Xaalad amni-darro oo kasoo korortay Jowhar iyo taliska booliska oo…
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiTaliska Booliska HirShabelle ayaa sheegay in xaalad amni-darro ay ka jirto Jowhar oo ay sabab u yihiin kooxo loo yaqaanno 'ciyaal weerada', waxaana la sheegay tallaabooyin adag oo ka dhan ah kooxahan.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Sarreeye Guuto Xasan Dhicisow Xasan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay saldhigga booliska Jowhar ayaa sheegay in kooxahan ay si weyn ugu bateen waddooyinka magaalada, isla markaana ay dhibaato ku hayaan shacabka, ciidamada iyo dadka isticmaala gaadiidka.
- “Shirka jaraa’id wuxuu ku saabsan yahay ciyaal weerada.Magaalada Jowhar waxaa ku soo batay ciyaal weero.
- Sida uu sheegay Taliyaha, kooxahan ayaa dhagxaan ku tuura dadka ay waddooyinka maraya, iyadoo uusan jirin kala-sooc u dhexeeya dadka waayeelka ah iyo carruurta.
- Xasan Dhicisow ayaa sheegay in xaaladda kooxahan ay ka gudubtay magaca “ciyaal weero”, isla markaana ay hadda isu beddeleen waxa uu ku tilmaamay “ciyaal burcad”, taas oo uu sheegay inay muujinayso heerka ay gaareen falalka ay geysanayaan.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee boolisku qaadi doonaan ka dhan ah kooxahan?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Taliska Booliska HirShabelle ayaa ku dhawaaqay tallaabooyin adag oo ka dhan ah kooxaha loo yaqaanno 'ciyaal weerada' ee ku sugan Jowhar.
- Taliyaha booliska ayaa sheegay in kooxahan ay si weyn ugu bateen waddooyinka magaalada, isla markaana ay dhibaato ku hayaan shacabka.
- Taliyaha booliska ayaa diray digniin uu ku sheegay inay tahay mid kama dambeys ah, taas oo waalidiinta carruurtooda lagu eedeeyo inay ku jiraan kooxahan.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Jowhar (Caasimada Online) – Taliska Booliska HirShabelle ayaa ku dhawaaqay tallaabooyin adag oo ka dhan ah kooxaha loo yaqaanno ciyaal weerada ee ku sugan magaalada Jowhar, iyadoo taliska uu sheegay in falalkooda ay gaareen heer amni-darro ku abuuray shacabka iyo dadka isticmaala gaadiidka.
Sarreeye Guuto Xasan Dhicisow Xasan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay saldhigga booliska Jowhar ayaa sheegay in kooxahan ay si weyn ugu bateen waddooyinka magaalada, isla markaana ay dhibaato ku hayaan shacabka, ciidamada iyo dadka isticmaala gaadiidka.
“Shirka jaraa’id wuxuu ku saabsan yahay ciyaal weerada.Magaalada Jowhar waxaa ku soo batay ciyaal weero. Ciyaal weeradaas oo loo maara la’ yahay magaaladii,” ayuu yiri Taliyaha Booliska HirShabelle.
Sida uu sheegay Taliyaha, kooxahan ayaa dhagxaan ku tuura dadka ay waddooyinka maraya, iyadoo uusan jirin kala-sooc u dhexeeya dadka waayeelka ah iyo carruurta. Waxa uu sidoo kale sheegay inay mararka qaar istaagaan waddooyinka, caqabadna ku noqdaan ciidamada iyo gaadiidka, isla markaana ay isku dayaan inay xoog lacago uga qaataan dadka iyo gaadiidka.
Xasan Dhicisow ayaa sheegay in xaaladda kooxahan ay ka gudubtay magaca “ciyaal weero”, isla markaana ay hadda isu beddeleen waxa uu ku tilmaamay “ciyaal burcad”, taas oo uu sheegay inay muujinayso heerka ay gaareen falalka ay geysanayaan.
Taliska Booliska HirShabelle ayaa sheegay inuu go’aan ka qaatay arrintan, isagoo xusay in ciidamada ammaanka la siiyay awood buuxda oo ay kula tacaalaan kooxahaas.
“Cadawga Al-Shabaab sidaan ula dagaallanno, sidaas ayaa maanta laga bilaabo ula dagaallamaynaa ciyaal weero,” ayuu yiri taliyaha oo sheegay in dadka lagu helo falalkaasi ay wajihi doonaan tallaabooyin sharci ah oo ay kamid yihiin xarig iyo maxkamadeyn, isagoo sidoo kale sheegay in ciidamada ay qaadi doonaan tallaabooyin kale oo amni.
Sidoo kale, Taliyaha booliska ayaa diray digniin uu ku sheegay inay tahay mid kama dambeys ah, taas oo waalidiinta carruurtooda lagu eedeeyo inay ku jiraan kooxahaas ku faray inay si degdeg ah gacanta ugu dhigaan oo ay ka joojiyaan falalka amni-darrada ah.
“Waalidkii dhalay ilmahaas, ilmihiinna gacanta ka qabsada. Waxaan idin leeyahay ilmihiinna gacanta ka qabsada,” ayuu yiri Xasan Dhicisow oo ugu baaqay hooyooyinka iyo aabbayaasha inay carruurtooda gacanta ku hayaan, kana reebaan falalka uu sheegay inay khatar ku yihiin amniga magaalada Jowhar.
Waxa uu intaas ku daray in ciidamada ammaanku ay garanayaan qaar kamid ah dhallinyarada uu sheegay inay ku dhuumaleysanayaan goobo ku yaalla magaalada Jowhar, isagoo waalidiinta uga digay inay carruurtooda u oggolaadaan inay sii wadaan falalka lagu eedeeyay.
“Maanta kadibna waalidka iiguma iman karo ciyaalkaas. Kii far-dheer ka soo naqda annagaa tallaabo ka qaadeyna,” ayuu yiri Taliyaha, oo xitaa rabshadaha ciyaal-weerada gaaraiiyay inay xiriir la yeelan karto kooxda argagixisada Al-Shabaab.
“Waxaan dareemeynaa in la soo adeegsaday. Al-Shabaab inay xiriir lala leedahay oo meeshaas laga soo adeegsadaan dareemeynaa ciyaal weerada,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Wuxuu sheegay in qaar kamid ah falalka kooxahan lagu eedeeyay ay u muuqdaan kuwo la mid ah falal ay horey u sameyn jireen Al-Shabaab, inkastoo hadalkaas uu taliyaha ku saleeyay tuhun uu sheegay inuu jiro.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Taliska Booliska HirShabelle ayaa sheegay in xaalad amni-darro ay ka jirto Jowhar oo ay sabab u yihiin kooxo loo yaqaanno 'ciyaal weerada', waxaana la sheegay tallaabooyin adag oo ka dhan ah kooxahan.
Qodobada muhiimka ah
- Taliska Booliska HirShabelle ayaa ku dhawaaqay tallaabooyin adag oo ka dhan ah kooxaha loo yaqaanno 'ciyaal weerada' ee ku sugan Jowhar.
- Taliyaha booliska ayaa sheegay in kooxahan ay si weyn ugu bateen waddooyinka magaalada, isla markaana ay dhibaato ku hayaan shacabka.
- Taliyaha booliska ayaa diray digniin uu ku sheegay inay tahay mid kama dambeys ah, taas oo waalidiinta carruurtooda lagu eedeeyo inay ku jiraan kooxahan.
- Taliyaha ayaa sheegay in rabshadaha ciyaal-weerada gaaraiiyay inay xiriir la yeelan karto kooxda argagixisada Al-Shabaab.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha kooxaha la eedeeyay.
- Eedeymaha ku saabsan xiriirka Al-Shabaab waxay ku saleysan yihiin hadalka taliyaha booliska iyada oo aan la xaqiijin madax-bannaan.
- Ma jiraan xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan kororka amni-darrada la sheegay.
Gunaanadka akhristaha
Booliska Jowhar ayaa qaadaya tallaabooyin ka dhan ah kooxo dhalinyaro ah oo amni-darro abuuraya, laakiin xaaladdu waxay weli tahay mid adag oo aan la xaqiijin.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee boolisku qaadi doonaan ka dhan ah kooxahan?
- Immisa dhacdo ayaa la soo sheegay oo ku saabsan ciyaal weerada?
- Waa maxay cadeymaha taageeraya sheegashada xiriirka Al-Shabaab?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · amni · booliska · jowhar
Sii akhri
- Guddoomiyaha Doolow oo Kormeeray Ciidamada Amniga Degmada
Shabelle Media
- NISA oo sheegtay in Jilib lagu dilay horjooge Sare
Goobjoog Somali
- Khilaafka Madaxda Waqooyi Bari oo sii Xoogeysanaya
Goobjoog Somali