Puntland oo faahfaahin ka bixisay howlgalka ay ku furatay markabka SIBU 1
Puntland ayaa shaacisay in mid ka mid ah kooxdii Burcad-badeedda ee haystay markabka SIBU 1, la dilay afar kalana la dhaawacay,… Sii akhri

Waxa muhiimka ah
- Puntland waxay sheegtay in howlgalka ay ku fulisay xeebaha gobolka Mudug.
- Ciidamada badda Puntland ee PMPF ayaa howlgalka ka dhigay ka dhan ah Burcad-badeedda.
- Markabka SIBU 1 ayaa la afduubtay 21-kii Agoosto ee sanadkan.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Puntland ayaa shaacisay in mid ka mid ah kooxdii Burcad-badeedda ee haystay markabka SIBU 1, la dilay afar kalana la dhaawacay, islamarkaana la qabtay 15 xubnood.
Sidoo kale Puntland waxay sheegtay in dhankeeda uu ka dhaawacmay hal askari, iyada oo aan xusin in shaqaalihii markabka saarnaa ay nabad qabaan iyo in khasaare gaaray.
Howlgalka oo ka dhacay xeebaha gobolka Mudug waxaa fuliyay ciidamada badda Puntland ee PMPF, kuwaas oo maalmihii u dambeeyay waday howlgal ka dhan ah Burcad-badeedda.
Markabka SIBU 1 oo ah kuwa shidaalka qaada waxaa 21 bishii la soo dhaafay ee Agoosto laga soo afduubtay xeebaha dalka Yemen, wuxuuna ku gooshayay calanka dalka Eleteriya.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Puntland Post
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · markabka · sibu · puntland
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada