Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya
Muqdisho, 20 Sebtembar 2026: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Hay’adda Horumarinta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNDP),…
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Muqdisho, 20 Sebtembar 2026: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Hay’adda Horumarinta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNDP), Mudane Christophoros Politis.
Wakiilka UNDP ayaa markii uu yimid xarunta Wasaaradda waxaa soo dhaweeyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale, isagoo sidoo kale booqday xarumaha Warbaahinta Qaranka iyo kaydka taariikhiga ah ee Radio Muqdisho.
Booqashada ayaa lagu soo bandhigay shaqada ka socota xarumaha warbaahinta qaranka iyo dadaallada lagu ilaalinayo dhaxalka taariikhiga ah ee warbaahinta Soomaaliya.
Kulanka Wasiirka iyo Wakiilka UNDP ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta Wasaaradda iyo UNDP, gaar ahaan dhinacyada warbaahinta, xiriirka istiraatiijiga ah, wacyigelinta bulshada, dhaqanka iyo dalxiiska.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay horumarinta awoodda warbaahinta, taageerada wacyigelinta doorashooyinka, ka hortagga wararka been-abuurka ah iyo marin-habaabinta, ka hortagga xagjirnimada rabshadaha wata (PCVE), iyo horumarinta dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya.
Wasiirka ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in wada-hadallada labada dhinac loo beddelo iskaashi farsamo oo la taaban karo, iyadoo la dejinayo mudnaanta, qorshe fulineed iyo hannaan joogto ah oo lagu isku-duwo Wasaaradda iyo UNDP.
Labada dhinac ayaa isku raacay in la sii wado wada-hadallada farsamo, si fursadaha iskaashi ee la isla gartay loogu beddelo barnaamijyo iyo hawlo wax ku ool ah.
Kulanka waxaa dhinaca Wasaaradda ka qeyb galay Agaasimaha Guud Cabdullaahi Xayir Ducaale, Agaasimaha Waaxda Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Cabdishakuur Cali Axmed iyo Agaasimaha SONNA Ismaaciil Mukhtaar Cumar, halka dhinaca UNDP ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan qeybaha xiriirka dowladda, siyaasadda iyo warbaahinta.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · warfaafinta · wasiirka · undp
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada