Banaanbax Lagu Taageerayo Dowladda Oo Ka Dhacay Muqdisho
Muqdisho — Qaar kamid ah dhallinyarada Gobolka Banaadir ayaa caawa banaanbax nabadeed ku qabtay fagaaraha Isgoyska Taleex ee degmada Hodan, kaas oo ay ugu magac dareen Codka Caasimadda, iyagoo muujinayay taageerada ay u hayaan dowladda, nabadda iyo xasilloonida dalka. Dhallinyarada kasoo qeyb galay isu soo baxa ayaa sheegay in Muqdisho ay tahay astaanta nabadda […]

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho — Qaar kamid ah dhallinyarada Gobolka Banaadir ayaa caawa banaanbax nabadeed ku qabtay fagaaraha Isgoyska Taleex ee degmada Hodan, kaas oo ay ugu magac dareen Codka Caasimadda, iyagoo muujinayay taageerada ay u hayaan dowladda, nabadda iyo xasilloonida dalka.
Dhallinyarada kasoo qeyb galay isu soo baxa ayaa sheegay in Muqdisho ay tahay astaanta nabadda iyo mideynta shacabka Soomaaliyeed, isla markaana aysan aqbali doonin wax kasta oo qalqal gelin kara amniga iyo deganaanshaha caasimadda.
Banaanbaxayaasha ayaa sidoo kale farriimo wadaniyadeed u diray bulshada Soomaaliyeed, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta dowladnimada, wadajirka ummadda iyo horumarka dalka.
Isu soo baxan nabadeed ayaa muujinayay doorka muuqda ee dhallinyarada Soomaaliyeed ay kaga jiraan taageerada nabadda, difaaca dowladnimada iyo horumarka guud ee Soomaaliya.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan