Arrimaha Ciidamada iyo Ciidanka Badda Turkiga, oo soo gabagabeynaya muddadii shaqadiisa Soomaaliya, iyo Kornayl Dr. Mehmet Serhan Yıldız, U-qaybsanaha cusub ee Arrimaha Ciidanka Cirka Turkiga. SomaliCommunity Information
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga difaaca ee Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan tababarka iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Wasiirka ayaa bogaadiyey doorka Dugsiga TURKSOM ee tababarka iyo kor u qaadista xirfadaha ciidamada Soomaaliyeed, isagoo uga mahadceliyey Dowladda Turkiga garab-istaaggeeda joogtada ah ee dadaallada Soomaaliya ee dib-u-dhiska ciidanka iyo xaqiijinta amniga iyo xasilloonida dalka.
Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Hiiraanweyn
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · saraakiil · turkiga · fiqi
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada