Xamza oo ka sheekeeyay sida uu uga badbaaday qaraxii Zoobe + Sawirro
Waxa dhacay
70 ilbiriqsiXamza Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, ayaa ka sheekeeyay sida uu uga badbaaday qaraxii Zoobe oo dhacay 14-kii Oktoobar 2017, intii lagu guda jiray daah-furka shirweynaha qaran ee ka-hortagga fikirka xagjirka ah.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Xamza ayaa shaaca ka qaaday in maanta oo kale 14-kii Oktoobar 2017, ay kooxda Al-Shabaab dalka ka fulisay muusibadii weynayd ee ay ku dhibaateeyeen kumanyaal shacab ah, halka boqollaalna ay ku dhinteen, taasi oo indhaha bulshada tustay in aysan dhaqanka kooxdu diin islaam shaqo ku lahayn, taas beddelkeeda ay u adegayaa cadowga ummadda Soomaaliyeed.
- Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay inuu kamid ahaa dadkii ka badbaada qaraxaas, isaga oo tilmaamay inuu ku sugnaa gurgiisa oo 200 oo tallaabo u jira isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.
- Waxa uu intaas ku daray in gaarigii qarxay uu soo dhaafay, isla markaana uu si dirqi ah uga badbaaday, isaga oo xusay in gurigii uu xilligaas degganaa uu ku dumay qaraxa.
- “Dadkii Illaahay ka badbaadiyay baan ka mid ahaa, meeshaas markaas baan maray, guri aan degennaa oo 200 tallaabo u jira meesha wax ka dhaceen ayaan tagay, markii uu qaraxa dhacay dhulka ayaan ku dhacay, baabuur ordayana illaahay baa I dhaafiyay, gurigii waa uu dumay, dhammaanteen dadkii ka badbaaday baan nahay,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Sababta ay muhiim u tahay
- Maqaalku wuxuu muujinayaa saameynta sii socota ee qaraxa Zoobe ku leeyahay bulshada Soomaaliyeed iyo dadaallada dowladda ee ka-hortagga xagjirnimada.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee dowladda ay qaadayso si loola dagaallamo xagjirnimada?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa ka badbaaday qaraxii Zoobe oo dhacay 14-kii Oktoobar 2017, kaas oo ku dhintay ugu yaraan 587 qof.
- Xamza ayaa sheegay inuu ku sugnaa gurgiisa oo 200 oo tallaabo u jira isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.
- Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay gacmaha isu qabsadaan sidii loo ciribtiri lahaa kooxaha cadowga ah.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo maanta si rasmi ah u daah-furay Shirweynaha Qaran ee Ka-hortagga iyo La-dagaallanka Fikirka Xagjirka ah ayaa ka sheekeeyay sida uu uga badbaaday qaraxii Zoobe oo dhacay maanta oo kale 9 sano kahor, kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 587 qof, halka boqolaal kale ay ku dhaawacmeen.
Xamza ayaa shaaca ka qaaday in maanta oo kale 14-kii Oktoobar 2017, ay kooxda Al-Shabaab dalka ka fulisay muusibadii weynayd ee ay ku dhibaateeyeen kumanyaal shacab ah, halka boqollaalna ay ku dhinteen, taasi oo indhaha bulshada tustay in aysan dhaqanka kooxdu diin islaam shaqo ku lahayn, taas beddelkeeda ay u adegayaa cadowga ummadda Soomaaliyeed.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay inuu kamid ahaa dadkii ka badbaada qaraxaas, isaga oo tilmaamay inuu ku sugnaa gurgiisa oo 200 oo tallaabo u jira isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.
Waxa uu intaas ku daray in gaarigii qarxay uu soo dhaafay, isla markaana uu si dirqi ah uga badbaaday, isaga oo xusay in gurigii uu xilligaas degganaa uu ku dumay qaraxa.
“Dadkii Illaahay ka badbaadiyay baan ka mid ahaa, meeshaas markaas baan maray, guri aan degennaa oo 200 tallaabo u jira meesha wax ka dhaceen ayaan tagay, markii uu qaraxa dhacay dhulka ayaan ku dhacay, baabuur ordayana illaahay baa I dhaafiyay, gurigii waa uu dumay, dhammaanteen dadkii ka badbaaday baan nahay,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in markii ay xukuumaddiisa la-wareegtay talada dalka ay xoogga saartay in Culimada Soomaaliyeed bulshada u caddeeyaan aragtida gurracan ee Khawaarijta, kadib kulankii isugu yimaadeen ay soo saareem fatwo ay ku xaqiijinayaan in kooxaha argagixisada ah ay ku sifoobeen dhaqankii iyo ficilkii Khawaarijta, isla markaana ay waajib tahay in loola diriro fikir, ahaan awood iyo hab walba oo loo ciribtiri karo.
Waxaa kale oo uu intaas ku daray in dowladda Soomaaliya ay xoogga saartay ciribtirka kooxaha Khawaarijta awood ahaan iyo fikir ahaanba taasi oo sababtay in maanta dadka Soomaaliyeed ay ku baraarugaan in fikirka kooxdaas uu halis ku yahay jiritaankooda ummadnimo iyo dowladnimo.
Ugu dambayn, Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay gacmaha isu qabsadaan sidii loo ciribtiri lahaa kooxaha cadowga ah ee fikirkoodu khaldamay ee meelaha kooban kaga sugan dalkeenna, iyada oo dowladduna ay dagaal xooggan kula jirto sidii looga tir-tiri laha guud ahaanba gayiga Soomaaliyeed.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Xamza Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, ayaa ka sheekeeyay sida uu uga badbaaday qaraxii Zoobe oo dhacay 14-kii Oktoobar 2017, intii lagu guda jiray daah-furka shirweynaha qaran ee ka-hortagga fikirka xagjirka ah.
Qodobada muhiimka ah
- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa ka badbaaday qaraxii Zoobe oo dhacay 14-kii Oktoobar 2017, kaas oo ku dhintay ugu yaraan 587 qof.
- Xamza ayaa sheegay inuu ku sugnaa gurgiisa oo 200 oo tallaabo u jira isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.
- Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay gacmaha isu qabsadaan sidii loo ciribtiri lahaa kooxaha cadowga ah.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan tirada khasaare.
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay hadallada Xamza Cabdi Barre iyada oo aan la helin xaqiijin dibadda ah.
- Lama hayo jawaab ka timid kooxaha xagjirka ah ama dhinacyada kale.
Gunaanadka akhristaha
Sheekada badbaadada Ra’iisul Wasaaraha ayaa muujinaysa culeyska shakhsiyeed ee rabshadaha Soomaaliya iyo baahida loo qabo in si wadajir ah loola dagaallamo xagjirnimada.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee dowladda ay qaadayso si loola dagaallamo xagjirnimada?
- Sidee ayuu bulshada uga jawaabay baaqa Ra’iisul Wasaaraha ee ku aaddan midnimada?
- Maxay yihiin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan cawaaqibka ka dhashay qaraxa Zoobe?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku wuxuu muujinayaa saameynta sii socota ee qaraxa Zoobe ku leeyahay bulshada Soomaaliyeed iyo dadaallada dowladda ee ka-hortagga xagjirnimada.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · sheekeeyay · xamza · badbaaday
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada- Ra’iisul Wasaare Xamse Sheegay inuu Kamid ahaa Dadkii ka Badbaaday Qaraxii Soobe
Goobjoog Somali
- 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚-𝐡𝐨𝐫𝐭𝐚𝐠𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐋𝐚-𝐝𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐅𝐢𝐤𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐗𝐚𝐠𝐣𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐚𝐡
Goobjoog Somali
- Dib u Milicso 9 Sano Ka Hor Qarixii Soobe iyo 14-ka Oktoobar oo Dadka Soomaaliyeed ugu Suntan Maalin Madow
Goobjoog Somali