Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay furitaanka Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay
NEW YORK — 22 Sebtembar 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qayb galay furitaanka Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, oo ka socota…
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
NEW YORK — 22 Sebtembar 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qayb galay furitaanka Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, oo ka socota xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York, Mareykanka.
Madaxweynaha ayaa madasha Golaha Guud kaga hadlaya horumarka Soomaaliya ay ka samaysay dhinacyada dowlad-dhiska, dimuqraadiyeynta, amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo bandhigaya mudnaanta Soomaaliya iyo dadaallada dowladda ee lagu xoojinayo nabadda, amniga iyo iskaashiga caalamiga ah.
Ka qaybgalka Madaxweynaha ee kulanka ayaa qayb ka ah howlaha Soomaaliya ee shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, iyadoo madaxda dalalka adduunku ay magaalada New York kaga arrinsanayaan arrimo ay ka mid yihiin nabadda, amniga, horumarka iyo iskaashiga caalamiga ah.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · guud · qayb · qaramada
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada