Xasan Sheekh oo ku wajahan laba dal kadib kulankii Abiy
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiMadaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu toddobaadkan booqashooyin ku tago dalalka Jabuuti iyo Masar, halkaas oo uu kulamo kala duwan kula yeelan doono madaxda labada dal.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Waxa xigaSafarradan ayaa la filayaa in looga hadlo xiriirka Soomaaliya la leedahay labada dal, xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Geeska Afrika, iyo arrimaha ka taagan Badda Cas.
- Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in madaxweynaha uu marka hore tegi doono Jabuuti, kadibna uu u gudbi doono Qaahira.
- Sarkaalku wuxuu sheegay in qorshaha hadda jira uu yahay in Xasan Sheekh uu Arbacada tago Jabuuti, halka Jimcahana uu u safro Masar.
- Hase yeeshee, ilo-wareedyo kale oo xog-ogaal u ah qorshaha safarka ayaa sheegay in labada safarba ay dhici karaan Jimcaha, iyadoo madaxweynuhu marka hore sii mari doono Jabuuti, kadibna uu u gudbi doono Masar.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin natiijooyinka gaarka ah ee laga filayo kulamada Jabuuti iyo Masar?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Safarradan ayaa la filayaa in looga hadlo xiriirka Soomaaliya la leedahay labada dal, xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Geeska Afrika, iyo arrimaha ka taagan Badda Cas.
- Sarkaalku wuxuu sheegay in qorshaha hadda jira uu yahay in Xasan Sheekh uu Arbacada tago Jabuuti, halka Jimcahana uu u safro Masar.
- ilo-wareedyo kale oo xog-ogaal u ah qorshaha safarka ayaa sheegay in labada safarba ay dhici karaan Jimcaha, iyadoo madaxweynuhu marka hore sii mari doono Jabuuti, kadibna uu u gudbi doono Masar.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu toddobaadkan booqashooyin ku tago dalalka Jabuuti iyo Masar, halkaas oo uu kulamo kala duwan kula yeelan doono madaxda labada dal, sida ay ogaatay Caasimada Online.
Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in madaxweynaha uu marka hore tegi doono Jabuuti, kadibna uu u gudbi doono Qaahira.
Sarkaalku wuxuu sheegay in qorshaha hadda jira uu yahay in Xasan Sheekh uu Arbacada tago Jabuuti, halka Jimcahana uu u safro Masar.
Hase yeeshee, ilo-wareedyo kale oo xog-ogaal u ah qorshaha safarka ayaa sheegay in labada safarba ay dhici karaan Jimcaha, iyadoo madaxweynuhu marka hore sii mari doono Jabuuti, kadibna uu u gudbi doono Masar.
Farqiga ku jira xogta ku saabsan maalmaha safarka ayaa muujinaya in jadwalka ugu dambeeya uu weli isbedeli karo.
Safarradan ayaa la filayaa in looga hadlo xiriirka Soomaaliya la leedahay labada dal, xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Geeska Afrika, iyo arrimaha ka taagan Badda Cas.
Waxay kusoo aadayaan maalmo kadib markii Xasan Sheekh uu booqasho hal maalin ah ku tagay Addis Ababa, halkaas oo uu Talaadadii kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.
Caasimada Online ayaa horey u sheegtay in safarka Itoobiya uu yimid kadib codsi uu Abiy Ahmed u diray Xasan Sheekh, isla markaana lagu heshiiyey ka hor shirkii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee toddobaadkii hore ka dhacay New York.
Safarka Jabuuti
Kulamada Xasan Sheekh ee Jabuuti ayaa la filayaa inay diiradda saaraan xiriirka labada dal iyo xaaladda gobolka, gaar ahaan arrimaha amniga ee Geeska Afrika iyo Badda Cas.
Jabuuti waxay ku taallaa meel istaraatiiji ah oo ku dhow marin-biyoodka Bab al-Mandab, kaas oo isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, isla markaana ka mid ah marinnada ganacsi ee ugu muhiimsan dunida.
Dalku sidoo kale wuxuu ka mid yahay saaxiibbada siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya, wuxuuna martigeliyaa xarunta urur goboleedka IGAD.
Arrimaha Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaa sanadihii dambe noqday kuwo sii kordhaya muhiimaddooda, iyadoo dagaallada Sudan iyo Yemen iyo weerarrada lagu qaaday maraakiibta ganacsiga ay sare u qaadeen walaaca amni ee gobolka.
Safarka Masar
Xasan Sheekh ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu safarka Masar ku yeesho kulamo siyaasadeed iyo kuwo amni oo heer sare ah.
Xiriirka Muqdisho iyo Qaahira ayaa si weyn u xoogeysanayay sanadihii dambe, gaar ahaan dhinacyada difaaca iyo amniga.
Labada dal ayaa sare u qaaday iskaashiga militariga, iyadoo saraakiil sare oo Masri ah ay dhowaan Muqdisho kula kulmeen madaxda Soomaaliya, kana wada hadleen tababar, dhismaha awoodda ciidamada iyo taageerada ciidanka xoogga dalka.
Kulamada Masar ayaa sidoo kale la filayaa inay taabtaan xaaladda Geeska Afrika, Badda Cas iyo arrimaha amniga gobolka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu joogo Masar lagu wadaa inuu ka qeyb galo shirar heer sare ah oo Afrikaan ah oo ka dhacaya magaalada New Alamein.
Masar ayaa magaaladaas ku martigelinaysa shirar dhowr ah oo Afrikaan ah inta u dhaxeysa 2-da ilaa 4-ta October, oo uu ku jiro shir ay isugu imaanayaan madaxda Afrika iyo hay’adaha Midowga Afrika.
Ilo-wareedyo ayaa sidoo kale sheegaya in madax kale oo Afrikaan ah ay suuragal tahay inay ka qeyb galaan kulamadaas, oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki iyo hoggaamiyaha ciidamada Sudan Abdel Fattah al-Burhan, inkastoo ka qeyb-galkooda aan weli si rasmi ah loo xaqiijin.
Safarrada Xasan Sheekh ee Jabuuti iyo Masar waxay kusoo aadayaan xilli gobolka uu wajahayo xaalado amni iyo siyaasadeed oo adag, oo ay ka mid yihiin dagaallada dib uga qarxay waqooyiga Itoobiya, colaadda Sudan iyo xiisadaha ka taagan Badda Cas.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu toddobaadkan booqashooyin ku tago dalalka Jabuuti iyo Masar, halkaas oo uu kulamo kala duwan kula yeelan doono madaxda labada dal. Safarradan ayaa la filayaa inay diiradda saaraan arrimo siyaasadeed iyo amni.
Qodobada muhiimka ah
- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu toddobaadkan booqashooyin ku tago dalalka Jabuuti iyo Masar, halkaas oo uu kulamo kala duwan kula yeelan doono madaxda labada dal.
- Safarradan ayaa la filayaa in looga hadlo xiriirka Soomaaliya la leedahay labada dal, xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Geeska Afrika, iyo arrimaha ka taagan Badda Cas.
- Sarkaalku wuxuu sheegay in qorshaha hadda jira uu yahay in Xasan Sheekh uu Arbacada tago Jabuuti, halka Jimcahana uu u safro Masar.
- ilo-wareedyo kale oo xog-ogaal u ah qorshaha safarka ayaa sheegay in labada safarba ay dhici karaan Jimcaha, iyadoo madaxweynuhu marka hore sii mari doono Jabuuti, kadibna uu u gudbi doono Masar.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay hadal ka soo baxay sarkaal sare oo ka tirsan dowladda oo ku saabsan jadwalka safarka.
- Ma jiraan xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan taariikhaha ama faahfaahinta safarrada.
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha ka imaanaya dowladaha Jabuuti ama Masar.
Gunaanadka akhristaha
Akhristayaasha waa in ay ogaadaan safarrada qorshaysan ee Madaxweynaha Xasan Sheekh iyo saamaynta ay yeelan karaan xiriirka gobolka.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin natiijooyinka gaarka ah ee laga filayo kulamada Jabuuti iyo Masar?
- Ma jiri doonaan bayaan ama heshiisyo la soo saari doono ka dib safarrada?
- Sidee ayey safarradan u saameyn doonaan xiriirka Soomaaliya la leedahay Jabuuti iyo Masar?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · dal · sheekh · xasan
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada