Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caafimaadka Dhimirka
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiMaqaalku wuxuu ka hadlayaa xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caafimaadka Dhimirka oo ku beegan 10ka Oktoobar, isagoo iftiiminaya muhiimadda ay leedahay wacyigelinta arrimaha caafimaadka dhimirka ee caalamka.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Cidda ay saamaysayArrimaha Nafsiyeed: Waxaa ka mid ah walwalka joogtada ah, walaaca, walbahaarka, murugada, tiiraanyada, dhaawacyada nafsiyeed ee ka dhashay burburka qoysaska, dagaallada isbahaysiga ah ama qabiilka, iyo xadgudubyada kufsiga ama jirdilka qof loo geysto.
- Sannad kasta, marka la gaaro 10ka Oktoobar, caalamka waxaa si wadajir ah loo xusaa Maalinta Caalamiga ah ee Caafimaadka Dhimirka.
- Ka gaabsashada ka hadalka bedqabka dhimirku waxay sii fogayn kartaa dadka la daalaadhacaya xanuunnada nafsadeed, waxayna ku riixi kartaa go’doon iyo aamusnaan ka hor istaagta in ay raadsadaan daryeel caafimaad iyo kaalmo nafsiyeed.
- Bedqabka dhimirku wuxuu ka mid yahay tiirarka ay ku qotomaan tayada nolosha aadanaha, horumarka bulshada iyo xasilloonida guud ee wada noolaanshaha.
Sida ay sheegtay Goobjoog Somali
- Sababta ay muhiim u tahay
- Maqaalku wuxuu muujinayaa muhiimadda wacyigelinta caafimaadka dhimirka iyo saamaynta ay ku leedahay caafimaadka qofka iyo bulshada.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin talaabooyinka gaarka ah ee caalamku qaadayo si loo xalliyo arrimaha caafimaadka dhimirka?
Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
Maqaalku wuxuu ka hadlayaa xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caafimaadka Dhimirka oo ku beegan 10ka Oktoobar, isagoo iftiiminaya muhiimadda ay leedahay wacyigelinta arrimaha caafimaadka dhimirka ee caalamka.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Sannad kasta, marka la gaaro 10ka Oktoobar, caalamka waxaa si wadajir ah loo xusaa Maalinta Caalamiga ah ee Caafimaadka Dhimirka. Munaasabaddan caalamiga ahi waxay bulshooyinka adduunka u tahay fursad ay ku milicsadaan muhiimadda bedqabka dhimirka, isaguna baraarujiyaan baylahda ka dhalata fahandarrada, wacyixumada iyo iska indhatiridda daryeelkiisa. Bulshooyin badan ayaa weli caafimaadka dhimirka u arka arrin ahmiyad sii ridan lahayn, iyaga oo u haysta dhibaato qofeed oo aan dhaafsiisnayn cidda ay haleeshay.
Ka gaabsashada ka hadalka bedqabka dhimirku waxay sii fogayn kartaa dadka la daalaadhacaya xanuunnada nafsadeed, waxayna ku riixi kartaa go’doon iyo aamusnaan ka hor istaagta in ay raadsadaan daryeel caafimaad iyo kaalmo nafsiyeed. Bedqabka dhimirku waa arrin bulsho oo saamayn toos ah ku leh habnololeedka guud, waxsoosaarka bulshada, nabadda, xasilloonida iyo wada noolaanshaha bulsho kasta.
Bulsho kasta oo aan u heellanayn in ay dadkeedu helaan daryeel ku habboon caafimaadka dhimirka waxay la kulmi kartaa hoosudhac ku yimaada dhinacyada horumarka, sababta oo ah waxaa wiiqma awoodda fikirka iyo go’aanqaadashada ee xubnaha bulshadaas.
Caafimaadka Dhimirka iyo Nolosha Aadanaha
Bedqabka dhimirku wuxuu ka mid yahay tiirarka ay ku qotomaan tayada nolosha aadanaha, horumarka bulshada iyo xasilloonida guud ee wada noolaanshaha. Caafimaadka maskaxeed inta badan ma aha mid si muuqata u soo baxa sida bedqabka jireed ee qofku dareemi karo.
Waxaa xaqiiqo ah in marka laga hadlayo bedqabka jireed, qofku si fudud uga sheegan karo xanuun ama dhaawac ku dhacay xubnaha jirka, sida gacanta, lugta ama jirka intiisa kale. Xanuunnada jireed ee noocaas ahi waa kuwo si muuqata loo arki karo ama loo dareemi karo; xitaa qof aan aqoon dheeraad ah u lahayn daryeelka caafimaadka ayaa si fudud uga caawin kara qofka xanuunsan in la geeyo goob caafimaad ama cisbitaal, si loogu fidiyo daryeel iyo baxnaano.
Dhibaatooyinka dhimirka ku dhaca badankoodu ma aha kuwo raadkooda si toos ah looga dheehan karo oogada jirka. Hasayeeshee, saamayntoodu waxay si gun dheer u taaban kartaa habfekerka, dareenka, hal-abuurka iyo habdhaqanka qofka. Qof kasta oo bulshada ka tirsan wuxuu nololmaalmeedkiisa ku maareeyaa garashadiisa, habfikirkiisa iyo awoodda uu ula tacaalo duruufaha kala geddisan ee soo wajaha. Sidaas darteed, bedqabka dhimirku wuxuu kaalin tiirdhexaad ah kaga jiraa qummanaanta shakhsiyadda iyo hannaanka nolosha aadanaha.
Qeexidda Hay’adda WHO iyo Nuxurka Fayoqabka Maskaxeed
Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) waxay caafimaadka dhimirka ku qeexday in uu yahay xaalad la xiriirta maskaxda iyo dareenka qofka, taas oo muujisa sida uu u fikirayo, sida uu wax u dareemayo, sida uu ula dhaqmo dadka kale iyo sida uu ula falgalo nololmaalmeedka. WHO waxay caafimaadka dhimirka ku qeexday in uu yahay: “Xaalad qofku awood u leeyahay in uu garto kartidiisa shakhsiyeed, maareeyo walbahaarka iyo culayska noloshiisa soo wajaha, qabsado hawlmaalmeedkiisa si wax-ku-ool ah, waxna ku biiriyo bulshada uu ku dhex nool yahay.”
Qeexitaankani wuxuu caddaynayaa in caafimaadka dhimirku uusan ku koobnayn la’aanta cudur ama xaalad xanuun oo cad, uuse yahay xaalad caafimaad oo dhammaystiran iyo fayoqab maskaxeed iyo mid dareen oo qofka u suurageliya in uu si caafimaad leh u maareeyo caqabadaha soo wajaha. Qofka dhimirkiisu caafimaad qabo wuxuu awoodaa in uu adeegsado garashadiisa, la qabsado xaaladaha nololeed ee kala duwan, una noqdo xubin wax ku darsata horumarka guud ee bulshadiisa.
Dhaawacyada Nafsiyeed (Trauma) iyo Sida ay Bulshada Soomaaliyeed u Saameeyeen
Bulshooyinka ay ragaadiyeen colaadaha hubaysan, saboolnimada, barakaca daba dheeraaday, abaaraha iyo qalalaasaha siyaasadeed waxay si gaar ah ugu nugul yihiin dhibaatooyinka dhimirka iyo dhaawacyada nafsadeed ee ka dhasha waayaha qallafsan ee ay soo mareen. Bulshada Soomaaliyeed, oo dalkeedu ka soo kabanayo dhibaatooyinkii ba’naa ee dagaalladii sokeeye, waxay isla markaasna la tacaalaysaa dhibaatooyin raagay oo ay ka mid yihiin aanooyinka qabiilka, abaaraha la xiriira isbeddelka cimilada iyo ladagaallanka argagixisada.
Dhibaatooyinkan sii dheeraaday waxay sababeen in qayb badan oo bulshada ka mid ahi la noolaato dhaawacyo nafsiyeed (trauma) oo ay aad u adag tahay in laga soo kabto.
Mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu waaweyn ee ka dhashay xaaladahan waa xanuunka loo yaqaanno PTSD (Post-Traumatic Stress Disorder), ama walbahaarka ka dhasha dhacdooyin saamayn xooggan lahaa oo hore u dhacay. Dad badani waxay maalin kasta la nool yihiin xusuusta ama saamaynta dhacdooyinkii xanuunka lahaa ee ay soo mareen, sida dhawaaqa qaraxyada, dagaalladii hore, waayidda xubno ka mid ah qoyska, dhaawacyada jireed iyo abaaraha joogtada ah ee dadka ku qasba in ay barakacaan.
Dadka la nool dhibaatooyinkan ma helin daryeel caafimaad oo ku filan, mana jiro baraarug ku filan oo bulshada dhexdeeda ka jira oo ku saabsan muhiimadda ay leedahay in loo raadiyo daryeelka caafimaadka dhimirka iyo taageero nafsiyeed oo joogto ah.
Fahanla’aanta Bulshada iyo Caayidda Dadka Qaba Xanuunnada Dhimirka
Ilaa maanta, bulshadeenna Soomaaliyeed inteeda badan ma fahansana ama ma leh wacyi dhab ah oo ilaalinta caafimaadka dhimirka ah. Marka la arko qof wajahaya xanuun dhimirka ah ama dhibaato nafsiyeed, bulshadu waxay inta badan arrintaas u tiirisaa ama u aragtaa in ay tahay diindarro, wax la xiriira shaydaan ama jinni, ama daciifnimo shakhsiyeed. Halkii qofkaas loo aqoonsan lahaa bukaan ama qof wajahaya xaalad caafimaad oo u baahan daryeel, turaale iyo taageero caafimaad oo cilmi-nafsiyeed, waxaa inta badan loo muujiyaa takoor iyo fahandarro sii kordhiya dhibaatadiisa.
Dadkeenna badankooduna waxay la daalaadhacayaan dhibaatooyin la xiriira bedqabka dhimirka. Dhallinyaradu waxay la nool yihiin walbahaar iyo welwel (stress) ka dhasha shaqa-la’aanta; ma jirto cid tixgelin gaar ah siisa bedqabkooda maskaxeed, waxayna halis ugu jiraan in ay la kulmaan dhibaatooyin kale oo caafimaad oo halis gelin kara noloshooda!
Saamaynta Caafimaadka Dhimirku ku Leeyahay Dhismaha iyo Wadajirka Bulshada
Marka caafimaadka dhimirka ee bulshadu la kulmo caqabad uu ka socon waayo, waxaa wiiqma habdhaqankii bulshada iyo wanaaggiisa. Waxa kale oo saamayn ku timaadda nidaamka bulshada, sharciyaddeeda, maamulkeeda iyo isfahankeeda guud. Bulshooyinka waxaa inta badan wanaajiya ama haga dad caafimaadkooda dhimirku xasilloon yahay. Haddii caafimaadka dhimirka bulshadu wanaagsan yahay, waxaa yaraada rabshadaha sababa dambiyada, waxaana, sidoo kale, kordha waxsoosaarka bulshada iyo waxwadaqabsigeeda.
Haddii bulshadu tahay mid uu wanaagsanyahay caafimaadkeeda dhimirku, waxaa si muuqata u yaraada rabshadaha, dambiyada iyo isqabqabsiga, halka uu dhanka kalana si weyn u kordho waxsoosaarka guud iyo waxwadaqabsiga bulshada. Waxaa jira waxyaabo badan oo saamayn toos ah ku leh caafimaadka dhimirka bulshada, kuwaas oo loo qaybin karo dhowr dhinac oo waaweyn:
Arrimaha Nafsiyeed: Waxaa ka mid ah walwalka joogtada ah, walaaca, walbahaarka, murugada, tiiraanyada, dhaawacyada nafsiyeed ee ka dhashay burburka qoysaska, dagaallada isbahaysiga ah ama qabiilka, iyo xadgudubyada kufsiga ama jirdilka qof loo geysto.
Arrimaha Bulshada: Waxaa ka mid ah saboolnimada daran iyo diihaalka nololeed, shaqa-la’aanta baahsan, aqoondarrada iyo barakaca bulshada, iyagoo degaannadooda uga tegay raadinta fursado nololeed.
Arrimaha Jireed (Biological): Waxaa ka mid ah nafaqaxumada, hurdala’aanta baahsan iyo cudurrada raaga ee jirka ku dhaca, sida sonkorowga ama dhiigkarka, kuwaas oo cadaadis toos ah ku keena habfikirka iyo shaqada maskaxda.
Hiddaha ama Dhaxalka Qoyska: Waxaa sidoo kale ka mid ah cudurrada dhimirka ee laga dhaxlo qoyska, iyadoo ay dhici karto in qofku waalidkiis ama awoowayaashiis ka dhaxlo hiddasidayaal u nugleeya xanuunnada dhimirka.
Cudurrada Gaarka ah ee Dhimirka ku Dhaca
Ugu danbayntii, waxaa jira cudurro gaar ah oo la xiriira caafimaadka dhimirka, kuwaas oo ay dadku la kulmi karaan marka ay wajahaan caqabadahaas ama xaaladahaas jireed iyo kuwa bulsho. Jirrooyinkaas waxaa ka mid ah:
Depression (Murugada): Waa xaalad ay qofka ku raagaan murugo iyo niyadjab, waxaana la socon kara xiisihii nolosha oo yaraada, rejabeel iyo hoosudhac ku yimaadda habfikirkiisa iyo hawlmaalmeedkiisa.
Phobias (Cabsida Xaddhaafka ah): Qofka oo yeesha ama samaysta cabsi xaddhaaf ah oo la xiriirta dhacdooyin, walxo ama xaalado gaar ah; cabsi aysan dadka kale la qabin ama aan lahayn sabab maangal ah oo looga baqo.
Schizophrenia: Waa cudur dhimir oo aad u culus oo qofka ka fogeyn kara xaqiiqada; wuxuuna sababi karaa in uu maqlo codad aan jirin, arko waxyaabo ismoodsiis ah ama uu muujiyo cabsi daran oo aan dhab ahayn.
Gunaanad
Ilaalinta bedqabka dhimirku waxay u baahan tahay daryeel joogto ah, baraarujin bulsheed iyo helitaanka goobo lagu bixiyo adeegyada caafimaadka dhimirka, oo ay ka mid yihiin talabixinta nafsadeed iyo daawaynta cilmi-nafsiga ku dhisan. Hawshani waxay si gaar ah masuuliyad uga saarantahay khubarrada caafimaadka dhimirka, dadka barta cilmi-nafsiga iyo cid kasta oo aqoon iyo waaya-aragnimo ku leh daryeelka nafsadda iyo maanka.
Caafimaadka dhimirku waa tiirxoog ay ku qotamaan bedqabka qofka, wanaagga qoyska iyo horumarka bulshada. Fahandarrada iyo dayacaadda ku xeerani waxay sii kordhin karaan baylahda nafsadeed, dhibaatooyinka qoysaska iyo kala fogaanshaha bulshada. Sidaas darteed, dhowrista bedqabka dhimirku waa qayb lagama maarmaan u ah dhismaha bulsho iskuduuban, isgarab taagan, kuna dhisan isfahan, turaal iyo wada noolaansho wanaagsan.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Maqaalku wuxuu ka hadlayaa xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caafimaadka Dhimirka oo ku beegan 10ka Oktoobar, isagoo iftiiminaya muhiimadda ay leedahay wacyigelinta arrimaha caafimaadka dhimirka ee caalamka.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xog ama tirokoob gaar ah oo ku saabsan arrimaha caafimaadka dhimirka.
- Ma jiraan hadallo toos ah oo ka yimid xirfadlayaal caafimaadka dhimirka ama hay'adaha la xiriira.
- Maqaalku ma bixinayo jawaabo ka yimid shakhsiyaad ama kooxo leh aragtiyo kala duwan oo ku saabsan caafimaadka dhimirka.
Gunaanadka akhristaha
Caafimaadka dhimirku waa qayb muhiim ah oo ka mid ah caafimaadka guud ee u baahan in la fiiro gaar ah.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin talaabooyinka gaarka ah ee caalamku qaadayo si loo xalliyo arrimaha caafimaadka dhimirka?
- Sidee dhaqammo kala duwan u arkaan oo u maareeyaan caafimaadka dhimirka?
- Maxay yihiin tirooyinka ku saabsan arrimaha caafimaadka dhimirka ee Soomaaliya?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku wuxuu muujinayaa muhiimadda wacyigelinta caafimaadka dhimirka iyo saamaynta ay ku leedahay caafimaadka qofka iyo bulshada.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · caalamiga · caafimaadka · dhimirka