Baaritaan shaaciyey tirada shacabka Soomaaliya ee uu Mareykanka ku dilay duqeymo
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiWarbixin ayaa muujinaysa in ugu yaraan 216 qof oo rayid ah lagu dilay ama lagu dhaawacay duqeymo iyo howlgallo cirka ah oo Mareykanku ka fuliyey Soomaaliya intii u dhexeysay 2007 ilaa May 2025.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Baaritaanka, oo ay daabacday Arab Reporters for Investigative Journalism (ARIJ), ayaa lagu falanqeeyey 884 howlgal oo cirka ah oo Mareykanka iyo xulafadiisu ka fuliyeen Soomaaliya, Suuriya, Ciraaq iyo Yemen.
- Cilmi-baarayaashu waxay diiwaangeliyeen ugu yaraan 3,336 qof oo rayid ah oo ku dhintay ama ku dhaawacmay afartaas dal.
- ARIJ waxay sheegtay in tirooyinkani yihiin khasaaraha ugu yar ee la xaqiijin karo, islamarkaana aysan ka dhigneyn dhammaan dadka rayidka ah ee waxyeelladu ka soo gaartay howlgallada militari ee Mareykanka.
- Baarayaashu waxay isticmaaleen xogta Airwars ee muddada u dhexeysa Janaayo 2007 ilaa dhammaadka May 2025, iyagoo dhacdo kasta ka qaadanayey tirada ugu hooseysa ee khasaaraha la diiwaangeliyey.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Sababta ay muhiim u tahay
- Maqaalku wuxuu iftiiminayaa farqiga u dhexeeya khasaaraha rayidka ee la soo sheegay iyo xisaabinta rasmiga ah, taasoo su'aalo ka keeneysa mas'uuliyadda howlgalada milatari.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin hababka ay Airwars u isticmaashay si ay u ururiso xogteeda?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Ugu yaraan 216 qof oo rayid ah ayaa lagu sheegay inay ku dhinteen ama ku dhaawacmeen duqeymo iyo howlgallo cirka ah oo Mareykanku ka fuliyey Soomaaliya intii u dhexeysay 2007 iyo May 2025.
- Airwars waxay hadda ku qiyaastaa in howlgallada Mareykanka ee Soomaaliya ay dileen inta u dhexeysa 85 iyo 162 qof oo rayid ah dhacdooyin ay hay’addu u aragto kuwo la xaqiijiyey ama lagu kalsoonaan karo.
- Ciidamada Mareykanka ayaa qirtay oo keliya lix dhimasho oo rayid ah iyo 11 dhaawac oo ka dhashay howlgalladooda Soomaaliya.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Washington (Caasimada Online) – Ugu yaraan 216 qof oo rayid ah ayaa ku dhintay ama ku dhaawacmay duqeymo iyo howlgallo cirka ah oo Mareykanku ka fuliyey Soomaaliya intii u dhexeysay 2007 iyo May 2025, sida lagu sheegay baaritaan cusub oo ku saleysan xog ay ururisay hay’adda Airwars.
Baaritaanka, oo ay daabacday Arab Reporters for Investigative Journalism (ARIJ), ayaa lagu falanqeeyey 884 howlgal oo cirka ah oo Mareykanka iyo xulafadiisu ka fuliyeen Soomaaliya, Suuriya, Ciraaq iyo Yemen.
Cilmi-baarayaashu waxay diiwaangeliyeen ugu yaraan 3,336 qof oo rayid ah oo ku dhintay ama ku dhaawacmay afartaas dal. Soomaaliya waxaa laga diiwaangeliyey 216 qof, halka Suuriya ay ahayd 1,336, Yemen 991 iyo Ciraaq 793.
ARIJ waxay sheegtay in tirooyinkani yihiin khasaaraha ugu yar ee la xaqiijin karo, islamarkaana aysan ka dhigneyn dhammaan dadka rayidka ah ee waxyeelladu ka soo gaartay howlgallada militari ee Mareykanka.
Baarayaashu waxay isticmaaleen xogta Airwars ee muddada u dhexeysa Janaayo 2007 ilaa dhammaadka May 2025, iyagoo dhacdo kasta ka qaadanayey tirada ugu hooseysa ee khasaaraha la diiwaangeliyey.
Waxay sidoo kale meesha ka saareen dhacdooyinka muranku ka jiray in weerarku dhacay iyo kuwa aan si ku filan loo xaqiijin karin tirada dadka rayidka ah ee waxyeelladu gaartay.
Farqi weyn oo u dhexeeya tirooyinka
Airwars ma diiwaangeliso dhammaan duqeymaha Mareykanka, balse waxay xoogga saartaa howlgallada ay kasoo baxaan warar muujinaya in dad rayid ahi waxyeello soo gaartay.
Hay’addu waxay xogteeda ka ururisaa warbaahinta gudaha iyo tan caalamiga ah, baraha bulshada, ogeysiisyada dhimashada iyo aaska, iyadoo xogaha kala duwan isbarbardhigta ka hor inta aysan qiimeyn heerka kalsoonida dhacdo kasta.
Sidaas darteed, tirada 216-ka qof ma aha khasaaraha guud ee rayidka ka soo gaaray ku dhowaad labaatan sano oo Mareykanku howlgallo militari ka waday Soomaaliya.
Airwars waxay hadda ku qiyaastaa in howlgallada Mareykanka ee Soomaaliya ay dileen inta u dhexeysa 85 iyo 162 qof oo rayid ah dhacdooyin ay hay’addu u aragto kuwo la xaqiijiyey ama lagu kalsoonaan karo. Waxa kale oo ay sheegtay in 35 ilaa 55 qof oo kale ay u badan tahay inay dhaawacmeen.
Dhinaca kale, ciidamada Mareykanka ayaa qirtay oo keliya lix dhimasho oo rayid ah iyo 11 dhaawac oo ka dhashay howlgalladooda Soomaaliya, sida ku cad xogta Airwars.
Farqiga weyn ee u dhexeeya labada tiro wuxuu qayb ahaan ka dhashaa hababka kala duwan ee loo baaro dhacdooyinka. Airwars waxay tixgelisaa warbixinnada maxalliga ah ee lagu kalsoonaan karo xitaa marka militariga Mareykanku uusan aqbalin in howlgalkiisa uu sababay khasaaraha rayidka.
Taliska Mareykanka ee Afrika, AFRICOM, ayaa sheegay inuu baaro eedeymaha khasaaraha rayidka isagoo adeegsanaya xog sirdoon, warbixinnada howlgalka iyo macluumaadka dadweynaha loo heli karo.
Warbixintiisii ugu dambeysay ee saddex-biloodlaha ahayd, oo ku ekeyd 30-kii June, AFRICOM wuxuu sheegay inuu helay saddex dacwadood oo cusub oo ku saabsan waxyeello rayid, halka shan kiis oo hore ay weli furnaayeen. Laba kiis ayuu talisku xiray muddadaas, lix kalena way sii furnaayeen.
Carruurta oo qayb ka ah khasaaraha
Baaritaanka ARIJ wuxuu sidoo kale sheegay in carruurtu ay ahaayeen qiyaastii 42 boqolkiiba dadka rayidka ah ee khasaaruhu gaaray afarta dal ee daraasaddu ka hadashay, taas oo u dhiganta 1,286 carruur ah.
Hase yeeshee, tiradaas waxay isugu darsan tahay Soomaaliya, Suuriya, Ciraaq iyo Yemen, mana ka dhigna in 42 boqolkiiba 216-ka qof ee Soomaaliya lagu diiwaangeliyey ay carruur ahaayeen.
Baaritaanku sidoo kale ma kala caddeyn inta ka mid ah 216-ka qof ee Soomaaliya ku dhintay iyo inta dhaawacantay.
ARIJ waxay intaas ku dartay in militariga Mareykanku Soomaaliya iyo Yemen u adeegsaday Project Maven, oo ah nidaam sirdoon oo ku shaqeeya teknoolajiyadda sirdoonka macmalka ah, laguna farsameeyo xogta kormeerka laguna caawiyo aqoonsiga bartilmaameedyada.
Hay’addu waxay sheegtay inay la xiriirtay dhowr hay’adood oo Mareykan ah si ay uga jawaabaan natiijooyinka baaritaanka, isla markaana codsigii ugu dambeeyey u dirtay Ciidamada Cirka Mareykanka bishii June 2026, balse aysan wax jawaab ah helin ka hor intii aan warbixinta la daabicin.
AFRICOM ayaa dhankiisa sheegay inuu si dhab ah u qaato eedeymaha la xiriira khasaaraha rayidka, isla markaana uu sii wado daabacaadda qiimeynno saddex-biloodle ah oo ku saabsan dhacdooyinka lala xiriiriyo howlgallada Mareykanka.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Warbixin ayaa muujinaysa in ugu yaraan 216 qof oo rayid ah lagu dilay ama lagu dhaawacay duqeymo iyo howlgallo cirka ah oo Mareykanku ka fuliyey Soomaaliya intii u dhexeysay 2007 ilaa May 2025.
Qodobada muhiimka ah
- Ugu yaraan 216 qof oo rayid ah ayaa lagu sheegay inay ku dhinteen ama ku dhaawacmeen duqeymo iyo howlgallo cirka ah oo Mareykanku ka fuliyey Soomaaliya intii u dhexeysay 2007 iyo May 2025.
- Airwars waxay hadda ku qiyaastaa in howlgallada Mareykanka ee Soomaaliya ay dileen inta u dhexeysa 85 iyo 162 qof oo rayid ah dhacdooyin ay hay’addu u aragto kuwo la xaqiijiyey ama lagu kalsoonaan karo.
- Ciidamada Mareykanka ayaa qirtay oo keliya lix dhimasho oo rayid ah iyo 11 dhaawac oo ka dhashay howlgalladooda Soomaaliya.
- Baaritaanka ARIJ wuxuu sidoo kale sheegay in carruurtu ay ahaayeen qiyaastii 42 boqolkiiba dadka rayidka ah ee khasaaruhu gaaray afarta dal ee daraasaddu ka hadashay.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay warbixin ay soo saartay Airwars, taasoo laga yaabo inaysan ka tarjumayn dhammaan khasaaraha rayidka.
- Qirashada ciidamada Mareykanka ee khasaaraha rayidka ayaa si weyn uga hooseysa qiyaasaha Airwars.
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha ciidamada Mareykanka ee ku saabsan natiijooyinka warbixinta.
Gunaanadka akhristaha
Warbixintu waxay soo jeedinaysaa in saamaynta rayidka ee howlgalada milatari ee Mareykanka ee Soomaaliya ay tahay mid weyn, taasoo laga yaabo in aan si buuxda loo aqoonsanayn ilaha rasmiga ah.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin hababka ay Airwars u isticmaashay si ay u ururiso xogteeda?
- Sidee ayey ciidamada Mareykanku u xaqiijiyaan khasaaraha rayidka ee howlgaladooda?
- Maxay yihiin tallaabooyinka la qaadayo si loo yareeyo khasaaraha rayidka howlgalada mustaqbalka?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku wuxuu iftiiminayaa farqiga u dhexeeya khasaaraha rayidka ee la soo sheegay iyo xisaabinta rasmiga ah, taasoo su'aalo ka keeneysa mas'uuliyadda howlgalada milatari.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · duqeymo · baaritaan · soomaaliya