Xukuumadda Soomaaliya ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ ๐๐ก๐๐ฐ๐๐๐ชd๐๐ฒ ๐ก๐ข๐ซ๐ ๐๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐ก๐๐ง๐ง๐๐๐ง๐ค๐ ๐ญ๐๐ซ๐ญ๐๐ง๐ค๐ ๐๐ฎ๐ซ๐๐ง ๐๐ ๐ฌ๐ก๐๐ช๐๐๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐๐๐a
Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xamsa Cabdi Barre, Isaga oo ka duulaya Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Qodobka 161aad farqadda (1), Sharciga Shaqaalaha Rayid ah qodobkiisa 7aad, iyo dhammaan xeerarka,โฆ
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xamsa Cabdi Barre, Isaga oo ka duulaya Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Qodobka 161aad farqadda (1), Sharciga Shaqaalaha Rayid ah qodobkiisa 7aad, iyo dhammaan xeerarka, shuruucda iyo qaraarada la xiriira Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladdda Federaalka ah, ayuu faray dhammaan Wasiirrada iyo Masโuuliyiinta kale ee dowladda in si buuxda oo aan dib-u-dhac lahayn loo hirgeliyo hannaanka shaqaalaysiinta iyo magacaabista ku salaysan kartida iyo mudnaanta.
Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamsa, faray Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowladda in 20-Sebteembar la bilaabo wajiga 1aad ee dib-u-habaynta Agaasime Waaxeedyada maadama ay laf-dhabar u yihiin maamulka heyโadaha dowladda ayna door muuqda ka qaataan hoggaaminta, hirgalinta siyaasadda, fulinta qorsheyaasha iyo joogtaynta shaqada heyโadaha.
Marka la hirgaliyo wajiga 1-aad waxaa dib-u-habayn lagu samayn doona Agaasimayaasha Guud ee heyโadaha dowladda iyada oo lagu salaynayo karti, aqoon, khibrad, hoggaamin iyo waxqabad, si loo dhiso hoggaan maamul oo xirfad leh isla-xisaabtan leh oo ka shaqeeya natiijooyin muuqda.
Mudane Xamsa, ayaa sheegay in ujeeddada laga leeyahay nidaamkan ay tahay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay yeelato hoggaan maamul oo xirfad leh, joogto ah, awoodda in uu hirgaliyo siyaasadda dowladda una beddelo natiijooyin muuqda oo ay markhaati ka noqdaan shacabka Soomaaliyeed.
Raโiisul Wasaare Xamsa, ayaa xusay in Afartii sano ee la soo dhaafay, Xukuumadda DanQaran ay qaaday tallaabooyin muhiim ah oo lagu xoojinayo dhismaha, maamulka iyo tayada hayโadaha dowladda, iyada oo ujeeddadu tahay in la helo hayโado dowladeed oo leh saldhig sharci iyo maamul adag iyo Shaqaale Rayid ah oo leh aqoon, karti iyo karaan ku filan gudashada waajibaadka saaran.
โWaxaan dhidibka u taagnay tiirar sharci iyo kuwa hayโadaha ee lagama maarmaanka u ah dib-u-habaynta iyo horumarinta shaqaalaha rayidka ah, Waxa aan ansixinnay sharciyo, siyaasado, xeerar iyo qaab-dhismeedyo muhiim ah oo hagaya maamulka hayโadaha iyo shaqaalaha dowladdaโ. Ayuu yiri Raโiisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Ugu Dambayn: Raโiisul Wasaaraha, ayaa faray dhammaan Wasaaradaha iyo Heyโadaha Dowladda In si buuxda loo hirgeliyo qaab-dhismeedyada hayโadaha ee la ansixiyey, iyada oo xilalka Agaasime Waaxeedyada lagu buuxinayo hannaan tartan furan, dhammaan shaqaalaha u qalma ee ku jira adeegga rayidka ah la siiyo fursad loo siman yahay oo ay ugu tartamaan xilalkaas, iyo In wixii xil ama jago bannaan ah ee shaqaalaha dowladda ah lagu buuxiyo hannaan tartan furan oo waafaqsan shuruucda iyo xeerarka dowladda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia ยท general ยท xukuumadda ยท soomaaliya ยท farqadda
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada