Al-Shabaab oo ka qeylisay Turkiga iyo Mareykanka
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa si kulul u weerartay Mareykanka iyo Turkiga, iyadoo ku eedeysay inay door militari iyo mid siyaasadeed ku leeyihiin Soomaaliya, isla markaana ay taageeraan dowladda federaalka. Eedeymahan ayaa ku jiray farriinta sanadlaha ah ee kooxda ay soo saarto munaasabadda Ciidul Adxa, taas oo uu jeediyay afhayeenka rasmiga ah ee […] The post Al-Shaba

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa si kulul u weerartay Mareykanka iyo Turkiga, iyadoo ku eedeysay inay door militari iyo mid siyaasadeed ku leeyihiin Soomaaliya, isla markaana ay taageeraan dowladda federaalka.
Eedeymahan ayaa ku jiray farriinta sanadlaha ah ee kooxda ay soo saarto munaasabadda Ciidul Adxa, taas oo uu jeediyay afhayeenka rasmiga ah ee Al-Shabaab, Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere).
Cali Dheere ayaa si gaar ah u weeraray duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya, isagoo ku eedeeyay Washington inay beegsato dad rayid ah, xilli ay ku doodayso inay fulineyso hawlgallo ka dhan ah argagixisada.
Eedeymahaas si madax-bannaan looma xaqiijin. Al-Shabaab ayaa marar badan adeegsata sheegashooyinka khasaaraha rayidka si ay ugu faafiso dacaayaddeeda ka dhanka ah dowladda Soomaaliya iyo dalalka shisheeye ee taageera.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan