Xagee ka dhacay howlgalka ay Puntland ku furatay markabka SIBU 1?
Howlgalka Puntland ku furatay markabka Seamull/SIBU 1 oo ay haysatay koox Burcad-badeedda ah ayaa ka dhacay deegaanka Galhagoog oo hoostaga… Sii akhri

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Howlgalka Puntland ku furatay markabka Seamull/SIBU 1 oo ay haysatay koox Burcad-badeedda ah ayaa ka dhacay deegaanka Galhagoog oo hoostaga degmada Hobyo oo ka tirsan maamulka Galmudug.
Markabka SIBU 1 iyo maraakiib kale oo ay haystaan kooxo Burcadbadeed ah oo ka cararay xeebah Puntland ayaa maalin ka hor gaaray xeebaha Galmudug, waxaana ku raad joogay ciidamada badda Puntland ee PMPF.
Puntland ayaa qorsheynaysa in ay xoog ku furato maraakiibta kale ee weli ku jira gacanta Burcad-badeedda, kuwaas oo hadda ku sugan xeebaha Galmudug.
Puntland waxay dhawaan shaacisay in ay bilaabayso howlgallo ka dhan ah kooxaha Burcad-badeedda, iyada oo howlgelisay ciidamada PMPF oo wata doonyo casri ah.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Puntland Post
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · dhacay · furatay · howlgalka
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada