SOOMAALIYA oo maanta si rasmi ah ula wareegtay mas’uuliyadda…
Muqdisho (Caasimada Online) – Maanta waa maalin taariikhi ah oo Soomaaliya ay si rasmi ah u soo afjartay marxalad dheer oo ku saabsan ilaalinta iyo horumarinta xuquuqul insaanka, iyadoo si buuxda ula wareegtay mas’uuliyadda qaran ee xuquuqul insaanka.
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Maanta waa maalin taariikhi ah oo Soomaaliya ay si rasmi ah u soo afjartay marxalad dheer oo ku saabsan ilaalinta iyo horumarinta xuquuqul insaanka, iyadoo si buuxda ula wareegtay mas’uuliyadda qaran ee xuquuqul insaanka.
Tani waxay ka dhigan tahay in si rasmi ah loo soo gabagabeeyey hawshii Xafiiska Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, oo hoos imaan jiray UNTMIS.
Geeddi-socodkan taariikhiga ah ayaa ka soo bilowday Muqdisho, isagoo soo maray dadaallo iyo wada-hadallo heer caalami ah oo ka dhacay Geneva iyo New York, kuwaas oo ay hormuud u ahayd Wasiir Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, oo ay garab taagnaayeen hawl-wadeennada kala duwan ee wasaaradda, sida ay sheegtay Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka.
Dadaalka wadajirka ah ee hay’adaha dowladda iyo khubarada Soomaaliyeed wuxuu horseeday in la gaaro himilo qaran oo muddo dheer laga shaqeynayay, taas oo ah in Soomaaliya ay si buuxda u yeelato lahaanshaha iyo hoggaaminta ajandaha xuquuqul insaanka ee dalkeeda.
“Guushan waxay ka dhalatay qorsheyn joogto ah, go’aan siyaasadeed, wada-hadal miro-dhal ah iyo dadaal qaran oo aan kala go’ lahayn,” ayay sheegtay Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka.
Sidoo kale, waxaa saldhig u ahaa go’aannada Dowladda Federaalka Soomaaliya, horumarradii Soomaaliya ka gaartay Golaha Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay iyo xoojinta Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliya.
Shirweynihii Qaran ee Xuquuqul Insaanka ee Maarso 2025 ayaa sidoo kale door muhiim ah ka qaatay dhismaha aragti qaran oo ku salaysan hannaan ay Soomaaliya iyadu leedahay, hoggaamiso, kana mas’uul tahay.
Xiritaanka Xafiiska Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ma aha dhammaadka ilaalinta xuquuqul insaanka, balse waa bilowga marxalad cusub, sida ay sheegtay wasaaradda.
“Waa marxalad ay hay’adaha Soomaaliyeed si toos ah u qaadanayaan mas’uuliyadda ilaalinta, horumarinta iyo u doodista xuquuqul insaanka muwaadiniinta Soomaaliyeed.”
Soomaaliya waxay maanta muujisay in hay’adaha qaranku ay gaareen heer ay si madax-bannaan ugu hoggaamin karaan ajandaha xuquuqul insaanka, iyadoo iskaashiga iyo taageerada caalamiga ah loo adeegsanayo xoojinta awoodda qaranka, halkii ay beddeli lahaayeen mas’uuliyadda hay’adaha Soomaaliyeed.
“Geeddigii dheeraa maanta wuxuu gaaray guul. Soomaaliya waxay si buuxda ula wareegtay mas’uuliyadda xuquuqul insaankeeda. Bog taariikhi ah ayaa xirmay, cutub cusubna waa furmay: cutub ay Soomaaliya iyadu leedahay, iyadu hoggaaminayso, iyaduna ka mas’uul tahay.”
Si kastaba, Soomaaliya ayaa maanta furaysa albaab cusub oo ku dhisan lahaanshaha qaran, hay’ado awood leh, isla-xisaabtan, sharciyad iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta. Mas’uuliyadda cusub ayaa u baahan dadaal joogto ah, hoggaan adag iyo in hay’adaha Soomaaliyeed ay si buuxda u gutaan waajibaadka dastuuriga ah, qaran iyo kuwa caalamiga ah ee xuquuqul insaanka.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · soomaaliya · ula · rasmi
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada