Xafiiska Hantidhowrka Guud oo adkeeyay muhiimadda madaxbannaanida hay’adda
Muqdisho, Soomaaliya — Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dhowrista madaxbannaanida Hay’adda Hantidhowrka Guud ay tahay mid ka mid ah mabaadi’da dastuuriga ah ee ay waajib…
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Muqdisho, Soomaaliya — Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dhowrista madaxbannaanida Hay’adda Hantidhowrka Guud ay tahay mid ka mid ah mabaadi’da dastuuriga ah ee ay waajib tahay in dhammaan hay’adaha dowladda ay ilaaliyaan.
Xafiiska ayaa xusay in madaxbannaanida Hantidhowrka Guud ay muhiim u tahay in Xafiisku si madax-bannaan ugu guto waajibaadkiisa dastuuriga ah, isla markaana uu si hufan u fuliyo shaqooyinka loo igmaday.
Sida lagu sheegay qoraalka Xafiiska, waajibaadka iyo shaqooyinka Hantidhowrka Guud waxaa faahfaahinaya Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud, Sharci Lr. 17 ee 2019, iyo Sharciga Hantidhowrka Guud, Sharci Lr. 14 ee 2023.
Xafiiska Hantidhowrka Guud ayaa ah hay’adda ugu sarreysa ee u xilsaaran hantidhowrista, diiwaangelinta iyo ilaalinta hantida guud iyo macaamilada maaliyadeed ee dowladda. Sidoo kale, wuxuu door ku leeyahay hubinta fulinta maareynta kheyradka guud iyo dhowrista shuruucda maaliyadda iyo miisaaniyadda dowladda.
Qoraalka ayaa sidoo kale tilmaamaya in, sida ku cad Qodobka 63aad (2) ee Xeer-nidaamiyaha Sharciga Nidaamka Xukuumadda, Xeer Lr. 174 ee 15/02/2025, guddiyada iyo xafiisyada madax-bannaan ee dastuuriga ah loo nidaamiyo si waafaqsan mabaadi’da dastuuriga ah iyo qodobbo kale oo khuseeya.
Xafiiska ayaa intaas ku daray in Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda uu si buuxda u dhowro madax-bannaanida dastuuriga ah ee Xafiiska Hantidhowrka Guud, isla markaana tallaabo kasta oo kasta oo ku saabsan magacaabista, ka qaadista ama go’aannada kale ee shaqaalaha Xafiiska loo maro habraacyada dastuurka iyo shuruucda dalka.
Xafiiska Hantidhowrka Guud wuxuu carrabka ku adkeeyay in ilaalinta madaxbannaanidiisu ay muhiim u tahay gudashada waajibaadkiisa ku aaddan la xisaabtanka, daahfurnaanta iyo ilaalinta hantida guud.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · guud · xafiiska · madaxbannaanida
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada