Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo bogaadisay koboca dhaqaalaha dalka
Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu soo bandhigayay Warbixinta Dhaqaalaha Soomaaliya ee sanadka 2025, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda XFS.
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu soo bandhigayay Warbixinta Dhaqaalaha Soomaaliya ee sanadka 2025, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda XFS.
Warbixinta ayaa lagu soo bandhigay xaaladda guud ee dhaqaalaha dalka, horumarka la sameeyay sanadkii 2025, dib-u-habaynta hannaanka maaliyadda qaranka iyo isbeddellada ku yimid taageeradii dhaqaale ee dibadda ka imaan jirtay.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ay jireen caqabado dhaqaale oo gudaha iyo dibadda ah, hase yeeshee adkaysiga shacabka Soomaaliyeed iyo dadaalka hay’adaha dowladda ay door muhiim ah ka qaateen sii socoshada kobaca dhaqaalaha dalka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Maaliyadda dadaalka ay ku bixisay horumarinta hannaanka maaliyadda qaranka, gaar ahaan kordhinta dakhliga gudaha, xoojinta daah-furnaanta iyo isla-xisaabtanka, iyo hagaajinta maamulka iyo maaraynta dhaqaalaha dalka.
“Dowladdu ma aysan siyaasadeyn, mana siyaadeyn doonto taageerada dhaqaale ee ay siiso Dowlad-goboleedyada. Sanadka 2025 wuxuu ahaa sanadkii dhaqaalaha ugu badan la siiyey Dowlad-goboleedyada,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay in la sii ambaqaado dib-u-habaynta dhaqaalaha, lana abuuro jawi ku habboon maalgashiga gudaha iyo dibadda, iyadoo la xoojinayo shuruucda iyo siyaasadaha hagaya dhaqaalaha iyo maalgashiga dalka.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · dhaqaalaha · soomaaliya · xukuumadda
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada