Ciidamada Eritrea oo gudaha u galay Itoobiya iyo dagaal laga…
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiCiidamada Eritrea ayaa lagu soo warramay inay gudaha u galeen waqooyiga Itoobiya, taasoo kor u qaadaysa xiisadaha u dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Dhaqdhaqaaqyada cusub ayaa imaanaya xilli ciidamada dowladda Itoobiya iyo xoogag Tigray ah oo taageersan ay ku sii jeedaan waqooyiga gobolka Tigray, una sii dhowaanayaan xadka Eritrea.
- Warbaahinta Bloomberg ayaa Arbacadii werisay in Itoobiya ay Eritrea ku eedeysay inay ciidamo dheeraad ah soo gelisay dhulkeeda, isla markaana ay dalbatay inay si degdeg ah uga baxaan.
- Laba qof oo ku nool magaalada Adigrat, oo ku dhow xadka Eritrea, ayaa Reuters u sheegay inay Arbacadii arkeen laba gaari oo siday tobannaan askari oo Eritrean ah oo dhex maraya magaalada.
- Dadka deegaanka ayaa sheegay inay ciidamada ku garteen direyskooda gaarka ah, inkastoo Reuters ay sheegtay in aysan si madax-bannaan u xaqiijin karin xogtaas.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay noqon doonaan cawaaqibka ka dhasha dhaq-dhaqaaqyada ciidanka Eritrea ee gudaha Itoobiya?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Ciidamada Eritrea ayaa lagu soo warramay inay gudaha u galeen waqooyiga Itoobiya.
- Xukuumadda Addis Ababa ay Asmara ku eedeysay duullaan cusub.
- Laba qof oo ku nool magaalada Adigrat ayaa sheegay inay arkeen laba gaari oo siday tobannaan askari oo Eritrean ah.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Addis Ababa (Caasimada Online) – Xiisadda u dhexeysa Itoobiya iyo Eritrea ayaa gaartay heer cusub oo halis ah, kadib markii ciidamada Eritrea lagu soo warramay inay gudaha u galeen waqooyiga Itoobiya, halka xukuumadda Addis Ababa ay Asmara ku eedeysay duullaan cusub oo ay dalbatay in ciidamadaasi dib loo saaro.
Dhaqdhaqaaqyada cusub ayaa imaanaya xilli ciidamada dowladda Itoobiya iyo xoogag Tigray ah oo taageersan ay ku sii jeedaan waqooyiga gobolka Tigray, una sii dhowaanayaan xadka Eritrea.
Warbaahinta Bloomberg ayaa Arbacadii werisay in Itoobiya ay Eritrea ku eedeysay inay ciidamo dheeraad ah soo gelisay dhulkeeda, isla markaana ay dalbatay inay si degdeg ah uga baxaan.
Laba qof oo ku nool magaalada Adigrat, oo ku dhow xadka Eritrea, ayaa Reuters u sheegay inay Arbacadii arkeen laba gaari oo siday tobannaan askari oo Eritrean ah oo dhex maraya magaalada.
Dadka deegaanka ayaa sheegay inay ciidamada ku garteen direyskooda gaarka ah, inkastoo Reuters ay sheegtay in aysan si madax-bannaan u xaqiijin karin xogtaas.
Wakaaladda AFP ayaa sidoo kale sheegtay in ciidamo Eritrean ah lagu arkay agagaarka Adigrat maalmihii lasoo dhaafay, iyadoo qaar ka mid ah ciidamadaas lagu warramay inay dhanka koonfureed ugu sii jeedeen magaalada Mekelle.
Adigrat waxay qiyaastii 40 kiiloomitir u jirtaa Eritrea, halka Mekelle ay dhanka koonfureed uga jirto in ka badan 100 kiiloomitir.
Ciidamada oo isu soo dhowaanaya
Dhaqdhaqaaqyada Eritrea lagu eedeeyay ayaa kusoo aadaya xilli ciidamada federaalka Itoobiya iyo xoogag Tigray ah oo garab siinaya ay waqooyi u sii dhaqaaqayaan kadib markii ay maalmo kahor galeen Mekelle.
TPLF ayaa magaalada isaga baxday iyada oo aan dagaal weyn ka dhicin, kadib markii ciidamada dowladda ay dib ula wareegeen dhulal badan oo ay lumiyeen tan iyo markii dagaallada cusub ay billowdeen.
Taliye ka tirsan xoogagga Tigray Peace Force, oo dhinaca dowladda Itoobiya dagaalka uga jira, ayaa AFP u sheegay in ciidamadiisu gaareen magaalada Wukro oo qiyaastii 50 kiiloomitir waqooyi kaga beegan Mekelle, kuna taalla waddada weyn ee aadda Eritrea.
Arrintan ayaa la micno ah in ciidamada taageersan dowladda Itoobiya iyo kuwa Eritrea ee lagu soo warramayo inay gudaha Tigray joogaan ay sii isu soo dhowaanayaan.
Eritrea ayaa dhinaceeda beenisay inay ciidamadeedu gudaha u galeen Adigrat.
Wasiirka warfaafinta Eritrea Yemane Gebremeskel ayaa Reuters u sheegay in wararkaasi qeyb ka yihiin isku day Itoobiya ay ku dooneyso inay marmarsiinyo ugu sameysato waxa uu ku tilmaamay “dagaal gardarro ah” oo ka dhan ah Eritrea.
Itoobiya ayaa horay Eritrea ugu eedeysay inay taageerto isbahaysi hubeysan oo ay hormuud ka tahay TPLF, kaas oo tan iyo dabayaaqadii bishii September dagaallo kula jiray ciidamada federaalka. Eritrea ayaa marar badan beenisay eedeymahaas.
Xiriirka oo gebi ahaan burburay
Xiisadda hadda taagan waxay daba socotaa bilo ay sii xumaanayeen xiriirka Addis Ababa iyo Asmara.
Itoobiya ayaa bishii February Eritrea ku eedeysay inay ciidamo dheeraad ah soo gelisay dhulkeeda, iyadoo tallaabadaas ku tilmaantay “gardarro cad”. Eritrea ayaa eedeyntaasi diiday.
Xiriirka labada dal ayaa sii xumaaday kadib markii dagaallada cusub ay ka qarxeen waqooyiga Itoobiya.
1-dii October, Itoobiya waxay xirtay safaaraddeedii Asmara, waxayna dalka ka cayrisay 10 diblomaasi oo Eritrean ah, iyadoo ku eedeysay Eritrea falal ay sheegtay inay halis ku yihiin amniga qaranka Itoobiya.
Eritrea ayaa jawaab ahaan xiriirka diblomaasiyadeed u jartay Itoobiya, waxayna xirtay safaaraddeedii Addis Ababa.
Midowga Afrika ayaa kadib labada dhinac iyo dalalka kale ee gobolka ugu baaqay inay muujiyaan xakameyn, kana fogaadaan tallaabo kasta oo sii hurin karta xaaladda Geeska Afrika.
Xulafo hore oo isu beddelay cadow
Xiisadda cusub waxay astaan u tahay sida weyn ee uu isu beddelay xiriirka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki.
Labada dowladood waxay hal dhinac ka wada dagaallameen dagaalkii Tigray ee 2020 ilaa 2022, markaas oo ciidamada Eritrea ay garab siinayeen kuwa federaalka Itoobiya ee la dagaallamayay TPLF.
Hase yeeshee Eritrea qeyb kama ahayn heshiiskii Pretoria ee November 2022 lagu soo afjaray dagaalkaas, waxaana wixii markaas ka dambeeyay si tartiib ah u xumaaday xiriirka Addis Ababa iyo Asmara.
Khilaafka waxaa sii huriyay ololaha Itoobiya ay ku dooneyso marin ay ku gaarto Badda Cas.
Itoobiya, oo aan lahayn bad tan iyo markii Eritrea ay madax-bannaanida qaadatay 1993, ayaa marar badan sheegtay in helitaanka marin badeed la isku halleyn karo uu muhiim u yahay dhaqaalaheeda iyo amnigeeda qaranka.
Hadalkaas ayaa walaac weyn ka abuuray Eritrea, gaar ahaan marka madaxda Itoobiya ay soo hadal qaadaan dekedda istiraatiijiga ah ee Assab.
Addis Ababa waxay ku adkeysaneysaa inay marin badeed ku raadineyso wada-hadal iyo heshiis, halka Asmara ay Itoobiya ku eedeysay inay arrinta badda u adeegsaneyso marmarsiinyo ay cadaadis ugu saarto Eritrea.
Labada dal ayaa horey u galay dagaal xuduudeed dhiig badan ku daatay intii u dhaxeysay 1998 iyo 2000, kaas oo ay ku dhinteen tobannaan kun oo qof.
Xiriirkooda ayaa dib loo soo celiyay 2018 kadib heshiis ay gaareen Abiy Ahmed iyo Isaias Afwerki, balse sideed sano kadib labada dal waxay mar kale jareen xiriirka diblomaasiyadeed, iyadoo ciidamadooda lagu soo warramayo inay si aan hore loo arag ugu sii dhawaanayaan waqooyiga Itoobiya.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Ciidamada Eritrea ayaa lagu soo warramay inay gudaha u galeen waqooyiga Itoobiya, taasoo kor u qaadaysa xiisadaha u dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea. Xukuumadda Itoobiya ayaa Eritrea ku eedeysay inay duullaan cusub qaaday iyo in ciidamadan dib loo saaro.
Qodobada muhiimka ah
- Ciidamada Eritrea ayaa lagu soo warramay inay gudaha u galeen waqooyiga Itoobiya.
- Xukuumadda Addis Ababa ay Asmara ku eedeysay duullaan cusub.
- Laba qof oo ku nool magaalada Adigrat ayaa sheegay inay arkeen laba gaari oo siday tobannaan askari oo Eritrean ah.
- Eritrea ayaa dhinaceeda beenisay inay ciidamadeedu gudaha u galeen Adigrat.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay warbixinno ka yimid dadka deegaanka iyo ilo aan la magacaabin.
- Ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan dhaq-dhaqaaqyada ciidanka ama eedeymaha labada dowladood.
- Ma jiraan wax jawaab ah oo ka timid Eritrea oo ku saabsan eedeymaha ka sokow beeninta.
Gunaanadka akhristaha
Dhaqdhaqaaqyada ciidanka Eritrea ee gudaha Itoobiya waxay sii xumeyn karaan xaaladda kacsan ee gobolka.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay noqon doonaan cawaaqibka ka dhasha dhaq-dhaqaaqyada ciidanka Eritrea ee gudaha Itoobiya?
- Sidee ayay xukuumadda Itoobiya uga jawaabi doontaa horumarkan?
- Maxay tahay xaaladda hadda taagan ee dagaalka Tigray?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · gudaha · itoobiya · ciidamada
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada