Xog ay baahisay warbaahinta Ciraaq oo si weyn u beenisay sheegashadii Puntland
Warka oo kooban
60 ilbiriqsiBaghdad (Caasimada Online) – Qiyaastii 40 nin oo ka tirsan qabiil kasoo jeeda koonfurta dalka Ciraaq ayaa la sheegay inay ka qeyb qaateen howlgal hubeysan oo lagu soo furtay markab shidaal oo burcad-badeed Soomaali ah ay afduubteen, dhacdo si weyn looga hadal hayo warbaahinta iyo baraha bulshada ee Ciraaq.
Qodobbada muhiimka ah
- Ragga ayaa ka tirsan qabiilka Al-Shaghanba ee gobolka Basra, waxaana hoggaamiye qabiil uu sheegay in ay u dhaqaaqeen sidii ay gacanta burcad-badeedda uga soo celin lahaayeen markabka oo uu lahaa nin kasoo jeeda isla qabiilka.
- Sheekh Cali al-Shaghanbi ayaa wakaaladda wararka Ciraaq ee Shafaq News u sheegay in markabka lagu qabsaday Gacanka Cadmeed, iyadoo burcad-badeeddu ay haysteen shaqaalihii saarnaa, kadibna ay dalbadeen lacag madax-furasho ah.
- Sida uu sheegay Sheekh Cali, ku dhowaad 40 nin oo kasoo jeeda degmada Abu al-Khasib iyo tuulada Jikour ee gobolka Basra ayaa abaabulay howlgalka, iyagoo xiriir iyo isku-duwid la sameeyay dhinacyo ka baxsan Ciraaq.
- Howlgalka ayaa ugu dambeyn lagu soo furtay markabka iyo shaqaalihii la socday, waxaana la qabtay toddobo nin oo lagu eedeeyay burcad-badeednimo, halka kuwo kale ay baxsadeen, sida uu sheegay hoggaamiyaha qabiilka.
Sida ay sheegtay Caasimada Online

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Baghdad (Caasimada Online) – Qiyaastii 40 nin oo ka tirsan qabiil kasoo jeeda koonfurta dalka Ciraaq ayaa la sheegay inay ka qeyb qaateen howlgal hubeysan oo lagu soo furtay markab shidaal oo burcad-badeed Soomaali ah ay afduubteen, dhacdo si weyn looga hadal hayo warbaahinta iyo baraha bulshada ee Ciraaq.
Ragga ayaa ka tirsan qabiilka Al-Shaghanba ee gobolka Basra, waxaana hoggaamiye qabiil uu sheegay in ay u dhaqaaqeen sidii ay gacanta burcad-badeedda uga soo celin lahaayeen markabka oo uu lahaa nin kasoo jeeda isla qabiilka.
Sheekh Cali al-Shaghanbi ayaa wakaaladda wararka Ciraaq ee Shafaq News u sheegay in markabka lagu qabsaday Gacanka Cadmeed, iyadoo burcad-badeeddu ay haysteen shaqaalihii saarnaa, kadibna ay dalbadeen lacag madax-furasho ah.
Sida uu sheegay Sheekh Cali, ku dhowaad 40 nin oo kasoo jeeda degmada Abu al-Khasib iyo tuulada Jikour ee gobolka Basra ayaa abaabulay howlgalka, iyagoo xiriir iyo isku-duwid la sameeyay dhinacyo ka baxsan Ciraaq.
Howlgalka ayaa ugu dambeyn lagu soo furtay markabka iyo shaqaalihii la socday, waxaana la qabtay toddobo nin oo lagu eedeeyay burcad-badeednimo, halka kuwo kale ay baxsadeen, sida uu sheegay hoggaamiyaha qabiilka.
Muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya rag hub culus sita oo la sheegay inay yihiin xubnaha qabiilka Ciraaqiga ah, kuwaas oo ku jira iska horimaad ka dhacay badda. Warbaahinta Ciraaq ayaa sheegtay in dagaalka lagu soo furtay markabka uu socday dhowr saacadood, inkastoo aan si madax-bannaan loo xaqiijin dhammaan faahfaahinta muuqaallada la baahiyay.
Warbaahinta Ciraaq ayaa sidoo kale sheegtay in howlgalka uu dhacay kadib markii markabka muddo ku dhow bil uu gacanta ugu jiray burcad-badeedda.
Sheegashada Puntland
Dhacdadan ayaa waxaa barbar socda warar kale oo sheegaya in ciidamada Puntland ay door weyn ka qaateen soo furashada markabka.
Markabka, oo lagu magacaabo Sibu 1, ayaa la afduubtay bishii Agoosto, isla markaana howlgalka lagu soo furtay lala kaashaday mas’uuliyiinta Puntland.
Sida warbixintaas lagu sheegay, Puntland ayaa horraantii toddobaadka billowday daba-galka markabkan iyo saddex markab oo kale oo burcad-badeeddu ku haysteen meel u dhow degmada Bandar Beyla.
Ilo amni ayaa sheegay in Sibu 1 markii dambe lagu helay meel koonfur ka xigta Garacad, halkaas oo markab ay leeyihiin ciidamada Puntland uu jidgooyo badeed u dhigay, taasoo lama filaan ku noqotay kooxihii haystay markabka.
Dhanka kale, bayaan loo nisbeeyay qabiilka Al-Shaghanba ayaa sheegay in howlgalka uu dhacay kadib “xiriir, isku-duwid iyo oggolaansho” ay ka heleen dowladda Soomaaliya. Wararka kale ayaa si gaar ah u xusaya maamulka Puntland, mana cadda heerka ay dhinacyada kala duwan mid walba uga qeyb qaateen howlgalka.
Saddex markab oo kale — Honor 25, MT Eureka iyo MT Asana — ayaa wararku sheegayaan inay weli gacanta ugu jiraan kooxo burcad-badeed ah, kuwaas oo u dhaqaaqay dhanka xeebaha Hobyo ee gobolka Mudug.
Dhacdadan ayaa kusoo beegmeysa xilli mar kale ay sare u kacayaan falalka burcad-badeednimada ee xeebaha Soomaaliya, kadib sanado ay aad u yaraayeen weerarrada noocan ah.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · ciraaq · warbaahinta · weyn