Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo qaabilay danjiraha cusub ee Midowga Yurub
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiMuqdisho – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, László Máthé.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub ee dhinacyada difaaca, amniga, tayeynta awoodda ciidamada qalabka sida iyo taageerada dadaallada dowladda ee dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.
- Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub taageerada uu la garab taagan yahay Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada lagu horumarinayo hay’adaha amniga iyo dhismaha awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
- Wasiirka ayaa sidoo kale adkeeyey muhiimadda ay leedahay dardargelinta iskaashiga caalamiga ah ee lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida dalka.
- Dhankiisa, Danjire László Máthé ayaa muujiyey sida ay uga go’an tahay Midowga Yurub xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya, iyo taageeridda dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo horumarka dalka.
Sida ay sheegtay Shabelle Media

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, László Máthé.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub ee dhinacyada difaaca, amniga, tayeynta awoodda ciidamada qalabka sida iyo taageerada dadaallada dowladda ee dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.
Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub taageerada uu la garab taagan yahay Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada lagu horumarinayo hay’adaha amniga iyo dhismaha awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Wasiirka ayaa sidoo kale adkeeyey muhiimadda ay leedahay dardargelinta iskaashiga caalamiga ah ee lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida dalka. Dhankiisa, Danjire László Máthé ayaa muujiyey sida ay uga go’an tahay Midowga Yurub xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya, iyo taageeridda dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo horumarka dalka.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · cusub · yurub · soomaaliya